Hargeysa (Hubaal)- Madal dhaqameed laysku arkay ayaa maanta lagu yagleelay qoys cusub oo ku soo biiray ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaanna Somaliland.
Madashan oo Hotel Mansoor ka qabsoontay waxa ay ahayd Meherka Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Bookh (Weedhsame) iyo Marwadiisa hodoo Maxamuud Axmed, taasoo ay kasoo qayb galeen Labeentii Ummaddu gaar ahaanna Hal-abuurro, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Suxufiyiin iyo Marti sharaf kale.
Madashan uu meherku ka qabsoomaayay ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin kala duwan hal-abuuro, suxufiga caanka ah ee Axmed Xasan Cawke, waxaana halkaa loogu duceeyay labada lammaane ee qoyska cusub udubkiisa taagay.
Xafladani waxa ay kulmisay wejiyo in kala baaday iyo kuwo isku cusubba waxaana shucuurta marti sharafta laga dheehanayay farxad iyo rayn-rayn iyadoo labada dhinac ee odayaasha inanta iyo wiilka ka kala socday ay is weydaarsanayeen hadalo dhaqan ahaan ku suntan qiimaha iyo milgaha maxfalada noocan oo kale ahi leeyihiin.
Iyada oo hambalyo iyo bogaadin loo diray Abwaan Weedhsame Iyo Xaaskiisa Hoodo Maxamuud Axmed ayaa waxa hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin ay bahda Hubaal media network hawada u marinaysaa oo aanu la qeybsanaynaa farxada meherka Abwaan Xasan Daahir Weedhame Iyo Ooridiisa Hoodo Maxamuud Axmed dhammaantayo oo kala ah:
Maareeyaha HUBAAL Media Maxamed Axmed Jaamac (Calooley), Tifaftiraha HUBAAL Media Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef), Madaxa Wararka HUBAAL Media Mustafe Maxamed Cabdillaahi (Faro), Axmed Cumar Axmed (Timo), Cabdirisaaq Xuseen Xaashi (Gaas), Aadan Cabdi Ciidle, Ibraahim Axmed Maxamed (Shiine), Sakariye Axmed Jaamac, Maxamuud Saalax Ducaale. Iyo Dhammaan Bahda Hubaal Media iyo Saxaafadda kale ee Somaliland waxa ay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaan Meherka:
Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedh-same) iyo Marwadiisa Hoodo Maxamuud Axmed oo Khamiistii Maanta Meherkodu ka qabsoomay Magaalada Hargeysa, gaar ahaanna Hotel Maansoor, waxanay leeyihiin Gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax, guulle lagama waaye gobonnimo ku aqal gala.
Aamiin….. Aamiin
SAWIRRADA Madasha goor dhaw la soco