HALKAN KA AKHRI: Qeybtii 4aad Ee Taxanaha Ku Saabsan Horumarka Ku Yimid Madaarka Caalamiga Ah Ee Hargeysa Muddadii Xukuumaddani Talada Dalka Haysay+SAWIRO
Qaabkii Uu U Hirgalay Dhismaha Xayndaabku Iyo Sidii Ay Wasaaradda Ugu Suurtagashay Xadaynta Dhammaan Dhulka Madaarku U Baahnaa
Mudadii Wasaaradda Duulista iyo Hawadu ku Guda Jirtay Dhismaha Madaarrada Dalka waxa ay si gaar ah awood u siisay Xayndaabka Madaarka Caalamiga Ah ee Hargeysa oo daraasado Madaarka lagu sameeyey natiijadoodii lagu ogaaday in Xayndaab Madaarku yeeshaa kow ka tahay xaaladda Amni ee Madaarka si ay Madaarka ugu soo xidhmaan Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adduunku. Wasaaradda Duulistu waxa ay laba waji u kala qaadday Dhismaha Xayndaab ballaadhan oo lagu sameeyo Madaarka Hargeysa (Security Fence) kaasi oo dhererkiiisu yahay 13-km oo isku wareeg ah.
Dhulka Madaarka oo ahaa mid aan cayinayn oo ay dhex maraan hareerahana ka daganaayeen dad badani isla markaana ay dhex mari jireen laba waddo oo isku xidha Caasimadda Hargeysa kiyo Deegaamada Konfurta Hargeysa ayaa waxa ay Halis weyn ku ahayd Ammaanka iyo Bad-qabka Madaarka maadaama ay Dad, Gaadiid iyo Xooloba dhex mushaaxi jireen Madaarka iyada oo wakhtiyada qaar xoolahaasi gaadhi jireen Dhabbaha Madaarka iyada oo Arrintaasi ay inta badan cabasho ka keeni jireen Shirkadaha diyaaraduhu. Si Haddaba loo sameeyo Xayn-daab madaarku yeesho loona sugo dhulka bed ahaan Madaarku ku fadhiyo ee uu u baahan yahay mustaqbalka soo socda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Guddi heer Wasiiro ah u saaray xadaynta dhulkaasi iyo jihaynta waddooyinka dhex mari jiray Madaarka si looga duwo madaarka iyo in dhul baddal iyo cawil celin ah loo sameeyo dadkii muwaadiniinta ahaa oo lahaa dhulka madaarku baahan yahay.
Xoghayaha Guddidaasi waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Md. Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo faahfaahin ka bixiyey hawsha Guddidaasi waxa yidhi: “Bishii May ee Sannadkii 2012-ka ayuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo guddi heer qaran ah u magacaabay xadaynta dhulka Madaarka caasimadda, guddidaas oo ka koobanayd Wasiirrada shan wasaaradood oo kala ah Wasaaradaha Duulista, Hawlaha guud, Gaashaandhiga, Arrimaha gudaha, Maayarka Caasimadda, iyo Wasiirka Xukuumadda ugu jira Deeganka Koonfurta Hargeysa, guddidaas oo uu xoghayn u yahay Agaasimaha wasaarada duulista”.
Agaasime Cumar Sayid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Guddidaas waxa awood uu madaxweynhuhu u siiyey inay madaarka caasimadda dhulkiisa xadeeyaan, waxaana hawshaas oo baaxad weyn lahayd ay ku dhiiradeen iyagoo ILAAHAY tallo saartay. Guddidu waxay ku guulaysteen inay soo celiyeen dhul baaxad weyn oo madaarka xayn daabkiisa lagu soo wareejiyey imika, dhulkaas oo dad muwaadiin ahi ay lahaayeen, Dadkaasna dhulkooda waa loo celiyey, hantidii ay ka dhisteen ee Guryo, Beero, iyo barkado ahaana inta loo qiiimeeyey ayaa loo celiyey”.
