Hargaysa(Hubaal):- Gaadhiga Khaaska U Ah Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) Oo Ah Mid Aan Loogu Talo Galin Inay Isticmaalaan Dadka Kale Ayaa Waxaa Maanta Mar Qudha Lagu Dhex Arkay Iyada Oo Lagu Dhex Wato Waddada Wadnaha Ee Magalada Hargaysa Xili Uu Madaxweynuhu Dalka Ka Maqan Yahay.
Gaadhigan Gaarka u Ah madaxweynaha Oo Marka kaliya Ee La Arkaa Ay Tahay Wakhtiyada Uu Madaxweynahu Saaran Yahay Ee Meel Uu Ku Tagaayo Ayaa Waxaa Uu Maanta Mar Qudhaata Gaadhigani Ka Soo Muuqday Wadooyinka Ay Isticmaalan Dadka Shacabka Ahi
Dadweynaha Caasimada Hargaysa Ayaa Waxaa Laf Dhuun Gashay Ku Noqotay Cida Gaadhiga Gaarka U Ah Madaxweynaha Suuqyada Magaalada Hargaysa Ku Dhex Wadata .
Waxaana Su,aalaha Ay Dad Weynahu Is Waydiinayeen Ka Mid Ahaa Madaxweynahu Waaka Dalka Ka Maqan Ee Cid Gaadhigisii Gaarka U Ahaa Isticmaalaysaa Waa Ayo . Arintan Ayaa Noqonaya Mid Xukuumada Somaliland Ku Ah Ceeb Iyo Fadeexada Baahsan .
Si Kastaba Ha Ahtee Arintan Ayaa Waxaa Ay Ku Soo Beegmeysaa Xilli Uu Madaxweynahu Uu Safar Ugu Maqan Yahay Magaalada London Oo Uu Kaga Qeyb Galay Shir Caalami Ah Oo Lagaga Hadlayey Arimaha Ganacsiga waxa sawiradan Qaaday shabakada hadhwanaagnews