Halkan Ka Akhri: Madaxweynihii Hore Ee Dalka Faransiiska Oo La Weriyey In Wax-is-daba-marin darteen Dacwad Caalami Ah Loogu Soo Oogay

0
37

 

 

 

 

 

Paris (Hubaal/QJ)-Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska ayaa ciidamada police-ka ee dalkaasi ay baadhitaan ku bilaabeen eedeymo loo jeediyay oo wax isdaba marin ah.

 

Madaxweynihii hore ee Nicolas Sarkozy ayaa loo heystaa in uu si toos ah iyo mid dadban lug uGu lahaa gudbinta xogo sir ah oo ku lug lahaaisdaba marin dooroshooyin dalkaas ka dhacay oo police-ku baarayeen.

 

FRANCE/

Mr. Sarkozy oo refo ka lahaa in uu dib ugu soo noqdo siyaasada dalkaas ayaa haatan u muuqda ruux xaaladiisa siyasadeed aaney habooneyn.

 

Sarkozy ayaa police-ku ka kexeeyeen aqalkiisa si wax looga weydiiyo dacwada ah in uu xilkii uu hayay uu u isticmaalay in uu faro gelin ku sameeyo dacwad socotay.

 

Iyo in uu sidoo kale bixiyay xogo baaritaan lagu sameynayay eedeysenaayaal ku lug lahaa isdaba marin dhanka doorashooyinka ah.

 

Ma aha markii u horeysay ee madaxweyne Faransiis ah maxkamad dalkaas ah la horgeeyo, madaxweyne Mitterrand ayaa sidaan oo kale dalkaa loogu maxkamadeeyay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here