Hargeysa (Hubaal)- Xubnaha Guddiga Cusub ee Doorashooyinka Somaliland oo mudaneyaasha Golaha Wakiiilada cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan, ayaa la filayaa in maalinta Berri ah la dhaariyo si ay gudo-galeen gudashada waajibaadka loo doortay, ka dib marka ay soo dhammaystaan tabobar xirfadda maamulka arrimaha doorashooyinka ku saabsan oo ay ugu bixi doonaan dalka Dibaddiisa.
Sida sharcigu dhigayo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka, waxa dhaariya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan madaxweynaha Somaliland goob-joog ka yahay lagu dhaariya dhammaan todobada xubnood ee Guddiga doorashooyinku ka kooban yahay.
Haseyeeshee waxa la sheegay in dib u dhac ku yimi wakhtigii dhaarinta Guddiga Doorashooyinka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Khamiistii dorraad xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay is-hortaagtay isla markaana ay dib u ridday dhaarinta Komishanka wixii ka dambeeyey isla maalintii codka kalsoonida loogu qaaday Golaha Wakiilada. Waxa kale oo Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyey Xukuumadda, marka laga yimaaddo dhaarintoda, in xukuumadda horjoogsatay tabobar ay xubnuhu ugu bixi lahaayeen tabobar dalka dibaddiisa ah oo ku saabsan maamul hawlaha doorashooyinka.
Dhinaca kale, xubnaha guddiga doorashooyinka ee cusub, waxa muddadii ka dambaysay ansixintii Golaha Wakiillada ka dhex socday loollan ay intooda badani ugu jiraan hanashada hoggaaminta maamul ee Komishanka Doorashooyinka, iyada oo xubnaha qaarkood oo taageero ka helaya dhinaca xukuumadda ay u loolan ugu jiraan hanashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeeenka Komishanka, taasina ay tahay sababta dib-u-dhaca mucaaradku saluugeen ku keentay dhaarinta xubnaha, sida ay ilo-wareedyo u dhuun-daloola arrintani u xaqiijiyeen Wargeyska Himilo.
Todobada Xubnood ee guddiga doorashooyinka ee ilo-wareedyada Himilo u sheegeen in Axadda Berri lagu dhaarin doono madaxweynaha hortiisa, ayaa la filayaa inay xilka kala wareegaan xubnihii hore ee Guddiga Doorashooyinka maalmaha soo socda, waxaanay intaas ka dib waddanka Kenya u tagi doonaan tabobar ku saabsan xirfadda maamulka doorashooyinka kaas oo ay bixin doonto hay’adda Interpeace oo Komishanka ka kala shaqaysa dhinaca xidhiidhka beesha caalamka iyo diyaarinta kharashaadka doorashooyinka ee ay bixiyaan waddamada taageera nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland.
Guddiigii hore ee Doorashooyinka Somaliland oo sannadkii 2009-kii loo dhaariyey muddo shan sanno isla markaana dalka ka soo qaabtay laba doorasho, ayaa muddo-xileedkoodaas sharciga ahi ku dhammaaday 29-kii bishii October ee sannadkan, iyaga oo muddo bil iyo dheeraad ah si ku-meel-gaadh ah xilka u sii hayey, waxaana la filayaa inay xilka si rasmi ugu wareejiyaan Guddiga Cusub ka dib dhaarta maalinta Berri loo ballansan yahay.
Himilomedia.com