Hargeysa (Hubaal) Qaar ka mid ah Odayaasha, waxgaradka ehelada labadii sarkaal ee dhawaan lagu dilay degmada Qori-lugud, ayaa ka hadlay xukun Maxkamadda derajada koowaad ee ciidamada qaranku ku ridday gacan ku dhiiglihii geystay dilkaasi iyo shan askari oo la sheegay inay dilkaasi gacan ka geysteen.
Maxkamadda Ciidanka Qaranka Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland ayaa doraad xukun Dil ah iyo xabsiyo dhaadheer ku riday Askarigii gacan ku dhiiglaha ahaa ee Dilka toogashada ah ku fuliyey labadii Sarkaal ee Saldhiga Ciidanka qaranka Qorulugud, halka shan Askari oo ku gacansiiyey gacan ku dhiiglaha ay ku riday Xabsiyo dhaadheer.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland ee Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmarke ayaa sheegay inay dil ku xukumeen Faarax Maxamed Ismaaciil oo ahaa askarigii labada sarkaal toogashada ku dilay, halka Laba Xadhigle Carraale Muuse Cabdi oo lahaa Heeganka Xerada Dilku ka dhacay lagu xukumay Toddoba sano oo xadhig milatari ah.
Dable Cabdi Cawal Maxamed oo ahaa kamaan-boostihii waardiyaha ahaa siddeed sano oo xadhig Milatari ah
Dable Faarax C/laahi Maxamed oo ahaa Askarigii qorigiisa Dilka lagu fuliyey shan iyo toban sano oo xabsi Milatari ah
Dable Khadar Xasan Ismaaciil waa Askarigii silsilada ka furay gacan ku dhiiglaha oo maxbuus ahaa ka hor intaanu Dilka geysan waxaana lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Milatari ah.
Waxaanna maxkamaddu xorriyaddiisa u soo celisay Dable Khadar Axmed Cawil kadib markii Danbi lagu caddeyn waayey.
Laakiin, aabaha mid ka mid ah labada sarkaal ee dilkooda xukunkaasi u dhacay iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada beelood ee ay ka dhasheen labada sarkaal oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa shegay in aanay xukunkaasi ku qanacsanayn.
Odayaasha ayaa sheegay in xukunkaasi ahaa mid aan ka soo bixin Maxkamadda ciidamada, hasa-yeeshee cid kale ka dambayso “Haddii aanu nahay Odayaasha beelaha galbeedka ee ay ka dhasheen saraakiishii lagu laayey deegaanka Qori-lugud, waxaanu u sheegaynaa xukuumadda wixii aanu ka sugeynay aanu ka qanci waynay (Xukunkii eedaysanayaashii dilka Qori-lugud)..” sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah odayaasha hadlay.
Aabaha mid ka mid ah labada sarkaal ee Qori-lugud lagu dilay ayaa isaguna sheegay “Anigu waxaan ahay saraakiisha ku dhimatay Qori-lugud mid ka mid ah aabihii, kuwii la soo qabtey ee dilka wadarta ah ku dilay Saraakiisha ee la soo xidhay xukunka ka soo baxay maaha wax aanu ku qanci karno, maaha xukun uu sameeyay garsoorka fadhiyey Maxkamaddu, laakiin waa xukun muska dabadiisa lagu gaadhay..”ayuu yidhi.
xigasho: somalilandtoday