Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha wargeysyada Haatuf,The Somaliland Times Iyo al-Haatef al-Carabi Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Nickolas Kay u sheegay in ilaa iyo 1991-kii ilaa wakhtigan xaadirka ah ay kaalinta siyaasadeed iyo ciidan ee UN-ku ka ciyaaraan arrimaha Somalia ay mar walba mija-xaabin ku haysay deganaanshaha iyo horumarka Somaliland.
Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka mid ahaa ka soo qayb-galayaasha kulan galinkii danbe ee shalay xarunta UNDP ee magaaladda Hargeysa ku dhexmaray Mr Kay iyo wakiiladda ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland ayaa wuxuu tilmaamay inaanay wax mushkilad ah oo wayni ka jirin xidhiidhka hay’adaha gargaarka aadami-nimo ee ka hawl-gala Somaliland sida UNICEF iyo WHO laakiin arrinta had iyo jeer xumanaysa xidhiidhka UN-ka iyo Somaliland ay tahay kaalinta ay qaramadda midoobay isku xil-saartay ee ay ka haysay Somalia, gaar ahaan arrimaha ku tacaluqa siyaasada iyo milatariga laga bilaabo UNISOM I iyo UNOSOM II ilaa UNSOM oo ah magaca hadda loo yaqaano hawlgalka ay qaramadda midoobay ka waddo Somalia kaas oo ay hoos yimaadaan ciidamadda AMISOM iyo dhamaan hay’adaha gargaarka ee qaramadda midoobay. Waxa kale oo uu Yuusuf Cabdi Gaboobe Mr Kay u sheegay in ergay kasta oo xoghayaha guud ee qaramadda midoobay uu u wakiisho arrimaha Somalia ay isku dhacaan isaga iyo reer Somaliland, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana Yuusuf waxa uu yidhi “Ergay kastaa wuxuu iska dhaadhiciyaa sheeko ah inuu Somaliland-na xukumo, markayse xaqiiqadu ka hor timaadana halkii uu madaxdiisa New York jooga runta u sheegi lahaa ee uu ka dalban lahaa in wax laga bedalo xidhiidhka qaramadda midoobay iyo Somaliland wuxuu u dhaqmaa sidii oo wax walba ay caadi yihiin oon wax mushkilad ahi jirin”. “Dhibaatada iyo is-fahan-waagu waxay ka yimaadaan qaybta UN-ka u xilsaaran arrimaha siyaasadda iyo ciidanka taas oo uu madax ka noqdo qof uu soo wakiishay xoghayaha guud ee qaramadda midoobay”. “Tusaale ahaan UNISOM waxay isku dayday inay fashiliso barnaamijkii hub-ka-dhigista iyo dib-u-jihaynta ee xiligaa ka socday Somaliland, oo waatii kaga baxday xukuumadda balankii ahaa inay raashin u keento 7,000 oo ka mid ahaa dhalinyaradii la abaabul ka saarayey ee lagu xareeyey Mandheera 1993-kii, waana tii Admiral Haw Muqdisho ku xidhi jiray Paul Niyante iyo Jeremy Brickhill oo ka tirsanaa jabhadii ZANU ee xoraysay dalka Zimbabwe labadaas oo nagala shaqayn jiray arrimaha hub ka dhigista”. Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe wuxuu sheegay in xafiiska UN-ka ee u xilsaaran arrimaha siyaasadda iyo ciidanka ee uu madaxda ka yahay ergayga xoghayaha guud uu ku hafto kolba xaaladda ka jirta Somalia gaar ahaan magaaladda Muqdisho taas oo isaga iyo beesha caalamkuba intay waddo khaldan u marraan xalinteeda ay marwalba ku fashilmaan, halka Somaliland oo ku guulaysatay inay nabad iyo xasilooni gayigeeda ka yagleesho ay ku mutaysato in la duudsiyo qaybta ay ku leedahay gargaarka ay qaramadda midoobay bixiso, taas oo ay xagga Somalia ay badankiisa u leexiso “Tusaale ahaan qaybta warbaahinta ee aan ka shaqeeyo ilaa hadda hay’adaha qaramadda midoobay iyo deeq-bixiyeyaashuba waxay culayska saaraan Xamar anaguse waanu kala quusanay inay barnaamijyo macno leh oo lagu horumarinayo warbaahinta Somaliland wax nagala qabtaan, inkastoo beesha caalamka oo aanu UN-ku ku jirin ay cambaareeyaan tacadiyada ka dhanka ah xoriyatul-qawlka gaar ahaan xoriyadda
saxaafadda ee ka dhaca dalka Somaliland, taas oo aanu uga mahad celinayno”. Yuusuf Gaboobe hadalkiisii uu u jeedinayey Mr Kay wuxuu ku soo gabo-gabeeyey “Idinka oo isa-saxa mooyaane xafiiska siyaasadda ee qaramadda midoobay iyo Somaliland islama keeni karaan, hadalkaagana waxa ku jiray la idinma ictiraafin oo marka qaynuunka caalamiga ah la raaco waxaad ka mid tihiin Somalia. Waa runtaa oo ma jirto wali dawlad na aqoonsatay laakiin taasi xaq idiinma siinayso inaad ixtiraami waydaan ood dareen u yeelan-waydaan rabitaankayaga iyo qaranimadayada, umana hadlayo anigu xukuumadan oo saddexdayadii wargeys ayaabay intay albaabada u laabtay xoog ilaa hadda ku haysataa laakiin waxaan kuu sheegayaa in xafiiskaaga aanay shacbiga reer Somaliland raali ka noqon doonin ilaa iyo intaad joojinaysaan gafafka ay idinka tirsanayaan”.