Dhul intee le’eg ayaynnu u baahan nahay? – W/Q. Cabdirasaaq Ismaaciil Muxumed

0
56

Bari waxa jiri jiray beer-wade la odhanjiray ‘Mooge’ kuna noolaa tuulo la yidhaa Guryo-samo. Guryo-samo waxa uu ku lahaa beer qiyaas ahaan u dhiganta toban baloodh. Waxa beerta

cabdirisaaq ismaciiluga dhex dhisnaa guri aad u wayn. Waxaana degganaa reerkiisa oo ka koobnaa shan qof. Beertiisa ayuu falan jiray oo kala soo bixi jiray nolol maalmeedkiisa, xoolihiisana daaq buu uga heli jiray. midho iyo dalag fiicanna way uga soo go’i jeen.Xoolahiisu mar ba marka ka sii danbaysay way ka sii bateen. Nimco ayuu ku jiray.

Habeen habeennada ka mida oo dhulka waxa kaaga dhaca toos loo arkayo oo ay tahay caddo, ayuu koob shaah ah oo cadays ah intuu soo qaatay hor dhigtay gurigiisii. Wuxuu daawaday quruxda beertiisa iyo xoolahiisa, hadba dhinac buu eegay, waloo uu ku faraxsanaa wuxuu haysto hadana waxa la yaraaday dhulka uu haysto iyo wax yaalahuu ku hamiyayay ee ahaa beerta intaa laga sii wayneeyo iyo xoolahoo hela dhul ka sii badan inta loo ooday ee ay daaqaan. Si xoolo badana ugu dhaqdo, dalaq fiican oo uu ka macaashaana uga soo go’o. Habeenkii oo layl muu seexan, hal shay buuna ka fikirayay ‘Sidii uu dhul dhulkan ka wayn u heli lahaa’. Sidii buu waagii ugu baryay habeenkaas. Muddo ay ka soo wareegtay laba cisho oo aanu wali helinna meel ka wayn meeshiisan, sidiinna uu u fakaraayay, ayaa waxa soo maray nin safar ah oo la yidhaa ‘Sahan’ oo baahi iyo daal ka muuqday oo safar dheer kaga yimid dhul aad u fog. ‘Mooge’ wuu soo dhaweeyey, shaaahna wuu u shubay cuntana wuu siiyay.Way is waraysteen. ‘Sahan’ wuxuu uga sheekeeyey in uu ka yimid tuulo aad u fog oo la yidhaah ‘Sabo-wanaag’ oo uu ku soo badashay dhul boqol iyo sodon kun oo baloodha uu shan iyo labaatan neef oo adhiya ku soo badashay. ‘Mooge’ wuu yaabay, aadna wuu u jeclaystay sheekaddii waa ka la soo booday hadal dhaarin iyo su’aal iskugu jira ‘Ma walaahiba?, ma waxaa jira deegaan aan dhul intaa leeg ku iibsanayo shan iyo labatan neef oo adhiya?. ‘Mooge’ isagoon jawaabtii dhagaysan ayuu baxay oo fikiray ‘ Waa in aan tagaa dhulkan aadka u raqiiska ah oon beer wayn ka soo qabsadaa’ intuu ‘Mooge’ sidii wax ku naxay oo kale soo booday ayuu ‘Sahan’ waydiiyay tilmaamta ‘Sabo-wanaag’ iyo halka uu ugu hagaagayo dhul-beeraadkaa iyo cidda ka masuulka ah ee bixinaysa?. ‘Sahan’ ayaa siiyay ‘Mooge’ tilmaam fiican, una sheegay in dhulkaa la bixinayo uu ka masuul yahay ‘Suldaan Tukaale’ oo ah Suldaanka guud ee reer ‘Sabo-wanaag’.

