AKHRI+Daawo SAWIRRO: Wefti Wasiirka Khaarajigu Hogaaminayo Oo Qaddiyadda Soamaliland U Bandhigay Guddiga Arrimaha Dibadda Midawga Yurub

0
30

Brussels(Hubaal) -Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,Wasiirka Qorsheynta Dr Sacad Cali Shire,Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Wakiilada Somaliand ee London iyo Brussels iyo sidoo kale Mulkiilaha Maansoor hotel ayaa kulan la yeeshay Xalay Guddida Arrimaha dibada ee Midawga Yurub.

Kulanka oo ka dhacay Brussels ayaa Masuuliyiinta Somaliland ku soo bandhigeen Qaddiyadda Somaliland iyo arrinta Citiraaf raadinta Somaliland. Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqiin muhiimada wanaajinta xidhiidhka Somaliland iyo Midawga Yurub.

qadiyadaaWasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo hadal ka jeediyay Madasha ayaa ku dheeraaday Taariikhda Somaliland ee wakhtigii Somaliland Xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska 1960-kii oo uu sheegay inay si fudud ugula bahowday Somalia iyo wakhtigii Somaliland dib ula soo noqotay xorriyaddeeda ee sanadkii 1991-kii.

Wasiirku waxa uu sheegay inay haatan tahay wakhtigii Somaliland loo garaabi lahaa ““Waxa la gaadhay wakhtigii la qiri lahaa in Midowgii Somalialnd iyo Somaiya uu dhammaaday 1991. Waxaan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay qaataan go’aamo cad cad oo ay aqoonsadaan Somaliland.”ayuu yidhi Wasiir Biixi.

qadiyadaWasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday horumarka Somaliland gaadhay intii ay xorriyaddeeda dib ula soo noqotay, kuwaasi oo ku saabsan dhinaca dimuqraadiyadda iyo horumarka bulshada.

 Marwo Edna Aden ayaa iGuddida Yurub ee Arrimaha dibadda uga xog warantay Halka ay salka ku hayso qaddiyadda Somaliland iyo dhibaatooyinka ay kala kulantay Midawgii Somalia. Waxay sheegtay inay jiraan tacadiyo iyo xasuuq lagula kacay bulshada Somaliland,taas oo keentay inay aayahooda ka tashadaan, waxaanay sharaxday sida ay Somaliland wadankeeda dib ugu dhistay wixii ka dambeeyay sannadkii 1991.

qadiyadWaxa kale oo  shirka goob joog ka ahaa Wakiilka Somaliland ee Brussels Maxamuud Daar,Wakiilka Ingiriiska ee Somaliland Cali Cawaale, Shaqaale kale iyo  ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ah mulkiilaha hoteelka Maansoor.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here