GUDDAHA KA AKHRI: Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka sii qaaday Xubin ka tirsanayd Komishanka AIDS-ka

0
24

Wuxuu weerar gacan ka hadal ah ku qaaday xubin ka tairsan Komishanka oo dhaawac fudud uu gaadhsiiyey

Hargeysa(Hubaal) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa habeen hore xilkii ka qaaday Siciid Maxamed Bille (Siciid Saqiiro) kaasoo ka tirsanaa Xubnaha Komishanka La dagaalanka cudurka HIV/AID-ska, kaasoo uu Madaxweyne Siilaanyo hore Digreeto ugu magacaabay.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu u magacaabay Khadiira Daahir Muumin (Khadiira Boodhe) taasoo buuxinaysa xubintii Siciid Saqiiro, waxaanay labada masuul ee midna xilka laga qaaday midna la magacaabay ka soo wada jeedaan Gobolka Awdal.
Masuulka xilka laga qaaday ayaa la sheegay in hore xubnaha komishanka AIDS-ku madaxweynaha si wadajir ah ugu gudbiyeen dacwad ka dhan ah, iyagoo ku eedeeyey in aanay la shaqayn karayn.
Xil ka qaadista iyo magacaabista Xubinta Komishanka AID-s-ka lama shaacinin, sida Madaxtooyaddu u shaacisay Xilka qaadistii iyo magacaabistii Madaxda Gobolka Buuhoodle oo soo baxday ka hor intaanu Dalka ka dhoofin madaxweynuhu.
Ilo wareedyo la socday xil ka qaadista Siciid Saqiiro ayaa sheegaya in ay ka dhalatay kadib markii uu xafiiska Komishanka AIDS-ka ku weeraray xubin ka tirsan Komishankaas oo la yidhaa C/kariim Axmed, kaasoo la sheegay in uu Dismis ku dhaawacay.
Sidoo kale, Ilo wareedyadu waxay sheegayaan Siciid Saqiiro in uu hanjabaad u diray C/kariim ka hor intii aanu xafiiska ku weerarin, waxaanu warku sheegayaa in Dacwad ka dhan ah masuulkaas xilka laga qaaday Maxkamadda loo gudbiyey.Madaxweyne_Siilaanyo2013

xigasho: Waaheen media

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here