HALKAN KA AKHRI: Falanqaynta JAMHUURIYA & Xubin ka mid ah Wasiirrada loo yaqaan lama-taabtaanka Ah Ee Xeerkii GAR-ADAG Gaashaanka uga yahay Seefta Madaxweynuhu Golihiisa Kula Dhex Dhaco

0
37

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya…Qaybta 14aad

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta: Waxa uu ka mid yahay wasiirrada sida weyn loo sugayo falanqayntooda ee akhristeyaasha taxanaha Jamhuuriya aadka u xiisanayaan. Waa aqoonyahan qurbo-joog ah oo in ka badan soddon sanno ku noolaa dalka Maraykanka, shaqooyin kala duwanna ka soo qabtay.
Xogaha laga helay muddadii uu Maraykanka joogay ayaa xusay inuu ahaa maamulaha waaxda gaadiidka dawladda hoose ee magaalada Los Angles oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn, uguna dhaqaalaha badan dalkaas, bil kastana dakhliga ka soo geli jiray shaqadaas lagu qiyaasay ilaa $70 kun oo dollar. Sidaa darteed, waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee qaabili jiray wufuudda Somaliland, hawlaha qaadhaan-ururintana ugu gacanta weynaa. Waxa kaloo la sheegay inuu si gaar ah gurigiisa ugu martigelin jiray Madaxweyne Siilaanyo marar kala duwan oo uu socdaallo ku tegay waddanka Maraykanka, abaalkaas oo loo tiriyo inay u dhalay xilka wasiirnimo ee Madaxweynuhu u daayey afartii sannadood ee uu talada hayey.
Waxa uu ka mid yahay wasiirrada loo yaqaan lama-taabtaanka ee aannu Madaxweyne Siilaanyo dib u eegin tan iyo markii uu magacaabay golihii ugu horreeyey xukuumaddiisa oo ku beegnayd maalin kadib markii talada dalka loo dhaariyey 28 July 201, iyadoo xanta suuqa ugu jirtaana tahay in xeerka GAR-ADAG gaashaan uga yahay isku shaantaynta madaxweynuhu sameeyo.
Waa nin aamusan oo aan wax saamayn ah ku dhex lahayn loollannada siyaasiga ah ee dalka gudihiisa, waana wasiirka labaad ee ka kaaftoomay dhex-taagnida Madaxtooyada iyo is-tustuska Madaxweynaha iyo Wasiir Xirsi oo rag badan u kala dheereeyaan, waxaannu ku kooban yahay hawlaha shaqo ee xafiiskiisa oo sida la xusay u badan la-xidhiidhka shirkadaha caalamiga ah ee danaynaya baadhista iyo maalgashiga macdanta iyo shidaalka Ilaahay ku mannaystay dalka Somaliland.

Muddadii uu xilka hayey waxa uu dedaal xooggan geliyey sidii shirkadaha waaweyn ee macdanta iyo shidaalka loogu dhiirrigelin inay maalgashadaan khayraadka dihin ee waddanka, tallaabooyinkaas oo fure u noqday inay markii ugu horreysay dalka yimaaddaan shirkado kala duwan oo shacabka reer Somaliland ku abuuray yididiilo weyn oo la xidhiidha in daboolka laga qaado nimcada dhulka hoostiisa jiifta, laakiin aan weligeed la munaafacaadsan, waxaanay wasaaraddiisu safka hore ka gashay wasaaradaha loogu hadal-haynta badan yahay, mucaaradkuna sida gaar ah ula bartilmaameedsadaan eedaymo sida la sheegay ku qotoma tuhono la xidhiidha inuu suuq-madaw kula heshiiyo shirkadaha bilaabay dhaqdhaqaaqyada iyo horumarka dhinaca shidaal-baadhista ee la kawsaday muddadii uu xilka hayey iyo baratanka shirkadaha adduunku ugu jiraan labadii sannadood ee u dambeeyey.

Sidoo kale, heshiisyo shidaal-baadhiseed oo wasaaraddiisu la gashay shirkado caalami ah, waxana dawladda ka soo galay lacag gaadhaysa 3.7 milyan dollar oo xaqul-qallin ahaan looga qaaday shirkadahaas, taasoo noqonaysa lacagtii ugu badnayd ee abid ka soo xeroota heshiisyada shidaalka iyo macdanta ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ku shubto qasnadda qaranka tan iyo intii Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991kii.

Hase ahaatee, waxa dul hoganaya eedaymo aan yarayn oo la xidhiidha musuqmaasuq baahsan in uu lunsaday lacago fara badan oo laga qaaday shirkadaha caalamiga ah ee uu la galay heshiisyada qarsoodiga ah ee ansixintooda laga qariyey Golaha Wakiillada oo xaq u lahaa in laga xalaaleeyo, iyadoo si gaar ah loo xasuustoo muran la xidhidha sidii dakhliga shirkadaha shidaalka loogu xerayn lahaa qasnadda dawladda oo dhexmaray Wasiirka Macdanta iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, xilligii uu hayey xilka wasiirka maaliyadda.

