GUDDAHA KA AKHRISO: Golaha Wakiillada Oo Meelmariyey Ajandaha Kalfadhigooda 27aad Oo Xeerar Xaasaasi Ah Ka Kooban

0
43

Hargeysa, (Hubaal)- Kal-fadhiga 27aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah u furmay, waxaanay mudaneyaasha Goluhu meel-mariyeen Ajandaha Kalfadhiga oo Goluhu ku ansixin doono Xeerar muhiimad gaar ah leh dhismaha iyo shaqada hay’adaha dawladda.

golahaFadhiga shalay oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi isla markaana ay ka soo xaadireen 45 mudane, waxa oggolaaday meel-marinta Ajnadaha kalfadhiga 32 xildhibaan halka 11 mudane oo kale ka soo horjeesteen ansixinta Ajandaha Kalfadhiga.

Ajandaha Kalfadhiga 27aad ee Goluhu shalay meelmariyey, ayaa ka kooban siddeed Xeer oo ay ka mid yihiin Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada.

Xeerarkan oo Goluhu wixii ka dambeeyey maanta si rasmi ah u guda-geli doono in mid-mid loo falan-qeeyo, loogana doodo, marka dambena lagu ansixiyo wax-ka-beddel iyo kaabis kaddib, waxa ay kala yihiin: Xeerka Duulista iyo Hawada, Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeerka Nidaamka Xukuumadda, Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, Xeerka Ka-ganacsiga Hawlaha Bangiyada, Xeerka La-dagaalanka Argagixisada, Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada iyo Xeerka Caasimadda, waxaanay xeerarkani isugu jiraan qaar ay curiyeen Golaha Wakiillada iyo qaar ay u soo gudbiyeen hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh.

source:himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here