Waa qormo taxane ah oo aynu ku qaadaa dhigi doono tabashadda Beelaha Samaroon u Gudbiyeen M/weyne Silaanyo iyo Doorka Siyaasiyiinta Reer Awdal kaga jira Goleyaasha Dawladda Somaliland qateen mid taban iyo Mid togan ba!!!!!!!!!!!!!!
Waxaa tan iyo intii Odayadda daqan ka ee Beelaha Samaroon (Gadabuursi) Madaxweynaha u gudbiyeen tabashooyinkii kala duwanaa ee ku saabsanaa Xuquuqda siyaasadeed iyo tan shaqaale ee wadanka oo laga dulmiyey isa soo tarayey dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay samaynayeen Wasiirkadda wasaaraddaha maqaarsaarka ah loo dhiibtayee jooga Hargeisa ay wadeen, taas oo ay ugu dan lahaayeen inay ku dhiciseeyaan dedaalka odayaashu ugu jiraan inay soo celiyaan xaqii dadka ay ka mas’uulka yihiin ka maqnaa.
Haddaba dhaqdhaqaaqyadani waxay ka bilaabmeen isla goobtii lagu garnaqsanayey ka dib markii ay Wasiiradan qaar ka mid ah oo aan goobta laga soo casuumin ay si lama filaan ah u soo xaadireen si ay u difaacaan M/weynaha oo ah kan isagu shaqada u dirsaday, Waxyaabihii aadka u yaabka badnaa ee ay raggaasi goobta la yimaadeen waxaa ka mid ahaa ereyga aadka u liita ee laga soo wariyey Wasiir-ka Wasaaradda Beeraha Mr. Faarax oo ahaa inuu goobta ka yidhi “ Tuuladda Xirsi ka soo jeedaaba male Isbataal iyo School ee maxaad ka cabanaysaan” isaga oo simay beelaha gadabuursi iyo jees ka mid ah beesha habar jeclo oo uu xidid la yahay, sidoo kalena barbardhigay tabashadii odayaasha ee ka hadlaysay dalka dhan Tuullo yar oo sodogii degen yahay, miyaanu se ogayn Wasiirku in dadka iyo dalku iska war hayo oo tuulladda (QORYAALE) uu sheegayaa iska daa Isbataal ee xataa Dugsi sare oo Boarding ah loo sameeyey, sidoo kale waxaa isna halkaas hadalo aad u liita ka jeediyey Was/xigeenka Qorshaynta Xasan Daahir oo isna ka mid ah ragga aan goobta laga casuumin ee Jujuubka ku soo galay.
Hadaba arimahaasi waxay bilaw u ahaayeen gulufka liita ee ay ku soo qaadeen kooxdan wasiiradda ka ah Wasaaraddaha maqaar saarka ahi Odayaasha dhaqanka ee karaamadda badan ee gudanaya waajibaadkoodii Umadeed ee ay umaddu u igmatay, waxaana bilawday guluf aan kala joogsi lahayn oo ay wadeen kooxdan biidhi qaateyaasha ahi waxana ay u dhacday sidan hoose.
Isla maalintii uu dhacay garnaqsigu waxaa odayaasha Casuumad Qaddo ah u sameeyey Wasirka Bosaha iyo Isgaadhsiinta Mohamed Abgaal ( Sakaaro), bal aan dib u yara noqdo ee waa kuma SAKAARO ama ABGAAL qofba sida uu u yaqaano, Abgaal waxa uu ka mid ahaa raggii sida aad ka ah u taageeri jiray bilawgii Xisbiga Kulmiye waqtigii uu 2003-dii tartanka kula Jiray Siilaanyo Daahir rayaale ee uu Daahir kaga guulaystay doorashadda , isaga oo ahaa ragga aadka uga soo horjeeday inay Gadabuursi ka noqdaan Soomaliland Madaxweyne taas oo ahayd arin waqtigaa aad ugu weynayd dhegaha bulshadda Gadabuursi oo si aan kala hadh lahayn u taageeray Daahir Rayaale, laakiin Abgaal iyo kooxyar oo la socotay oo danaysteyaal ah ayaa barigaa ka soo horjeestay damacaas in kasta oo ay ku guul daraysteen, ma doonayo inaan ku dheeraado Mr. Abgaal ee waxaan kaga hadli doonaa maqaal gaar ah isbadaladda foosha xun leh ee Mr. Abgaal, waxaan se soo qaadan doonaa hadal taariikhda u galay oo uu ku dhawaaqay bilawgii 2008- mar ay madaxda Xisbiga Kulmiye Mudaharaad aanay sharci u haysan ku samaynayeen Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale waxaana uu u dhignaa sidan “DAAHIROOW INTA AANAD ADIGA OO CAGAAGAN QUNUJEED NOOGU IMAN , HADDA AYAAD NABAD QABTAA EE ISAGA SOO BAX MEESHA ( MADAXTOOYADDA) ANAGA AYAA TOLKAA AH OO KAA NAXAYNA, MEESHAN MA GEYDIDE “ . hadalkaas oo uu ku taageerayey hadalkii uu Maxamed Kaahin yidhi ee ahaa DHEENGAD AYAANU KAGA SOO SAAR MADAXTOYADDA, inkasta oo uu waqtiyaddii dambe iska dhigi jiray nin u dooda Xuquuqda dadka uu ka soo jeeddo kaga maqan Somaliland hadana waxaa soo faqday shaqsiyadiisii dhabta ahayd markii uu noqday Wasiirka iyo hab dhaqanka uu la soo baxay ee biidhi qaate nimadda ah. Waxaan uga tagi doonaa qiimaynta Shakhsigan akhristayaasha.
