Hargeysa (Hubaal) Ururka Dhalinyarada beesha Subeer Awal ee Jiidali ayaa cambaareeyay xadhiga guddoomiyihii ururkaas oo xalay gurigiisa oo ku yaal magaaladda Hargeysa ay ciidanka RRU-du ka qafaasheen.
Afhayeenka ururka Jiidali Faysal Cumar Madar ayaa sheegay in amarka lagu soo xidhay guddoomiyahoodu ay bixiyeen guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo marwada kowaad ee madaxweyne Siilaanyo.
Dhinaca kale waxa warsaxaafadeedkan lagu sheegay xil kaqaadis iyo magaabis lagu sameeyay guddoomiye ku-xigeenka ururkaas sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku sexeexan yahay afhayeenka ururkaas Faysal Cumar Madar oo nuqul kamid ah nasoo gaadhay oo dhignaa sidan:
Ururka Dhalinyarada subeer awal ee jiidali waxa uu cod dheer ku cambaaraynayaa xadhiga loogaystay gudoomiyihii ururka Jiidali mudane Cabdiraxmaan Xasan Aadan oo habeenimadii Jimcaha ee 14/11/2014, magaalada Hargeisa guriga uu ka dagan yahay agtiisa Ciidamada RRUdu ka Qafaasheen iyaga oo aan wax waaran ama wado sharci usoo marin, Xadhiga Gudoomiyaha Jiidali oo ay amarkiisa Bixiyeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Marwada Kowaad Aamina Waris.
Xukumada Todobada Bilood u hadhay waxaanu u sheegaynaa Hadii Sharicigu Shaqayn Waayo Waxa Imandoonta in Somaliland meel dheer laga Raadiyo, Waxaanu ugu Baaqaynaa in Si Bilaa shuruuda Lagu soo daayo Gudoomiyahayagii.
Waxa aanu Xukumada Usheegaynaa Ururka Jiidali maaha Urur Danta Cid Xukumada iyo Xisbigeeda Kamidii Ku Shaqaysan Karaan ama Danahooda Fuliya, Guud Ahaan Maaha Ururka Jiidali mid ka tirsan Xusbiyada Siyaasada ee Dalka waliba Gaar Ahaan Xusbi Xaakimka Kulmiye ee waa Urur u adeega danaha Beesha Subeer Awal Sida ururada Beelaha Kaleba.
XILKA QAADIS iyo MAGACABIS :
Caawa oo Sabtiya 15/11/2014, waxa Hogaanka Ururka Jiidali Xilkii uu Hayay ka Qaadeen Gudoomiye Ku-xigeenkii Ururka Jiidali ee hore Cabdirashiid Maxamed X Aaadan, kadib markii uu Gudoomiye Ku-Xigeenku Xili Laxidhay Gudoomiyihii uu Warsaxaafadeed aan Lala ogayn oo Xukumadu Uyeedhisay Ka aqbalay in magaca Ururka iyo kiisaba Loo adeegsado, oo Lagu baahiyay Qaar ka mida Saxafada Xukumadu Leedahay Ama kuwa Ka Agdhow Xukumada. Oo uu ku sheegay in Ururka Jiidali Yahay Xisbiga KULMIYE.
Hadaba Dhamaan Xubnaha Golaha Fulinta iyo Xubnaha Golaha Musdanbeedka Ee Jiidali waxa Ay xilkii ka Xayuubiyeen Cabdirashiid Maxamed X. Aaadan, waxaana Halkiisii Ay Udoorteen Mudane Aqoonyahan: Xamse Xasan Cabdiraxmaan.
Waxaananu Sidaa Ku Wargalinayanaa Dhamaan Beelwaynta Subeer Awal ee ku Nool Dalka Iyo Dunida Daafaheedaba.
ALLAA MAHAD LEH
Afhayeenka ururka JIIDALI
Faysal Cumar Madar (Qumuj)