Isla maalintii xigtay ‘Mooge’ wuxu tiriyey xayn yar oo adhiya oo uu lahaa, waxayna gaadheen shan iyo toban neef oo adhiya, tobankii ka dhinaana lacag yar oo uu hayay ayuu kaga daray. Aroortii danbe markii uu waaggii baryay ayuu beegsaday halkii ay kaxigtay ‘Sabo-wanaag’ waxa aanu kaxaystay shaqaalihiisii beerta uga shaqaynayay, adhigii bay dabada ka mareen oo kaxeeyeen. Waxay socdaanba waxay gaadheen ‘Sabo-wanaag’ maalintii todobaad galinkeedi danbe. Waxay uga sii gudbeen dhinicii dhul-beeraadka laga bixinayay, waxay halkaa ugu tageen odayaashii reer ‘Sabo-wanaag’ oo taandhooyin ka samaystay meel dhul-beeraadkii la bixinayay agteeda ah. ‘Mooge’ waxa uu la kulmay Suldaankii ‘ wuu salamay’ waanu gudoonsiyey xayntii adhiga ahayd. Suldaankii baa ka gudoomay, wuxuna u sheegay in uu ‘dhul-beereedkan dhulku doono ka qaadan karo’ wuxu u sii raaciyey ‘ha xishoon dhulkaad doontid ka qabso, waanu ku siinaynaa, adaa yeelan doona’.

‘Mooge’ wuxu la indho-darandaray dhulka waynidiisa iyo quruxda doogga ka baxay. Aadna wuxuu ula dhacsan yahay,dhulka la leeyahay intaad doontid ka qaado sidu u wayn yahay, una caro-san yahay, sida beerashada ugu fiican yahay iyo sida looga faa’idaysan karo waxna looga beeran karo. ’Mooge ’ayaa ugu jawaabay ‘waligay dhulsidan u quruxbadan oo u deegaan wanaagsan ma arag. Waxaan jeclaan lahaa in aan beer kasamaysto ina wada anfacda.

Tukaalana wuxuu ku jawaabay:

-ka qaado, inta alle iyo intaad doontid, waxaan haysanaa dhul naga badan. ’Mooge’ ayaa aad u amaanay reer Sabo-wanaag deeqsinimadooda, wuxuna waydiyey inta dhul ah ee qiyaas ahaan shan iyo labtanka neef ee adhigii u go’ynayan? ’Tukaale’ ayaa ugu jawaabay‘:

-ma garanayno qiyaasahaan ee waxanu ku xidhnaa wakhti, inta u dhaxaysa cad-ceedka soo baxa iyo cad-ceed dhaca intaad ku calaamadsatid adaa leh’. Mooge isagoo aad ugu khushuucsan war kuu Suldaanku u sheegayay,ayuu waydiiyay ‘ Sideen ku calaamadsanayaa dhulka intaan ka jeclaysto(rabo)?’. Suldaan ‘Tukaale’ ayaa ugu jawaabaya ‘:

waxa laguu dhiibi ‘majarafad’ oo aad qiyaas ahaan afarta gees ee ay ka koobnaan doonto beertaadu aad afar god oo yaryar oo isku began aad calaamad ahaan uga dhigan doontid’, wuxu u sii raaciyay waxa jire se hal shuruud ‘ Waa in aad ku soo laabataa intaayna qoraxdu dhicin bar-bilowga ga oo aanu kugu sugi doono’ haddii aad ka soo gaadhi waydana waad waayaysaa dhulka iyo adhigaagaba. ‘Mooge’ arinka aad buu ula dhacay, wuxuna isku diyaariyey in uu bari aroorta hore kaco, imikana iska seexad tago oo iska nasto. ‘Mooge’ habeenki oo dhan muu seexan, wuu soo jeeday, hurdo wuu ladi wayay. Habeenkii oo dhan wuu faraxsanaa, wuu kacaa, wuu fadhistaa, wuu yara jiif sadaa, maskaxdiisa waxa ka dhex guuxayay ‘dhulka bari uu qabsan doono intuu leegaan doono’. Wuxu naftiisa waydiiyay? Saw Suldaanku kumuu odhan ‘dhulkaad doontid qabso’ wuxu iskugu jawaabay ‘haa’ ‘markaa waa in aad qabsataa beer wayn oo wayn oo dalag iyo xoolo badan kala soo baxdid, xoolahana daaq badan uga soo saartid, beer aad guri wayn iyo dayr balaadhan aad ka dhex samaysatid’. Sidii isagoo u soo jeeda oo aan labo indhood isku keenin ayay ku dhawaatay waa-bari, iyadoon waaggii si fiican u baryin oo dhulku hiimsa hiimso yahay, ayuu u kicitimay dhinacii dhul-beereedka laga bixinayay, nasiib wanaaag wuxu meeshii ugu tagay Suldaan ‘Tukaaale’ iyo odayaashii hawsha la waday. Waa ka ‘Tukaale’ intuu ‘Mooge’ ku soo dhaqaaqay oo uu garabka qabtay ayuu ‘farta ugu fiigay’ dhul aad iyo aad u wayn oo meel u ku dhamaado ishu qabanayn, oo barwaaqa ah ayuu Suldaankii ku yidhi ‘intaad doontid ka qaado, adigaa iska lahaanaya’. ‘Mooge’ waxa miyirkiisii qaaday dhulka farta loogu fiiqayee la leeyahay intaad doonto ka qaado, siduu u quruxsan yahay, una caro-san yahay, siduu ugu wacan yahay beerashada. ‘Tukaale’ ayaa intuu qori la moodo in sidii qalin beensalka loo qoray soo qaaday ayuu dhulka ka taagay oo ‘Mooge’ ku yidhi “halkan ka bilaaabo beertaada oo intaad doontid ku soo calaamadso laakinse intayna cadceedu godka galin ku soo laabo bartan aan qoriga kaaga taagay”. ‘Tukaale’ wuxu ku sii cel-celiyay hadal dhiiri-galin ah “ dhulka intaad doontid ka soo calaamadso, adaa iska lahaanaye.

