Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay Dareenkeeda Ku Wajahan Dilka Hogaamiyahii Ururka Al-shabaab

0
30

Hargaysa(Hubaal)Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in sida uu caalamku u arko dilka hoggaamiyaha Al-shabaab u arkaan, isla markaana la fikir yihiin beesha caalamka.

Wasiirka oo shirjaraa’id oo uu kaga hadlayo Diiwaangelinta madaniga ah oo la waydiiyey sida ay u arkaan dilka hogaamiyaha Al shabaab Axmed Godane ayaa si kooban u sheegay inay  soo dhoweynayaan dilkaasi.

Godane

“Sida uu caalamku u arko ayaanu u aragnaa… Adduunka ayaana kala siman-nahay, qof kasta oo daalim  ahna waanu soo dhoweynaa in la dilo,” ayuu si kooban u yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde.

Hoghaamiyihii Al-shabaab, Axmed Godane ayaa kasoo jeeda magaalada Hargeysa, isla markaana lagu xasuusto qaraxyo uu ka fuliyey magaaladda Hargeysa 2008 kii, waxaana maxkamada Hargeysa xukuntay isagoo maqan.

Dhanka kale, wasiirku  warfaafinta somaliland ayaa isna dhankiisa shaaciyay siday ay somaliland u aragto dilka Hogaamiyihii Ururka alshaabka oo lagu dilay Hawl-galay ay fulinayeen Diyaaradaha maraykanku ayaa waxa uu yidhi” “Halkan alshabaab majoogto,Waxa ay joogtaa somaliya,anaguna manihin Alshabaab,Waxaanada su’aashaas waydiin doontaa somaliya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here