“Shaqaalaha Wasaaraddu Waxay Qaataan Mushahar Waxana Ay Qaataan Gunno, Laakiin Gunnadaass, Ayaa Caddaalad-Darro Ka Jiri Kartaa.” Wasiir Cukuse

0
32

Hargeysa: (Hubaal)-Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse)Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa Maanta kulamo la qaatay qaarkamid ah shaqaalaha Wasaaradiisa oo cabasho ka muujiyey nidaamka Maamul ee Wasaaradaas loo hoggaamiyo.

Wasiirka oo kulanka uu ku dhegaystay Shaqaalaha la qaatay ay ku wehelinayeen Madaxda kala duwan ee shaqada uga Hoosaysa, ayaa shaqaalaha u sheegay inuu diyaar u yahay wax kaqabashada dhibaatada ay sheeganayaan, isla-markaana dib loo eegi doono halka wax ka qaldan yihiin.

 cukuse3

Wasiir Cukuse oo maanta warbaahinta Madaxa Bannaani xafiiskiisa ku booqatay xilli uu kasoo baxay garnaqsigaas uu la lahaa shaqaale, ayaa sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo sidaas usii buuran oo ka dhex jira wasaaradda Warfaafintu, waxana uu intaas ku daray in lagu hawllan yahay sidii meesha looga saari lahaa wixii jira,

“waxa jiri kara shaqaalaha qaar cabanaya iyo qaar aan cabanaynin, shaqaalaha wasaaradda Warfaafintu, shaqaalaha kuwa ugu laddan bay ku jiraan, waxay qaataan mushahar waxana ay qaataan Gunno, Laakiin Gunnadaass, ayaa caddaalad-darro ka jiri kartaa.”ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in cabashadu salka ku hayso dibuhabayn ay wasaaraddu ku samaysay shaqaalaheeda oo ay guddi gaar ahi hoggaaminayeen, waxana uu xusay inay diyaar u yihiin sixitaanka dhammaanba waxa khaldan ee haatan jira, waxana uu yidhi,

“Guddiyo ayaanu u saarnay inaanu dib u hayban ku samayno oo caddaaladdooda sugnaanu isku daynay, guddiyadaasna Wasiir-kux-xigeenkii hore, ayaa Guddoomiye u ahaa, Agaasimaha Guud iyo Maareeyaha ayaana ku jira, Waxna way soo go’aamiyeen, waxaas ay soo Go’aamiyeen baana laga yaabaa inay kasoo baxdo wax ay shaqaalaha qaarkood dhibsadaan, waxana ka soo bixi kara Khaladaas iyo inay inta badan xaq tahay oo sax tahay, balse annagu waxanu diyaar u nahay inaanu saxno oo hagaajino, waanay saxmaysaa, Imikana Toddoba qof oo shaqaalaha kamid ah ayaan u diray si dib loogu eego.”

Wasiirku waxa uu cabashada ku sheegay wax caadi ka ah meel kasta shaqo ka jirto, waxana uu qiray jiritaankeeda,

cabashadu waa wax caadi ah, bani’aadammuna waa kala caban karaan, caddaalad iyo caddaalad darraba wax baa soo bixi kara, waana la dhamaynayaa. intay doonaadaanba ha ahaadeene annaga waxa nagu waajib ah qof shaqaale ah oo cabanaya inaanu qancino” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo ka jawaabayey Su’aal warbaahintu weydiisay oo la xidhiidhay maadaama khilaafku wasaaraddu batay inay haboonayd inuu meel shaqo ka qabto, ayaa sidatan ku jawaabay,

“Meesha Madaxweynaa dalka xilka u igmada, madaxweynihiina wuu ii igmaday, aniguna waxan isu aqaanaa inaan ku fiicanahay, hortaana dadku waa igu jeclaayeen, maantana dadbaa igu jecel, haddii aan adiga kula madoobahayna qaar baan la casahay mushkilad weynna ma aha.”

Sidoo kale waxa uu wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse) ka Hadlay khilaafyo la sheego in isaga iyo madaxda ka hoosaysa uu ku jiro, waxana uu xusay in arrimahaas la buunbuuniyey,

“aniga iyo cabdiwaaxid ma aanu murmin, aniga iyo agaasimahaygu ma muransanin, aniga iyo shugri xariir ma muransanin, waxanna buunbuunin baa ku jirta shaqaalaha warfaafinta ee dibadda iyo kuwa warfaafinta ee Dibaddu waa walaalee aynu nasteexa ka wada shaqayno.”ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

source:himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here