GUDASHADDA XAJKA IYO GALLADDAHA RAXMAANKA. Qalinkii: Sheekh Guuleed Maxamed Yaasiin (Dalha)

0
59

Bismillaah, wassalatu wassalamu cala Muxammed. Diinta Islaamku waa tii ugu danbeysey ee Illaahay SWT uu Nebiggiisa usoo dhiibay si uu ummadda ugu digo uguna bushaareeyo. Waxay ka koobantahay tiirar aad u adag oo dhidban. Tiirarkaa waxa ka mid ah Xajka.

guleed dalhaXajku waa niyaysi la niyaysto in gurigga Alle ee Xaramka lagu soo guto cibaado gaar ah, leh ammin gaar ah iyo shuruudo gaar ah. Taariikhdu markii ay ahayd sanadii 9aad ee Hijriyadda ayaa la meel mariyay sida ku sugan Bukhari iyo Muslim wafdigii reer Cabdil Qeys ee u yimi Nebigga SCW.

Daliiladda muujinaya in xajjku waajib yahay

Alle SWT waxa uu ku yidhi Suurat Aala Cimaraan 96-97, “ Alle wuxuu ku waajibiyay dadka inay soo xajaan ciddii kari karta.” Suubanihii SCW waxa isna uu sheegay in ISLAAMKA ku dhisan yahay shan. Waxaana ka mid ahaa xajka gurigga Alle SWT ciddii awooda. ( Bukhari iyo Muslim ayaa ka weriyay Abuu Hureyra) Ummadda Muslimiintu waxay yaduna isku raacday in xajku waajib ku yahay cid kasta oo awooda. Sidoo kale, waxay gaalaysiiyeen ciddii diidda in uu waajib yahay.

Xajku waa cibaado ku waajibta qofka hal mar inta uu kawnka joogo oo dhan./ Su’aashu waxay tahay dib ma u dhigayaa ciddii markaa kari karta?

Sida ugu fiican waa inaad iska riddo waajibka ku saaran haddii aad markaa karto, waayo waxa beri dhici karta in aad xanuusato ama aad busaaradaysato oo aad weydo. Alle SWT wuxuu Quraankiisa Kariimka ah ku yidh, “ U dhakhsadda denbi dhaafka Alle.” Waxaanan ognahay in Xajka Mabruurku uu yahay denbi dhaafka ugu weyn sidii Xadiithkii Caaisha ee Muslimka iyo qeyrkiiba weriyeen sheegi jiray.

Nebi Muxammed SCW waxa uu soo xajay HAL mar isagga oo cumraystay afar goor sida uu sheegay Anas Binu Maalik. ( Bukhari, Muslim iyo Maxamed Binu Cisaa Attarmidi).

XIKMADAHA KU JIRA XAJKA IYO FAAIDOOYINKIISA

Ibnu Cabbas wuxuu leeyahay in xajku leeyahay faaidooyin aduunyo iyo kuwo aakhiroba markuu fasirayay aayaddii Suurat Al Xajj. Waa tan koowaaddee, aakhiro Alle raali ahaanshihiisa ayaad gaadhaysaa. Tan labaad weeyee, Muslimiinta oo dhan ayaa isu immanaysa.

Islaamku wuxuu ka shaqeeyaa Midowga Muslimiinta. Sidaa daraadeed, ayaa  Xadiithkii Carjaffa Binu Shureyx eek u jiray Saxeex Muslim in la dilo ciddii Ummadda kala qeybinaysa.

Hubaashii, waxaad arkaysaa in Muslimiintu maalinta Jimcaha ah isu yimaadaan, haddana sanadkii ayaa Diintu meel marisay in Ciidaha laysu imaado. Haddana waxa la yidhi in Xajjkii la isuggu yimaado oo ah halkan ugu balaadhan ee Muslimiinta aduunku isuggu yimaadaan.

Madasha waxa ka dhaca walaalyaw boholyoobay oo muddo badan la raadinayay; waxa cirka isku shareera baryadda Rabbi SWT; waxa lagu dhawaaqaa dikrigga Alle; waxa la dheelmiyaa oo dhagax lagu dhuftaa Sheydaanadda; waxaana dhidibadda loo taaggaa walaalnimadda Islaamka.

Guuleed Maxammed Yaasiin

Jaamacadda Gollis, Kuliyadda Shareecadda

0634839797

dalxaauthor@gmail.com

La Soco Qaybaha Danbe, Inshallah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here