HALKAN KA AKHRI: Xukuumadda Somaliland oo Xorriyadiisii u Celisay Nin U Dhashay Faransiiska Oo Sirdoonku Ku Fashilmeen Tuhunno Ay U Qabsadeen+Isaga Iyo Xaaskiisa Oo Degenaansho Doonayay Oo Cadho Kaga Duulay Dalka

0
25

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa Xorriyadiisii u celisay Muwaadin Faransiis ah oo ay Sirdoonku u xidheen Tuhuno la xidhiidha socdaalkiisa, kadib markii ay waxba ku waayeen.

Muwaadinka Faransiiska ah oo ay warbaahinta Somaliland baahisay xadhigiisa ayey Sirdoonku si qarsoodi ah u sii daayeen kadib markii ay ka waayeen tuhunadii ay la xidhiidhinayeen qabashadiisa, kaasoo ay afka ka xidhatay sababta xadhigiisa.

 sirdoonka

Muwaadinka Faransiiska ah oo warbaahinta loo sheegay in uu Dalxiis ahaa ayey warar dheeraad ah oo ay Farriinnews.com ka heshay sheegeen in uu doonayey in ay dalka degaan isaga iyo xaaskiisa oo ah gabadh Reer Hargeysa ahi.

Wararka la xidhiidha ninkaasi ayaa sheegaya inay Sirdoonku ka qabteen Hotelka Shaybe oo uu ku soo dagay, dabadeedna ay dabagaleen isagoo xaafadaha weydiinayey guri kiro ah oo uu doonayey in uu dajiyo xaaskiisa.

Muwaadinka Faransiiska ah ayey Farriin heshay in sidan oo kale Sirdoonku u xidheen dhawr sano ka hor wakhtigaas oo ay aroos ku ahaayeen isaga iyo xaaskiisu Hargeysa, balse isla markiiba la sii daayey markii ay waxba ku waayeen, xilligaas oo uu dib ugu noqday Dalka Faransiiska.

 Somaliland And Ethiopia

Ninka Faransiiska ah ee la sii daayey markii waxba lagu waayey ayaa asalkiisa lagu sheegay in auu ahaa Tuuniisiyaan, balse ku koray France, kaasoo hooyadii ay tahay gabadh Reer Hargeysa ah isagoo isla markaana hido raacaya Guursaday Gabadh isla reer Hargeysa ah, inkasta oo warbaahintu markii la qabtay ay baahisay inay dhashay gabadh Reer Borama ah.

Sirdoonka ayaa la sheegay inay ku khasbeen markii ay waxba ku waayeen in uu Gadh-weyn oo uu lahaa xiiro, taasoo la sheegay in uu ka diiday isagoo ku dooday in uu Faransiiska iyo Dalalka kale ee Yuruba ku dhex maro maadaama oo uu yahay Gadhku astaan diimeed uu xaq u leeyahay.

Ninka Faransiiska ah oo qorshihiisu ahaa in uu Somaliland si rasmi ah ugu noolaado ayaa cadho darteed saacadii xabsiga laga sii daayey ka goostay Tigidh, isagoo xaaskiisiina hore ka sii kaxaystay.

Si kasta ha ahaatee, inkasta oo ay banaan tahay in la qabto oo la baadho qofka laga shakiyo, hadana waxay muujinaysaa dhacdadan ku soo noq noqotay ninkani inaanay sirdoonka Somaliland lahaynw ax tixraaca oo xafiiska u yaala maadaama oo ay hore u xidheen waxbana ku waayeen.

Xigasho: WAAHEEN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here