diyaaradan ayaa sobobtay in garoonka diyaaradaha ee muqdisho la xidho waxaana gurmad ufidiyay markii diyaaradu xumaatay shaqaalaha garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Muqdisho(Hubaal) diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo ka soo kacday magaalada Gaalkacayo una socotay Muqdisho ayay cilad xaga taayirka ahi kutimid markii ay istidhi garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka deg.
Diyaaradan ayay qaar kamida taayirada diyaaradu u shaqayn waayeen taasi oo sobotay in diyaaradu ka baxdo dariiqii ay ku deg lahayd.
Sidaasna waxaa VOA-da usheegay wasiirka wasaarada gaadiidka Somaliya Siiciid Jaamac Qoorsheel“dayuurad kuwa gudaha ah oo muqdisho ku soctay ayaa cilad kutimid dabadeena waxaa dhawaac ka soo gaadhay dhinaca taayirada, waxaana saarnaa rakaab dhan 35 iyo duuliya yayaashii kuwaas oo dhamaantood badbaaday”
diyaaradan ayaa sobobtay in garoonka diyaaradaha ee muqdisho la xidho waxaana gurmad ufidiyay markii diyaaradu xumaatay shaqaalaha garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu wasiirku intaasi raaciyay in diyaaradii bur burtay laakin cid wax ku noqotay aanay jirain ee shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku guulaysteen inay daad gureeyaan rakaabkii diyaarada saarnaa.