Guddoomiyaha Bisha Cas Somaliland Oo Daadefeeyey In Soomaaliya Laga Xukumo, Faahfaahina Ka Bixiyey Qaabka Ay U Kala Shaqeeyaan

0
50

“Bisha Cas waa hay’adda keliya ee xafiis dal madaxbanaan ula dhaqanta Somaliland, ka Soomaaliyana oo ilaa Puntland….” Mr. Axmed Cabdi Bakaal

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland Mr. Axmed Cabdi Bakaal ayaa shaaca ka qaaday inay kala madaxbanaan yihiin xafiisyada Bisha Cas ee Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana socdaalkii uu dhowaan ku tegay dalka Qatar loogu casuumay isagoo xafiiska Somaliland metelaya.

Mr. Axmed Cabdi oo shalay xafiiskiisa ugu waramay weriye ka tirsan wargeyska HIMILO ayaa sheegay in Bisha Cas ee Somaliland hawlahooda iyo mashaariicadoodu midna aanay wax saamayn ah ku lahayn Soomaaliya, isla markaana aan loo soo marin ee si toos ah uga helaan hay’adaha iyo waddamadda caawiya hawlaha ururadda  bisha Cas ee adduunka.

 bishacas

Guddoomiye Bakaal ayaa mar uu ka jawaabayey war wargeyska HIMILO ku baahiyey inuu qeyb ka ahaa wefti Soomaaliya ah oo booqasho ku tegay dalka Qatar ayaa sheegay inay dhab ahayd tegitaankiisu, balse aanu qeyb ka ahayn wefdiga Soomaaliya, ee si gaar ah loogu soo casuumay Somaliland, una shaqeeyaan qaab kala madax-banaan, (sida uu dhigayey qoraal uu tusay wargeyska Himilo oo loo soo diray Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal AHN) waxaanu yidhi, “Xafiiska Bisha Cas ee Somaliland iyo ka Soomaaliya way kala madaxbanaan yihiin, waxaana go’aankaa qoraalkiisa soo saaray xoghayaha Bisha Cas Mr. Steven Molekleiv, sannadkii 1999, oo dhigaya inay u shaqeeyaan laba xafiis oo kala madax-banaan.”

Mr. Bakaal ayaa sheegay inuu kala duwan yahay heerarka xafiisyada Bisha Cas ee Somaliland iyo ka Soomaaliya marayaan, sidoo kalena  mashaariicahoodu, waxaanu yidhi, “ Bisha Cas ee Somaliland waxay fulisaa mashaariic horumarineed, halka ta Soomaaliya fuliso mashaariic gargaar, markaa caqli maaha inaan hoostago xafiiska Soomaaliya oo weli aan gaadhin heerka xafiiska bisha Cas ee Somaliland marayo,”ayuu yidhi Mr. Bakaal. Isagoo raaciyey.

“Bisha Cas waa hay’adda keliya ee xafiis dal madaxbanaan ula dhaqanta Somaliland, ka Soomaaliyana oo ilaa Puntland ku jirto aanu xukumin, laba xafiisna u kala aqoonsan,  halka hay’adaha kale gargaarku saddex qeybood u kala qeybiyaan.”

Mr. Axmed Cabdi Bakaal ayaa ugu dambayn sheegay inuu bulshada Somaliland u caddeynayo in Xafiiska Bisha Cas ee Somaliland u madax-banaan yahay hawlahiisa iyo maamulkiisaba, taasoo wax badan kala qabtay AHN Madaxweynihii geeriyooday Cigaal oo qoraalada ugu badan u gudbiyey xarunta Hay’adda Bisha Cas adduunka kaga dalbanayey madaxbanaanida bisha Cas ee Somaliland, waxaanu yidhi, “Wakhtigan xafiiska bisha Cas Soomaaliya oo sheegan kara Somaliland ma jiro, waxaanu xidhmay markii lagu heshiiyey inaan kala madax-banaan nahay,  balse laba xafiis oo siman ayey Bisha Cas ku kala leedahay Somaliland iyo Soomaliya.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here