Dhulkaas waxa deganaa 11 qoys, sagaal ka mida dhulkoodii iyo hantidoodiiba dawladda dhexe ee Somaliland ayaa u celisay, saddexda qoys ee hadhayna hadda ayaa hawshoodii lagu jiraa, oo bilaha soo socda ayaanu dhamaynaa arrinkooda, maanta dhulka madaarka waxaanu ku soo wareejinay xayn daab saddex iyo Toban Kiiloo mitir ah (13KM), waxa kaliya ee noo dhiman 300 oo Mitir oo aanu wadno. Hawshaas baaxada leh, waxa noo suuro galinayey ILAAHAY SWT, waxana si weyn noo gacan qabtay dadka deegaanka Koonfurta Hargeysa, oo nin waliba markii la yidhi dhulkaagiii waa loo baanahn yahay oo dan guud ayuu noqday oo madaarka ayaa lagu darayaa si niyad wanaag ah nooga aqbalay, noolana shaqeeyeen ka xukuumad ahaan. Maanta madaarku waa mid sugan, dhul ahaan, iyo ammaan ahaanba, diyaarahaduna way ku soo dhiiranayaan, waayo waa madaar leh xayndaab loo dhisay si heer caalami ah.” Ayuu yidhi Agaasime Cumar Cabdilaahi.
Agaasimaha Waaxda Mashaariicda ee Wasaaradda Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) oo mar faahfahin ka bixiyey mudadii uu socday dhismaha Xayndaabka Madaarku ayaa waxa uu yidhi: “Qaabka xayndaabkaasi loo samayey waxa uu ahaa in marka hore dhulka la qoday Haaf Mitir, ka dibna laga taagay sabbad adag oo Laba Mitir Iyo Badh Ah, markaasna lagu xidhay shabag ka kooban saddex, waa shabaga hore ka adkaynaya iyo kan jiijinaya ee kaabanaha ku haynaya.
Dhinaca Xayndaabka waxa wajiga hore dhammays tirnaa 5.5km halka wajiga labaadna laga dhisay 6.5km iyo Hal kiiloo mitir oo dawladda dhexe ee Somaliland kharashkiisa bixisay taasoo isu gaynta noqonaysa 13-km oo isku wareeg ah lagana hir geliyey Xayndaab aad u tayo wanaagsan ..sidoo kalena waxa madaarka laga duway laba waddo oo madaarja dhex mari jiray oo la mariyey jihooyin cusub.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlayay Muhiimadda Xayndaabka Madaarka, Waddooyinka laga leexiyey iyo dadaalka ay u galeen in dhulkii Madaarka la xadeeyaa waxa uu wakhtigaasi warbaahinta u sheegay sidan: “Waxa ay Xukuumaddani waddaa oo ay ku dhiirratay inay madaarka u samayso xad iyo xayndaab, waa rukun ka mid ah rukummada Garoonkeena lagu aqoonsanayo, ma socon karto in garoonkeena dad dhex maraan oo dayuurahaduna ay kalsooni qabaan, mana socon karto, in qofkii garoonka yimadaaba uu goobta diyaaraddu istaago yimaado, siduu u soo socdo sidii hore u dhici jirtay, taasi ma soconayaso, dhaqankeena iyo waxa madaar laga doonayaan isma galayaan, madaarka wax laga rabaa inuu noqdo meel xidhan oo sharci uun lagu galo, waxaan dadweynaha ugu mahad celinayaa siday arintaasi xayndaabka noogala shaqaayeen, oo kuwii dhulka lahaa markii la yidhi dhulkaagii dan guud ayaa loo rabaa, aanu nala dagaalamanin ee uu nala shaqaayey” Sidaa Waxa Yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo saxaafadda la hadlay mudadii ay ku hawlanaayeen dhismaha Xayndaabka lagu wareejiyey Madaarka Hargeysa.
…..La Soco