Raalli-gelintii Ay Kooxda Xiddigaha Geesku Ka Bixiyeen Waraysiyadii  La Mu’aamaradeeyey Ee SNTV & UTV Ay Siiyeen Oo Xukuumaddu Ka Daba Geysay Han-jabaad

0
31

 

 

 

RADIO HUBAAL:  Dhegeyso Wasiir Cukuse Oo Ku Han-Jabay Inuu Tallaabo Ka Qaadi Doono Fanaaniinta Xidigaha  Geeska Ee Aan Hoos Iman Wasaaradda Uu Xukumo

 

Hargaysa(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda  Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inuu Bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayo Gef weyn oo Fannaaniinta Xidigaha Geesku ka galeen Somaliland.

Waxa uu Cadeeyay in ay galeen khalad aan Caadi ahayn, isla markaas waxa uu ku han-jabay inuu tallaabo ka qaadi doono fanaaniintaas oo qaarkood ka tirsan yihiin wasaarada warfaafinta Somaliland.  “Waxaan Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba uga Tacsiyadaynayaa,Khaladka Wayn ee ay Galeen Koox ay Magacooda barteen oo la baxday Xidigaha. Dhalin yaradaasi oo Khalad aan Caadi ahayn gashay, Naftooda ka gashay, Dalkooda ka galay, Fankooda ka galay, Dad-nimadooda ka galay.Waxaan Shacabka iyo Intii Magacooda taqaanayba ka tacsiyadaynayaa Gafkaasi.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Cukuse oo shir jaraa’id ku qabtay maanta xafiiskiisa.

Kooxda Fanaaniinta ah ee Xidigaha Geeska oo Wasaaradda Warfaafinta, siiba TV-ga Qaranka ka tirsan, ayaa Barnaamijka Ciida  ugu duubay Hargeysa, kaasi oo ay siiyeen Telefishanka Qaranka Somalia iyo UniversalTv oo Somaliland ka mamnuuc ah.

Xidigaha Geeska oo Shalay Bulshada Somaliland iyo Xukumadda ka Raali galiyay Barnaamijyadaasi ayaa sheegay inay ku kaliftay Falkaasi sidii ay Dadka Fankooda xiiseeya ee Somalia iyo meelo kale oo dunida ah jooga u gaadhsiin lahaayeen Barnaamijka Ciida.

Wasiir Cukuse ayaa ka joojiyay Barnaamijkii Ciida ee ay TV-ga qaranka ugu tala galeen, iyadoo u muuqata in laga Mamnuucay Fankooda TV-ga Qaranka tan iyo markii uu soo baxay Barnaamijka ay Telefishanada Somalia ku soo cel-celiyeen habeenadii u dambeysay.

Agaasimahii Somaliland ee UniversalTv Maxamed Caabi ayaa maalintii 4-aad u xidhan Duubida Barnaamijkan Ciida ee Fanaaniintu duubtay, ka dib markii lagu eedeeyay fududaynta Barnaamijkan oo Xafiiska Universal duubay.

Xidigaha Geeska ayaa Heeso badan oo Qadiyada Somaliland ku qotoma, kuwo Waddani iyo Wacyi galin ahba hore u Qaaday, hase ahaatee waxaa Bulshada Somaliland si weyn isku waydiinaysaa sababta ku kaliftay inay Telefishanada Xamar  Hargeysa ugu duubaan Barnaamijyo xatooyo ah.

Dhegeyso Wasiir Cukuse Oo Ku Han-Jabay Inuu Tallaabo Ka Qaadi Doono Fanaaniinta Xidigaha Geeska Ee Aan Hoos Iman Wasaaradda Uu Xukumo

wasiirka-warfaafinta-cukuse

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here