Hargeysa (Hubaal) Waxa ay ahayd badhtamihii bisha April markii uu guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay hankiisii siyaasadeed oo ahaa inuu u taagan yahay musharaxnimada madaxtinimada sannadka 2015-ka, waxaana ay arrintaasi dhalisay khilaaf xoogan oo xisbiga Kulmiye u kala jabiyay laba garab, waa garab taageersan guddoomiyaha xisbiga oo ah Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa Maxamed kaahin iyo garab kale oo raacsan madaxweyne Siilaanyo iyo xulafo wasiiradiisa ah
Khilaafka xisbiga ayaa circa isku sii shareeray iyadoo labada garab eek ala taageersanaa Muuse biixi iyo Siilaanyo ay ka gaadhay in weedho kulul hawada isu mariyaan xaalada dalkuna sii cakirantay, waxa guddi dhexdhexaadin ah ugu kacay khilaafka kulmiye guddoomiyaha guurida Saleebaan maxamuud
Hadaba halkan ka daawo: