Adhi Tiro Badan oo ku Bakhtiyey Biyo Sumaysan,Booliska oo gacanta ku dhigay Wadaha Booyada Biyaha Shubtay iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ka hadashay

0
34

Hargeysa -(Hubaal)- Adhi isugu jira Riyo iyo Ido tiradoodu dhan tahay 116 Neef, ayaa toddobaadkan gudihiisa ku baqtiyey duleedka Bari ee Caasimadda Hargeysa gaar ahaan deegaanka Halleeya, ka dib markii la waraabiyey Biyo sumaysan.

xoolo dhintayAdhiga biyaha sumaysan cabbay oo tiradiisu guud ahaan ahayd 188 Neef oo ay wada lahaayeen laba qoys oo Walaalo ah, ayaa 116 Neef oo ka mid ahi isla markiiba u bakhtiyeen Biyahaas ay cabbeen, balse 72 neef oo ka mid ah, ayaa ku badbaaday dawadda sunta oo la siiyey.

Agaasimaha-guud-x.-xoolaha-Dr-Odowaa-300x281Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Jaamac Maxamed Odowaa oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey sida ay uga hawlgaleen Adhiga ku baqtiyey duleedka ka dib markii la waraabiyey biyo sumeeysan, waxaanu ku jawaabay; “Shalay ayaa warbixinta ah in Adhi ku sumoobay deegaanka Halleeya naloo soo sheegay, isla markiiba waxaannu arrintaa u dirnay Isu-duwaha gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, waxaanu sii qaatay dawadii sunta, waxaanu goobtii ugu tegey iyadoo Adhiga intiisii badneyd dhimatay, balse intii markaasi nooleyd wuxuu siiyey oo uu ku muday dawaddii sunta, sidaa awgeed, ayaa Adhiga intii hadhay ku badbaaday, oo ay illaa haatan ku fiican yihiin, wixii kale ee baqtiyeyna dawladda Hoose, Booliska iyo Cullimada ayaa god u qoday oo ku aasay.”

Agaasimaha guud oo ka jawaabay su’aal ku saabsan siday ku timid Sunta uu Adhigu ku baqtiyey, waxa uu mar kale ku jawaabay; “Baadhitaankii ayaa socda oo xaqiiqada lagu helayaa, annagana waajibkayagu waa inaannu caddayno sababta, waxaana shaki la’aan ah inay sun tahay waxa uu Adhigu ku baqtiyey, taasoo suurto-gal ah in suntani ka timid Ceelka oo wax ku dhaceen ama Booyada laf-ahaanteeda, oo aan laga taxadirin maaddaama oo la sheegay inaan hore loo isticmaali jirin, oo ay ahayd markii u horreysay ee biyo lagu shubo, balse waxaynu sugaynaa Ciidanka Booliska oo baadhitaanka gacanta ku haya, baadhitaanku markuu dhammaadana sharciga ayaa la marin doonaa cidda lagu helo waxa la horgeyn doonaa Hay’adaha ku shaqada leh.”

Sidoo kale, Taliye Ku-xigeenka ee Ciidanka Booliska qaybta Bariga ee Caasimadda Hargeysa Mahdi Nuur (Lixle) oo Wargeyska Himilo khadka taleefanka kula xidhiidhay, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ee Saldhigga New Hargeysa gacanta ku soo dhigeen Booyadda sidday Biyaha Adhigu ku sumoobay, waxaanu yidhi; “Ciidanka Booliska Saldhigga New Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay Wadihii iyo Booyaddii Biyaha sidday ee Adhigii la waraabiyeyna uu ku baqtiyey, waxaanay Wadaha iyo Gaadhiga Booyadda ahiba ku xidhan yihiin Saldhigga, waanu qirtay Waduhu in Biyaha la waraabiyey Adhigaasi uu isagu u shubay, sidaa awgeed Maxkamadda ayaannu u gudbinaynaa.”

xigasho:himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here