Digreeto Madaxweyne Siilaanyo soo saaray 25 June 2013 waxa uu ku kala dhantaalay awooddii maamul ee wasaaraddiisa oo hore loo odhan jiray Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, kadib markii sida xoguhu tibaaxeen laga af-qabtay mashaariic dhaqaale badan ku baxayey oo diyaar ugu ahaa waaxdii biyaha ee noqotay wasaaradda gaarka u taagan, waxaannu go’aankaas ka qaaday niyad-xumo sababtay inay isla markiiba isku dhacaan wasiirka loo qayday wasaaradda biyaha ee ka go’day, maadaama aannu raalli ka ahayn in wasaaraddiisa la kala qaybiyo.

Taageerayaashiisa ayaa u yaqaan wasiirkii ugu daacadsanaa, uguna iimaanka qabay ee soo maray Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, muddadii xilka hayeyna muujiyey waxqabad iyo horumar taariikhi ah oo uu ku soo kordhiyey waddankiisa, maadaama uu markii ugu horreysay jewi shirkadaha waaweyn ee caalamku ku aaminaan hawlo shidaal-qodis iyo macdan-baadhiseed oo rasmi ah uga bilaabaan dalka, sababta keliya ee loo eryanayaana tahay danaysiyo dhaqaale cid gaar ah wadatay oo uu danta guud ee qaranka darteed cid walba ugu diiday.

Waxa kale oo waxyaabaha lagu amaano ka mid ah inuu yahay nin aaminsan in gargaarka dhaqaale ee caalamiga ahi yahay habaar burbur iyo colaado u horseeda wadamada la siiyo, isagoo marar kala duwan oo uu saxaafadda caalamiga ah waraysiyo siiyey tilmaamay in gargaarka dalalka horumaray bixiyaan yahay habaar laf-dhabar u ah colaadaha ragaadiyey inta badan dalalka qaaradda Afrika, arrintaasoo uu tilmaamay in Somaliland ka badbaaday, xasiloonida iyo nabadgelyada ka hirgashayna ku salaysan tahay gargaarka dalalka adduunku bixiyaan oo aan si toos ah u soo gaadhin Somaliland, gacan dibadeedna aanay wax saamayn ah ku lahayn hab-maamulka ka jira Somaliland.

Geesta kale, rayul-caamka sida weyn u naqdiya ayaa u arka wasiirka ugu musuqmaasuqa badan masuuliyiinta xilalka ka haya dawladda Somaliland, kana taajiray lacago malaayiin dollar ah oo uu suuq madow kaga qaatay shirkadaha shidaalka iyo macdanta ee uu heshiisyada qarsoodiga ah la galay, lacagaha aan buurnayn ee uu qasnadda dawladda ku xereeyeyna yihiin qiiq-isku-qaris uu kaga raadgadanayo fadeexadaha musuqa iyo lunsiga hantida qaranka ee uu faraha kula jiro.

somalilandHussein-Speech-Indapa-2Dadka aragtidan qabaa waxyaabaha ay dhaliilahooda u cuskadaan waxa ka mid ah; fashilaaddii ku timi hawlgalkii sahaminta iyo shidaal-baadhista ee shirkaddii GENEL ENERGY ka bilowday degaannada gobollada Togdheer iyo Saraar ee sida lama filaanka ah u joogsaday, iyagoo masuuliyadda arrintaasna u sibir-saaray maamul xumo iyo musuqmaasuq aad u weyn oo ay u xambaariyeen Wasiir Ducaale, lana xidhiidha lunsiga dhaqaale loogu tallogalay wacyigelinta bulshada degaanka si loo fahamsiiyo faa’iidada khayraadka oo la soo saaro u leehayay guud ahaan Somaliland oo dhan.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu xasuusto muddada afarta sannadood ku dhow ee uu xafiiska fadhiyey waxa ka mid ah; eedaymo la xidhiidha musuqmaasuq muddo lix bilood ka badan si joogto ah warbaahinta loogu marinayey oo aannu muddadaas dheer mar qudha ka damqan, balse uu jawaab is-difaac ah saxaafadda la soo horfadhiistay maalin kadib markii xukuumadda uu ka tirsan yahay albaabada u xidhay wargeyska ilaa hadda xayiran ee HAATUF oo hormood ka ahaa faafinta fadeexadaha hant-lunsi ee loo jeediyo, isla markaana hay’adaha garsoorka u gudbiyey dacwad dhan ka ah masuuliyiinta wargeyskaas oo dhowaan xabsiga loo taxaabay.

Waxa lagu xantaa nin dabeecad qallafsan, dad-la-dhaqankiisuna liito, kana arradan dhexgalka bulshada Somaliland ee uu madaxda u yahay,isla markaana aanay weli si fiican isula jaanqaadin noloshiisa reer galbeednimada ku salaysan iyo hab-dhaqanka ka jira Somaliland, iyadoo sidoo kale luuqadiisa Afingiriisiga ee uu sida faseexa ah iyo suuqdigaba ugu hadlo u sahashay inuu had iyo jeerna ku mashquulo hawlo dillaalnimo heer caalami ah oo uu dhaqaale ku raadsado. La soco wasiirka xiga…..

Qormadan Oo Faahfaahsan Halkan Ka Akhriso

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here