Hargeysa(Hubaal) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa laga hor-joogsaday in uu booqdo Daa’uud Food-cade oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Wadani oo ku xidhan Saldhiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa.
Daa’uud oo ay dhawaan ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadu ka qabteen Meel wax yar u jirta Xarunta Golaha Wakiilada ayaa Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iiman uu sheegay in ninkaasi waatay Baabuur ay ku yaalleen Istikaro ay ku qoran yihiin Ha la siidayo Dhalinyarada Jiidali.
Guddoomiye Cirro ayaa Saldhiga Dhexe ka Baxay isaga oo aan booqan Masuulkii ka Tirsana Xisbigiisa, lama garanyo Sababta loogu diiday in uu Booqdo.
Xadhiga Masuulkan ayaa noqonaya kii afraad ee ay xukuumaddu xasbiga u taxaabto maalmahan, waxaana ka horeeyay oo xorriyadoodii helay Xogyahaha Xanaanada Xoolaha ee xisbiga Wadani, Guddoomiye ku xigeenka Afraad iyo xubin ka tirsanayd Golaha Dhexe ee Xisbiga Wadani.