AKHRISO: Muwaadin Ku Eedeeyay Wasiir Cali Xaamud Inuu Madaxweynaha Ku Hagay Dhagax-dhiga Dhul Maxkamadi Xayirtay

0
70

“Waxaan Madaxwaynaha sharafta iyo karaamada leh ka raaligalinaynaa wejigabaxa uu Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu la magaanaa inuu u maleego markii uu ku hayagayey inuu dhagax-dhigo dhul lagu muransan yahay” Qaasim Daahir Aw Cilmi

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyada Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa lagu cambaareeyey tallaabo uu si badheedh ah ugu hagay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo dhigax-dhigga dhul dad muwaadiniin ahi leeyihiin oo ku yaal magaalada Boorama ee xarrunta Gobolka Awdal.

Qaasin-Daahir

Muwaadin magaciisa la yidhaa Qaasim Daahir Aw Cilmi, ayaa shaaca ka qaaday in goob Madaxweyne Siilaanyo u dhagax-dhigay shirkad tamarta hawada dab ka dhalinaysa magaalada Boorama mar uu booqasho ku tagay toddobaadkan uu yahay dhul ay leeyihiin qoys muwaadiniin ah, kaas oo maxkamadda gobolka Awdal u xayirtay muran qoyskaasi dhexdiisa ka taagan, balse Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo uu damac kaga jiro dhulkaas ku hagay madaxweynaha inuu u dhagax-dhigo.
Qoraal isugu jira cambaarayn, caddayn iyo dalab ku socda madxweynaha iyo hay’adaha dawladda oo Qaasim Daahir Aw Cilmi soo gaadhsiiyey warbaahinta, waxa uu u dhignaa sidan;

“Waxaan ahay muwaadin cashuur bixiye ah, sida uu dastuurka Somaliland damaanad qaadayna xaq u leh inuu helo xaqa aasaasiga ah ee uu muwaadinku leeyahay oo ay ka mid tahay xaqa dhinaca garsoorka iyo caddaaladdu. Qoraalkaygan waxaan ku iftiiminyaa caddaalad-darro is urursatay oo iga dhigtay muwaadin wax badan taabanaya, isla markaana ah mid iiga imanaysa rag masuuliyiin ah oo xidhan shaadh dawladeed oo ay u adeegsanayaan dulmi iyo duudsiga xaqa muwaadinka.

Waxay ahayd 17-kii bishan August 2014 markii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu booqasho ku yimi magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, waxaannu Madaxwaynuhu dhagax-dhigay dhul aan leenahay oo muran dhinaca qoyska ahi ka taagan yahay, iyadoo ujeeddada dhagax-dhigaasina ahaa si ay u dhisato shirkad gaar loo leeyahay oo Tamarta Hawada dab ka dhalinaysa, taas oo aan wax sharciyad ah u haysan, isla markaana aannu jirin xidhiidh ka dhexeeya qoyska hantida leh iyo shirkaddan.

Haddaba, waxaan halkan ku cambaaraynayaa majaro habaabinta ay Madaxwaynaha sharafta leh ku samaynayaan qaar ka mid ah wasiirradiisa oo si badheedh ah maalintaas u geeyay goob uu muran ka taagan yahay, malahaygana ay ila tahay inay damacsanyihiin inay dhagax-dhigga Madaxwaynaha uga dhigtaan marmarsiiyo ay ku sharciyaysanayaan hanti muwaadin leeyahay oo ay rabaan inay sharci-darro ku maroorsadaan.

Haddii aan hoos ugu dhaadhaco arrintan oo aan daaha ka qaado meesha ay sartu ka qudhunsantahay iyo foolxumada ay masuuliyiinta ku malfay boobka hantida ummaddu ay sharciga ugu tumanayaan, anigoo qoraalkaygan sal uga dhigaya waraaqo sharci ah oo ka soo baxay xafiisyo dawladeed oo muddan in loo hoggaansamo.