‘Mooge’ majarafaddii ayuu qaatay.Wayso yar iyo falaas iyo sabaayad yar oo uu u waday shaqaalihiisu ayuu ka qaatay. Markii uu is diyaariyay ayuu u jeedsaday dhinaca cadceed ka soo baxa, wuxuna sugay cadceedu intay faladha ugu horayso la soo baxayso. Markay qoraxdu falaadhaheedi ugu horaysay la soo baxday ayuubilaabay socod. Jiho toosa ayuu abbaar ahaan beegsaday. Intii loo jeeday oo dhan aad buu u dheeraynayay isagoo hoostana ka eegayay raggii dhulka siiyay oo ka xishoonaaya in uu cararo, markuu arkay in ayna arkayn, ayuu aad u gucleeyay. Wuxuu marna talaaba dheereeyo marna gucleeyaba, wuxuu kolba intaas eegayay cad-ceedda, maalintaasi way uga duwanaayd maalmahii kale. wakhtigu wuu la cararayaa. Xalay muu cashaayn siduu u fikiraayay, saakana muu quraacan. Miyuu rabaaba cunto, abateedkiibaba ka xidhmaye. Waxa cusleeyay koodh iyo buudh uu xidhnaa oo uu iskaga ilaalinayay qori jabka iyo qodaxda. Intuu koodhkii iska saaray ayuu dhexda ku xidhay, kabahiina intuu xadh-kahii kabaha iskugu xidhay ayuu luqunta sudhay. Maba dhibsanayo kabaha boodhkooda iyo siifadda dhididka ka soo uraaya. Wuxuu dib u soo eegay meeshii qoriga loogu taagay ee calaamadda u ahaayd mise dadkiiba dirqi ayuu ku arkaa, iyagoo aanu kala saarayn keeba hebel iyo hebel ah. Wuxuu arkaa uun hummaagooga. Mooge waxa uu garawsaday in uu aad uga soo fogaaday bartii balantu ahayd. Wuu istaagay gudna ka goday bartii uu laabka labaad ka samayn lahaa. Qiyaas ahaan beertuu doonayo in uu qabsado wuxu u qorshaystay in ay noqoto afar-geesood afarteeda dhinaci is-leeg yihiin. ‘Mooge’ wuxu sameeyey laabkiisii labaad halkii buuna ka bilaabay socodkiisii, qoraxdu way sii kululaanaysay. Dhulku waa wada doog aad u dhaadheer iyo godad yar-yar oo roob dhowr cisho ka hor da’ay uu biyo dhigay. Kolba intuu dhinac eego ayuu yidhi:

-Alla meeshani ku wanaagsanayde qof ku beerta canabka. Inta loo beero si layn layn ah.

