Djibouti (Hubaal)-Wararka ka soo baxaya dalka jabuuti ayaa sheegaya in agagaarka huteellada No:1, Minilik gaar ahaan balaas Mililk (Nashaamiyeekh) uu qarax weyni ka dhacay caawa kaasoo sababay dhimashada illlaa shan qof iyo dhaawac kale.
Illaa hada cid sheegatay qaraxani ma jiro, hase yeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Bam weyn lagu xidhay goobtaasi oo ah goob huteelo u badan isla markaana ay degan yihiin dad ajanabi ah.
Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu u eegyahay kuwa ay kooxda Alshabaab adeegsato, iyadoo dhawaan saraakiisha Alshabaab ku hanjabeen in ay ka aargoosan doonaan Dalka Jabuuti, maadaama Ciidamo Jabuutiyaan ahi ka dagaalamaan Somaliya.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya weeraro si daba jog ah oo ay kooxda Alshabaab ku qaaday xarunta Baarlamaanka Somaliya iyo goob kale taasoo ay ku dileen dad ka badan dhawr iyo toban qof halka dhaawaca ka dhashay weerarkaasi uu kor u dhaafay Afartameeyo qof.
Kooxda Alshabaab ayaa dhawaan balan qaaday in ay dagaalka ku fidin doonto dalalka jaarka ah, taasoo keentay in weeraro joogto ah ku qaadaan dalalka jaarka ah.
WAAHEEN