Macluumaad intee le’eg ayey wasaaraddaha Caafimaadka & Duulistu ka hayaan xanuunka hargab doofaarka lagu sheegay Soomaaliya?
Nairobi (Hubaal)- Dalka Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu ka jiro Xanuunka halista ah ee Swine Flue (Hargab-Doofaar), isla markaana weli uu mushkilad ku hayo cudurka Dabaysha, xanuunnadaas oo looga digay guud ahaan Muwaaddiniinta dalka Finland inay booqasho ku tagaan Soomaaliya.
Digniin dhinaca socdaalka ah oo Safaaradda dalka Finland ee Kenya soo saartay toddobaadkii la soo dhaafay, ayaa lagu sheegay in Somaliland laga heli karo Cusbitaallo adeegga caafimaad bixiya, balse Soomaaliya adeegyada caafimaad aanay ka jirin.
Cudurrada Dabaysha, ayaa lagu sheegay digniintaa inay mushkilado ku hayaan Soomaaliya, isla markaana ay jirto halis in cudurka daacuunku ka dilaaco. Kiisas xanuunka Swine Flu (hargab-Doofaarka ah), ayaa lagu sheegay digniinta Safaaradda Finland in lagu arkay Soomaaliya.
Xanuunkan Hargab-Doofaarka oo ku cusub dunida inta badan, ayaa markii ugu horreysay laga helay dalka Maraykanka sannadkii 2009. Xanuunkan oo dadku is-qaadsiiyaan, ayaa u fida sida xanuunnada kale ee Hargabka.
Digniinta Safaaradda Finland ku sheegtay in Xanuunka Hargab-Doofaarku ka jiro Soomaaliya, ayaa haddii ay rumowdo, ayaa noqonaysa halis iyo dhibaato Somaliland, isla markaana ku faafi kara haddii aan feejjignaan iyo dedaal dheeraad ah Hay’adaha u qaabbilsan caafimaadka dalku aanay la iman, maaddaama oo isu-socodka dadka ee Somaliland iyo Soomaaliya yahay mid joogto ah.
xigasho:himilo