“Halkan waxaan ka sheegayaa Maxamed Cabdillaahi inaan ku kalsoonahay 100%” Halkan Ka DAAWO Madaxweyne Siilaanyo oo Ammaan iyo Kalsooni Buuxda Ku Difaacaya Wasiirka Uu Caawa Eryey

0
33

Hargysa,(Hubaal)- Waxa caawa xilkii laga qaaday wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar, sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland.

Isla markaasina waxa warsaxaafadeedkaasi lagu sheegay in xilkii wasaarad Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah loo magacaabay Dr Muuse Qaasim Cumar.

Wasiirka hada shaqada laga qaaday ayaa ahaan jiray wasiirka arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah, ka hor intii aan wasaaradani hada laga qaaday loo dhiibin, madaxweyne Siilaanyo ayaa wasiirkani kalsooni buuxda ku qabay xiliyada qaarkood, “Halkan waxaan ka sheegayaa Maxamed Cabdillaahi (Wasiirkan uu beddelay oo xilligaas ahaa Wasiir Khaariji) inaan ku kalsoonahay 100%” sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Silaanyo oo ka war celinayay dhaliil Aqoon yahan Maxamed Haaruun Biixi u jeediyey Siyaasadda Xukuumadda ee waqtigaas lagu dhaqayay arrimaha dibeda.
Waxa la aaminsanyahay inuu khilaafka KULMIYE sahayday wasiirkaas. Maxamed Cabdillaahi ayaa ka mid ahaa guddiga hoggaaminaysay shirweynaha KULMIYE ee go’aamada soo saaray, balse kama uu soo daahirin shirarkii jaraa’id ee ay qabanayeen, waxaana la aaminsanyahay inuu la siyaasad yahay guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

MaxamedCabdilaahiNayroobi2

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here