Halkan Ka Daallaco: Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Soo Saartay Wareegto Lagu Mabnuucayo Iidhehyada La Xidhiidha Caafimaad

0
26

Hargeysa (Hubaal) Iyadoo warbaahinta dalka Somaliland ay ku soo badanayaan Xayeysiisyada dhanka caafimaadka iyo waxbarashada la xidhiidha kuwaas oo noqday wax iska caadi ah dalka sannadadii u dambeeyay,ayaa waxa isasoo tarayay mudooyinkii u dambeeyay cabashooyin farabadan iyo walaac laga qabo dhibaatooyinka ay ku keenaan bulshada ku dhaqan Somaliland iidhehdayada idaacadaha,telefiishanada,joornaalada iyo shirkadaha isgaadhsiinada dalka Somaliland ay bulshada u soo bandhigaan baahiyaha ay u qabaan inay helaan adeeg caafimaad iyo mid waxbarasho kuwaas oo gebi ahaanba aan la soo marin sharciyada la xidhiidha dhanka hubinta tayada iyo takhsuska ay leeyihiin ama leedahay goobaha caafimaad ee warbaahintu u xayeysiinayso,gaar ahaan dhanka arrimaha caafimaadka waxaa soo baxaya waxyaabo anshax xumo ah oo laga baahinayo warbaahinta dalka noocyadeeda kala duwan taas oo diin iyo dhaqan ahaanba aan wanaagsanayn in lagu soo bandhigo ama loo adeegsado warbaahinta.

Hadaba wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa dhawaan soo bandhigtay qorshe ay wax kaga qabanayso ammuurahan kor ku xusan,waxaana ay ka soo saartay wareegto ay ku mabnuucayso iidhehyada/xayeysiisyada la xidhiidha caafimaadka ee warbaahinta la faafiyo, wareegtadan ayaa u dhignayd sidan:

Isgaadhsiintu waa laf dhabarta dhinaca arrimaha bulshada sida, Isgaadhsiinta idaacaddaha, Tellesom, Somtel, warbaahinta  Muuqaal-arraga, Wargeysyadda, Madbacaddaha sameeya fariimaha iyo Deggelada Mareegaha wararka, dhamaantood waxay door muhiim ah ay ka qaataan  warbaahinta caafimaadka guud, waxaanay  muwaadinkasta siiyaan awood iyo caawimo, si ay  go’aan ugaga gaadhaan  xogtii loo sheegay ee ku saabsanayd Arrimaha Caafimaadka, balse waxa dhacda mararka qaarkood, inay wax yeelo ka soo gaadho  Isgaadhsiinta caafimaadka Dadweynaha, mid shaqsiyeed ama  bulsheedba, tusaale ahaan, marka la baahiyo macluumaad aan sax ahayn ama aan dheeli-tirnayn, Farriimaha takooran, Fariimaha anshax la’aanta ah, ama  ka yaabiya bulshadda.

Wareegto caafimaad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here