Waxa iskugu darsamay gaajo, daal iyo taag-yari. Wuxuu eegay qoraxda misna waaba duhur. Meel buu yara fadhiistay, falaastiisii shaahu ugu jiray ayuu daboolkii sare ee koobka oo kale ahaa intuu ku shubtay shaahii ayu ku cunay sabaayad. Markuu wax yar ka cunay ee gaajadii ka yara jabtay balse aanu yara dharginna ayuu markiiba degdeg uga kacay. Biyo yar oo uu sitay ayuu sara joogga ku cabay. Intii yaraayd buuba ka helay tamar. Intaas wuxuu ku cel-celinayay (Nin cad-ceed la baratamaya, fadhi ma macaansadee, wuu gucleeyaa) socodkiisii ayuu dib u bilaabay. Marba marka ka sii danbaysay ayaa qoraxdu ka sii kululaanaysay. Kulaaylka uu dareemaayay, waxaay ka dhignayd oo kale sidii oo madaxiisa ay qoraxdii falaadhaheedii oo dhan ay iskugu dulkeentay. Intaas waxaa u dheeraa lulo, ileen waa qof xalay oo layl la seexan waayay farxad iyo hamiye, balse waxaas oo dhan, uma joojin. Wuxuu naftiisa ku dhiiri galinayay maalin baa jiri aad nasan doontid oo daalkaad daalayso maanta ay ka danbayn barwaaqo.

Laabkiisii labaad ayuu wali sii watay, wuxu socdaba waxa la gaadhay xiligii uu qiyaas ahaan uu laabkii seddexaad uu samayn lahaa. Nasiib-xumo intuuna laabkii seddexaad samayn ayuu lugta la galay god yar oo meesha uuna ka filanayn. Qori-jab ayaa boqonta ka galaay, intuu fadhiistay buu iska soo jiiday, markuu iska soo saaray, ayuu cabaar sii yara fadhiyay intuu dhiiggu ka istaagaayay, nabarkuna afeefta daynaayay, hadana halkii buu ka bilaabay socodkii.

Qoraxdoo aad u kululayd darteed ayaa waxay samaysay humaag iyo kul qariyay dadkii ku sugayay bartii balantu ahayd. Wuxu is yidhi waad soo fogaatay aarmuu wakhtigu kaa dhacaa“Maya” ayuu iskugu jawaabay “ wali wakhti baad haysataa ee sii yara soco si beer wayn aad u heshid”. Nabarkii uu qori-jabku ka galayna wuu damqanayay. Waxaase uu ku ilaabay hammigiisii iyo wuxuu hiigsanaayay. Wuxu socdaba si lama filaana ayuu u eegay qoraxda mise waa galin danbe waxa uu qiyaasay inta uu ku laaban karo bartii balantu ahayd iyo inta uga hadhay in ay qoraxdu ku dhacdo. Waxa u soo baxday in uu wakhtigu ku yar yahay oo intuu soo socday in ka yari ay u hadhsan tahay. Wuxuu uu xasuustay hadalkii ‘Suldaanka’ “Haddii inta ayna qoraxdu dhicin ku soo laaban waydo waad waayaysaa dhulka iyo xoolahaba”.

Waa ka god ka qoday bartuu taagnaa iskuna beegaybartii balantu ahayd oo abaaray, qoraxduu eegay mise wuxu ka yaabay siday qodkeeda ugu sii cararayso, waa ka isaguna sii xoojiyay socodkii, guclana bilaabay. Wuu is canaantay isagoo guclo-orodkiisii sii wata “Maad dhul kugu filan qabsatid iimaan la’aan ayaa ku qaadee”, “Orod yaanad tacab khasaarine”. Waa ka orod bilaabay, ee orday, wuxuu mar qudha dareemay gaajo, daal iyo tamar yari. Qaraac aad u xanuun badan awgeedna wuu ka socon kari laayahay lugtii.In uu nasto wuu rabaa balse ( Qoraxi ninna ma sugtao) cad-caaddu godka gali ogaa marka loo baahan yahay, waxan oo daala iyo xanuuna waxaa kaga daran war-warka ka haya in uu ka gaadhi waayo iyo in xoolahiisii ka khasaaraan, dhulkuu isa siiyay ee uu durtaba maskaxdiisa ka sii qorshaaystay wuxuu ku beeran lahaana in uu waayo ma rabo.

