Bandhigii Nabadda Ee Farshaxanka iyo Filimada Oo lagu Soo Gabo-Gabeeyey Hargeysa

0
43

Hargeysa (Hubaal)Waxaa maanta Jaa’isado la gudoonsiiyey farshaxanadii ka sawirda iyo Muuqaalada ku soo bandhigay Bandhiga Nabada iyo Farshaxanka ee mudo Laba cisho ah ka socotay Magaalada Hargeysa taasi oo ay soo qaban qaabisay Shirkada KMC, Farshaxanka Jaa’isadaha la gudoonsiiyey ayaa waxa ay si toos ah ugu sawireen Gudaha Hoolka lagu qabtay Bandhigaasi lagu xoojinayey Nabada, waxa kale Halkaasi lagu soo bandhigay Muuqaalo daawasho ah.

bandhiga farshaxanka iyo filimadaGudoomiyaha Golaha wakiilada oo Jaa’isadaha gudoonsiiyey tar tamayaasha yaa ayaa ku hambalyeeyey waxaanu yidhi“bandhiga waxaan ugu hambalyeyayaa Bandhiga Faneed qudha maaha ee mid lagu dhiri galinayo nabada Somaliland, nabada waa waxa aynu kaga duwanahay Qaybaha kale ee Somaliya, waxa la inagu Hambalyeynayo ee aynu Horumarka iyo Doorashooyinka gu gaadhnay waa Nabada, waxaan Hambalyeynayaa Qofkasta qaybka gaystay Howshaa ” ayuu yidhi Cirro

Fanaanada Caanka ah ee Sahra Halgan oo ka mid ahayd Khubaradii qiimaynaysay Tar tamaha yaasha ayaa ku boorisay inay sii wadaa dadaalkooda “dhalinyarada Somaliland waxaan leeyahay dadkiina iyo dalkiina waxa wanaagsan inaad aamintaan, waxa halkan lagaga hadlayaa waa nabada nabadu waa waxa ugu qaalisan, waxaan anigu ka mid ahaa dadkii qiimeeyey sawiradaa iyo waxyaabaha halkan lagu soo bandhigay, waa wax aad u quruxbadan wax aad u qiimo leh ayaad samayseen, nabaduna waa waxa aynu ku taamayno ee laynagu eeganayo, markaa waxaan idin leeyahay halkaa ka sii adkeeya”

Sahra Halgan wax ay intaasi raacisay “waxaan aad ugu mahad celinayaa Kow Media Corp siday ugu suurto galiyeen, dhalinyarada Somaliland ee Farshaxanka ah, waad arkayseen oo Fanaaniintu ilaa shalaybay taagnaayeen waxay iidiin soo bandhigeen waxyaabo kal gadisan, fanaaniinta iyo farshaxanku waa waxa uu wadan ku faano, wa wax dadka ka dhexeeya oo aan siyaasad galin, aad iyo aad baan idiin soo dhaaynayaa.”ayey tidhi sahra Halgan.

Waxakale oo halkaasi Khudbad ka jeediyey Xildhibaan Rayte waxaanu yidhi“intii aan Somaliland Joogay Xafladani waa tii iigu Horaysay ee Nooceeda ah ee aan ka soo qayb galo, waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Cidii soo abaabushay oo ay ugu horeyso kow Media, waxaan leeyahay hawl wayn ayaad bulshada reer Somaliland u qabateen aad baanan idiinku Hambalyeynayaa waanan idinku dhiirigalinayaa inaad dadaalkaa sii wadaa, dhalinyaradana aad baan ugu dhiiri galinyaa inay ku soo xidhmaan dhaq dhaqaaqan nabada, fanka iyo Farshaxanka.”ayuu yidhi Rayte

Gaba gabadii wax ahlaasi Abaal marino lagu Gudoonsiiyey Tartamayaashii ku tartamayey Sawirada Gacanta lagu sawiro iyo Muuqalada kala gadisan ee lagu Xoojinayey Nabada, kuwaasi oo uu gudoonsiiyey Gudoomiyaga Golaha wakiilada Somaliland iyo maamulaha guud ee shirkada KMC oo dhamaan cidkasta oo ka soo qayb gashay uga mahad naqay sida ay uga qayb qaateen Bandhig Nabadeed kaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here