Waxa xusid mudan in xukuumaddii xisbiga UDUB intii ay jirtay ay kiiska qoyska reer Daahir Cilmi garsoorkiisa daacad ka ahayd, balse markii ay dhalatay xukuumadda xisbiga KULMIYE ay caddaalad-darraduna la bilaabantay, isla markaana dacwadaydii meesha ay soo gaadhsiiyeen maxkamadihii ku hoos jiray xukuumaddii UDUB noqdeen kuwo mugdi la galiyay. Sidoo kale, warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Awdal oo summadeedu ahayd MRGA/DML/07/2011, kuna taariikhaysnayd 04.04.2011, taas oo ujeeddadeedu ahayd XAYIRAAD DHUL, kuna socotay hay’adaha khusaysay, waxay warqadaasi xayiraysay dhammaan hantida saddexda bahood ee Ilma Daahir Cilmi. Xayiraadaasi oo ahayd go’aan ka soo baxay maxkamad sharaf leh oo gudanaysa waajibkeeda, waxa uu noqday mid naga xanibay dano iyo hawlo badan oo aan shaqo ahaan iyo qoys ahaan u qabsan lahayn.

madaxweynaha-oo-dhagax-dhigaya-goobta

Xayiraadaasi maxkamadda oo mudnayd in loo hoggaansamo ayaa Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil oo daba ordaya dano gaar ah oo uu leeyahay uu u ololeeyay in ay jabto isaga oo shaadhka qaranka ka dhiganaya mid uu uga faa’iidaysanayo, waxa uu nagu riixay in aan ku laabano maxkamadda, kana codsano in ay daboolka ka qaado meesha uu ka jabay go’aankii maxkamaddu, waxaana Ilaahay mahadi ha ka gaadhee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Gobolka Awdal ka soo baxday warqad ay sumadeedu tahay XXIG/78/2014, kuna taariikhaysnayd 02/07/2014, taasi oo ujeeddadeedu ahayd SOO BAADHIS & WAX-KA QABASHO XAYIRAAD LA JABIYAY, lagu socodsiiyay Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, iyaga oo saraakiisha amnigu waajibkooda gudanaya ayey warqad kale oo amar ah u qoreen saldhiga booliska ee Bariga, warqadaas oo ay sumadeedu ahayd QBA/3-5/427/014, kuna taariikhaysnayd 02/07/2014.
Gabi ahaanba waraaqahaas aan sumadahooda iyo ujeedooyinkooda sheegay waxay ka marag-kacayaan in la jabiyay go’aankii Maxkamadda Rafcaanka ee XAYIRAADA saaray hantida Ilmo Daahir Cilmi, waxaanay caddaynayaan in baadhis ku socoto meesha uu ka jabay go’aankaasi maxkamaddu, iyadoo sidaas ah ayaa Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu isaga oo og dhammaan xaalka sidan ah iyo waraaqaha amarka ah ee ka soo baxay xafiisyada madaxda sharxafta leh ee heer gobol, waxa uu u badheedhay inuu Madaxwaynihii qaranka ee caddaaladda iyo sinnaanta ku baaqay marar badan ku shaabbadeeyo dhagax-dhigga dhul muran ka taagan yahay oo uu ogyahay in aan lagu kala bixin wali.

Waxa kale oo aan xusayaa in Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu uu dulmi muuqda iyo gardarro aan gabbad lahayn nagu hayo, isla markaana uu yahay masuul u xuub-siibtay inuu danihiisa gaarka ah ka hormariyo dantii loo doortay, sidoo kalena uu yahay mid u badheedhay ka been sheegga garsoorkii aan u baahnayn inaan helno, si la mid ah sidana uu marar badan caga-juglayn, cabudhin iyo ku gabbasho qabiil uu kula kaco cid walba oo oo kiiska reer Daahir Cilmi rabta inay ka garsoorto.

Waxaan Madaxwaynaha sharafta iyo karaamada leh ka raaligalinaynaa wejigabaxa uu Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu la magaanaa inuu u maleego markii uu ku hayagayey inuu dhagax-dhigo dhul lagu muransan yahay, isaga oo rabay inuu malaha Madaxwaynaha ka dhigo midka jabiyay warqaddii Maxkamadda ee xayiraadda saartay dhulkayaga.

Ugu dambayntii, waxaan si sharaf leh uga codsanayaa Madaxwaynaha Somaliland iyo hay’adaha Garsoorka inay sharciga horkeenaan Wasiir Cali Xaamud, kuna qaadaan kiisaska isbarkan ee ka dhanka ah xaqa muwaadinka iyo ku tumashada dastuurka iyo xeerarka maxkamadaha ee uu caadaystay jabintooda, isla markaana ay ka qoys ahaan noogu garsooraan sida uu sharciga Islaamka iyo kan dalkuba qabaan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here