HALKAN KA AKHRI: Wasiir Cukuse Oo shaqada Ka sii Joojiyey Maareeye ku-xigeenka Telefishanka Qaranka

0
26

Hargeysa(Hubaal) Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo safar dibadeed u baxay ayaa shaqo joojin ku sii sameeyey Maareeye ku-xigeenka Telefishanka qaranka oo xilka Maareeyanimada ku-sime ka sii ahaa maadaama uu isla maareeyaha Telefishankaasi safar ugu maqan yahay Dalka Ingiriiska.
Si rasmi ah looma oga sababta keentay Wasiir Cukuse in uu Maareeye ku-xigeenka shaqada ka sii joojiyo, hase yeeshee wararka Farriinnnews.com helayso ayaa sheegaya in uu salka ku hayo khilaafkii maamul ee hore ugu dhaxeeyey Wasiirka iyo Maareeyayaasha Telefishanka Qaranka, kaasoo ah mid ka dhashay awooda maamul ee Wasaaraddaasi Hay’adaheeda.
Maareyaha iyo ku-xigeenka Telefishanka Qaranka ayaa wali aaminsan in ay Madax banaan yihiin hase yeeshee waxa wali jira is faham waa ka taagan arrintaas, inkasta oo sartu ka qudhuntay kadib markii sanad miisaaniyadeedkan awooda dhinaca Maamulka lacagta ee ay gaarka u lahaayeen Xukuumaddu si rasmi ah u hoos gaysay Wasaaradda iyo wasiirka.
Hoos geynta Miisaaniyad sanadeedka Telefishanka Qaranka la hoos geeyey ayaa ka dhalatay kadib markii Golaha Wakiiladda Somaliland sanadkii hore soo saareen amar ay ku hakinayeen miisaaniyadaha Hay’addaha Dawladda ee aan Xeerka lahayn, iyagoo ku amray Xukuumadda in ay soo gudbiso xeerarka Hay’adahaas oo Telefishanka Qaranku ka mid ahaa, balse waxa muuqata in aanay xukuumaddu u samaynin wax Xeer ah Telefishanka Qaranka, sidaas darteedna ay uga gaashaamatay in su’aashaasi hor timaado sanadkan.wasiirka-warfaafinta-cukuse

xigasho: Farriinnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here