Ma ordi karo se wuu is khasbayaa, orodkiisii buu sii watay, canaantii ma joojin “Imaan li’i ayaa ku qaaday”, “Haddii beer kugu filan xeeran lahayd sidan umaad rafaadeen”, “Bal ka waran haddii aad ka gaadhsiin waydo”. Wali ma dhawa meeshii cadceeddiina in ay dhacdo in yarbay u jirtaa. Intaas‘Mooge’ wuu ordayaa, aadbuu u taag dareeyay. Wuxuu iska tuuray kabahii, koodhkii, waysadii iyo falaastii shaaha ahaaydba. Wuxuu reebtay oo kaliya majarafaddii. Dhididka ka baxay wuxuu qooyay garan kiisii iyo shaadhkiisiiba. Waxaa la moodaa in roob ku da’ay ama dhar biyo la galiyay oon la maroojin. Intay ku dhageen oo shaadhkii laga dhex arko garankii, ayaa wadnahiisiina u garaacayay si xad dhaafa. Wuuna xiiqsan yahay. Lugahiisii waxaay noqdeen sidii marka lugaha kabuubyo gasho oo kale, taas oon meel kooban aan ahayn uun balse labada lugood oo dhanba ah. Wax walo kale oo culaaysiyayba tuurye, waxaa kaga dartay taa lugahiisii oo uu qaadi kari waayay. Intaa wuu is-adkaynayay oo is khasbayay. Wuxu u soo dhawaaday bartii balantu ahayd wuxuuna arkay dadkii meesha ku sugayay oo u gacan haadinaya oo “Soo ordaa haya”. Cad-ceediina in ay dhacdo in yarbaa ka hadhay, wuxuu maqlay‘Tukaale’ codkiisii. “Waar soo dhakhso in yarbaa kuu hadhay”. Waxa u muuqday bartii qoriga looga taagay. Cad-ceediina badhbay godka la gashay, waa ka wixii awood ahayd ee ku jirtay isku geeyey ee orodkii sii kordhiyey, lugihiina dhulka ku adkeeyey si uuna u dhicin. Isagoo in yar u jira ayay qoraxdii godka gashay. Intay ilmo ku soo istaagtay, ayuu is yidhi, ”Ma wixii oo rafaadda iyo silica eed soo martay”, “bal maad dhul kugu filan qabsatid” ayuu ku calaacalay. Intuu istaagay ayuu aayar talaabeeyay.‘Suldaankii’ ayaa ku qayliyay “Waar wali may dhicine soo carar” “Daruur yarbaa qarisaye”. Intuu is kala garan waayay ayuu farxay, carar buu is yidhi, mase carari karaba,isagoo far qaadi kari la’a oo is jiidaaya, ayuu intuu is tuuray ayuu qorigii gacanta la gaadhay. Sidaadu ula gaadhay gacanta, ayaa cadceediina godka gashay. Dhulkuu dhibta badan u soo maray ku guulaysay.

‘Tukaale’ ayaa u hanbalyeeyay. Waad ku guulaysatay in aad ka soo gaadho. Waxa isna ku soo cararay ninkii u shaqaaynayay oo isna leh u hanbalye, ayaa intuu ’Mooge’ dul tagay is yidhi kici. Waxaanu ku yidhi:

-Kac Moogoow. Waad ku guulaysataye. Sidaadu gacanta u soo qabtay ee uu is yidhi caawi oo kicina, wuxuu arkay afkii oo dhiigaaya, mise waaba mayd. U qaadan waaba ku dhacay ninkii shaqaalaha iyo ’Tukaalaba. Halkii uu ku dhacay agteedii ayaa ninkii shaqaalaha ahaa iyo raggii kalee goobta joogay ay uga qodeen xabaal. Habeenkii oo dhan waxaay qodaanba maydkii waxaay aaseen subaxnimadii kale. Wuxuu u baahnaana waa intaas lagaga aasaayay uun.

Dhammaad.

Cabdirasaaq Ismaaciil Muxumed

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here