Hadaba casuumadaas uu maalintaas sameeyey waxaa ku lifaaqnaa fadhi Qayilaadeed uu la qaatay Odayaasha kaas uu ku doonayay inuu ku qanciyo odayaasha inay iska noqdaan oo halkaas kaga hadhaan maadaama ay gudbiyeen, taas oo odayaasha ku noqotay hadal dhabar jab ah oo aanay ka filayn in mid ka mid ah raggii ay tuhmayeen inuu garab is taago ay kala kulmeen, nasiib wanaagse go’aankoodii ahaa inaanay jawaab la’aan noqon ayaa ay ku adkaysteen iyagoo u sheegay inaanay marnaba laaban doonin illaa ay jawaab ka helaan Odayga ay cabashadda u gudbiyeen .
Halkaas kuma ay joogin ee isla maalintii xigtay waxaa isna Casuumad qaddo ah u sameeyey Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Technology-ga Mr. Cali Xaamud oo isna ah shaqsi ku sifoobay isku dirka iyo Xumaan ka dhex abuurka Beelaha Samaroon sidoo kalena ah shaqsi si gaar ah ugu adeega Reer abtigii marka la barbardhigo reerka uu ka soo jeeddo oo aad moodo inuu Asal ahaan u neceb yahay, hadaba Cali sidii Saaxiibkiisii ka horeeyey ee Abgaal ayaa isaguna sidoo kale kula taliyey Odayaasha inay iska laabtaan laakiin dhirbaaxo adag ayaa uu kala kulmay, balse ninku Waa Cali Duul-Duul ee kuma joogin markii uu arkay mawqifka odayaasha halkaas ee waxa uu bilaabay inuu isku dayo inuu odayaasha dhexdooda ka abuuro fitno beelaysay, isaga oo isku dayay inuu Odayaasha beesha uu ka soo jeedo ee M/case gaar ula hadlo isaga oo ku andacoonayay in iyaga reer ahaan iyaga lagu xumaynayo maadaama ay Xilka M/xigeenka hayaan, dadkani la socdaana ayna Samaroon wax u doonayn ee ay Kursigooga M/xigeenka duulaan ku yihiin, laakiin go’aanka adag ee odayaashu waxa uu dhirbaxo ku noqday isku daygii Cali Duulduul waxaana loogu hanjabay in gacan loo qaadi doono haddii aanu sheekadaas foosha xun ka hadhin, waad arki kartaan sida liidata ee uu dhaqmay Mr. Cali isaga oo aan sidii saaxiibaddii ku qancin diidmadii odayaasha ee waxaabu isku dayay inuu dhexdooda fitno ka abuuro oo uu isku diro. Ku dheeraan mayo shaqsiyadda Cali Xaamud ee marar kale ayaynu ka hadli doonaa.
Hadaba odayashii ilaa xad ayay ka gungaadheen cabashadoodii inkasta oo aan wax laga qabanin haddana waxaa meel ayaa la saaray oo Guddi ayaa loo magaabay waana meel ay ka sii daba socon karaan, inkasta oo gudiga loo magacaabay aanay ahayn qaar wax ka qaban kara ama si cadaalad ah uga soo warbixin kara hawsha M/weynuhu u igmaday, laakiin waxaa la odhan karaa wali cabashadii Xero ayay ku jirtaa sidii hore loo yidhi “ XOOLAHAAGU AMA XEER HA KUUGU JIRAAN AMA XERO”.
La soco qaybta dambe ee taxanahan
lafaciise1984@gmail.com
Borama Somaliland