Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

0
26

Muqdisho(Hubaal)-Golaha Wasiirrada Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa goor-dhaweyd si rasmi ah loogaga dhawaaqay Munaasibad lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Soomaliya.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ee cusub, ayaa waxa ku jira qaar laga soo celiyey Xukuumadii hore iyo wajiyo cusub, wallow ay wali socoto xaflada magacaabista Wasiirradu.

R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa munaasibada kaga  dhawaaqay Golaha wasiiradiisa cusub ee Xukuumada.

cumar cabdirashiidXaflada lagu magacaabay waxa goob-joog ka ah Madaxda ugu saraysa dawladda, xildhibaano iyo xubno ka mid ah wasiirrada la magacaabay.

Inkasta oo ay wali goor hore tahay, waxna laga sheegi Karin ama la min-qiyaasi Karin xataa wajiyada wasiirrada cusub qaarkood, hadana waxa durba soo baxaya dhaliilo dhinaca Baarlamanka laga soo jeedinayo dadka la magacaabay. Oo ay ku jiraa inta badan wasiirradii xukuumadii hore, siiba xubnihii maca madaxweynaha ahaa.

reysal-wasaaraha xukuumaddiisa ku dhawaaqay ayaa la magacaabay Bishii December 17, 2014, waxaanay baarlamanku ansixiyeen December 24, 2014, iyadoo uu caawa oo taariikhdu ay tahay 12/1/2015 uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa xukuumadda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here