Afeef:
Waxaan dhammaan uga sii afeefanayaa akhristayaasha sharafta leh in aanu wali buugga uu qorey Cabdi Siciid ee ku xusan cinwaanka ah Xadka
Riddada Maxaa ka Run ah? uuna gacanteyda soo galin dhamaan qoraalkeygani gaar ahaan inta aan ka soo xigtey Cabdi Siciid waa maqaalaad aan ka akhriyey website-ka ama aan kala degay (wardheernews), sida uu qoraaga naftiisu emailo aan is dhaafsanay bishan Oktoobar 6dii 2014 aan is dhafsanayn iigu sheegey in uu buuga muhimadiisu tahay maqaalaadkaas aan soo xiganayo oo uu dhawr qodob oo kale ku darey.
Hordhac:
Waxaa dhawaan Soo baxey buug loogu Magac darey Xadka Ridada Maxaa ka Run ah? kaasi oo uu qorey aqoon yahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Siciid Cabdi Ismaaciil, buugaas waxa uu saaxada Soomaalida ka abuurey dooda awran oo qaarkood aad u culus yihiin Kuwaas oo dadka inba gees ula dhaqaaqdey.
ugu horeyn qalinleyda Soomaaliyeed iyo inta aqoonta is bidaysaba waxaan uga cudur daaranayaa in aanu wali buugaasi I soo gaadhin waxan akhriyey 63 bog oo website-ka (Wardheerenews.net) uu baahiyey malahaygana waxaan is leeyahay hadii aanu Sheekh Umal aad kitaabkaas ii jecleysiin malaha maba akhriyeen laakiin waa igu jeediyey taasina waxa ay keentey in aan muuqalo kala duwan oo sheekhaas iyo qoraagaba daawado oo aan isku nabo qaarkood si waxa iiga baxaya aan meel uga wada dhigo.
Nuxurka Hadalka:
Waxaan u hiloobey oo aan aad uga helay in aan halkan akhyaarta aqoonta leh ugu soo gudbiyo is bar bar dhig ku saabsan buugaas Cabdi siciid, iyo qoraal kale oo aan is idhi qiimo ayuu leeyahay oo uu qorey Caalimka weyn ee Islaamka Dr Yuusuf AlQaradawi Buugiisa la yidhaahdo (ملامح المجتمع المسلم الذي ننشده)gaar ahaan qaybta uu kaga hadlayo “ Bulshada Muslimka ah iyo ka hortagida Gaalowga ama Murtadnimada” waxaanan ku ladhi hadalo aan ka soo guuriyey muuqaalada aan Sheekh Umal ka daawadey.
Qoraa Cabdi Siciid waxa uu qaybta hore ee maqaalaadkaas aan arkey ee aan isha mariyey aad ugu nuux nuux sanayaa in uu akhristaha ka dhaadhiciyo Xumaha ay leedahay is gaalaysiinta iyo taariikhdeeda[1] , waxaanu aad u soo qaatey dhacdooyin taariikheed iyo daliilo kale oo Aayadaha Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nabiga SCW.
Waxaa kale oo qoraagu aad ugu taag taagsadey xoriyada diinta iyo aragtida Islaamka taasi oo uu si aad oo qeexan u soo bandhigey wixii uu markaas daliil uu heli karaayeyna waa uu ku darey qoraalkiisa waxaanan filayaa in aanay laba qof oo si fiican u akhriyey Islaamka iyo xoriyada qofka aanay arintaas isku diideyn[2].
Arinta Murtadka iyo dilkiisa waxa uu Cabdi siciid ku sheegey qoraakiisa sidan waxaanan halkan soo dhigayaa sida uu Quraanka u daliishadey iyo qaar ka mid ah Axaadiista nabiga aniga oo aan waxba ku darsan waxaanu yidhi Cabdi.
“Dilka murtadku waa arrin culus, waayo waa dhiig dad oo la daadinayo, shakina kuma jiro in haddii xukunkaani uu Alle xaggiisa ka iman lahaa in lagu xusi lahaa quraanka kariimka ah.
Marar badan ayaa quraanka kariimku ka hadlay riddadada, mar qurana ma sheegin ciqaab cidda riddowda -oo islaamka ka baxda- ay adduunyada ku mutaysanayso.
Quraankuna wuxuu isku si u adeegsaday erayga “riddo” iyo weedha “in la gaaloobo rumayn kaddib iyo in la gaaloobo muslimnimo ka dib”.
Quraanka kariimku isaga oo ka hadlaya riddada, si qayaxanna u adeegsanaya erayga riddo [= celin ama noqosho] wuxuu yiri:
1- “Waxay jecel-yihiin in badan oo ehlu kitaabka ahi inay idiin celiyaan iimaankiinna ka dib gaalo, xasad naftooda ka yimid dartiis, intuu xaqu u caddaaday ka dib, ee iska cafiya iskana saamaxa inta Eebbe ka keeni amarkiisa, Eebbana wax walba waa awoodaa.” [Al-Baqarah: 109].
2- “Iskama daynayaan [=gaaladu] inay idinla dagaallamaan jeer ay idinka celiyaan diintiinna haddii ay awoodaan, ruuxii idinka mid ah ee ka riddooba diintiisa oo dhinta isaga oo gaal ahi, kuwaas waxaa buray camalkoodii adduun iyo aakhiraba, kuwaasina waa naarta ehelkeeda, waxayna ku waari dhexdeeda.”[Al-Baqarah: 217].
3- “Kuwa xaqa rumeeyow haddaad addeecdaan koox ka mid ah kuwa kitaabka la siiyey, iimaankiinna ka dib ayay idiin celinayaan gaalnimo” [Aali-Cimraan: 100].
4- “Kuwa xaqa rumeeyow haddaad addeecdaan kuwa gaaloobay waxay idiin celinayaan ciribtiinna, markaasaad noqonaysaan idinkoo khasaaray” [Aali-Cimraan: 149]”.[3]
Aayaadkan iyo kuwo kale oo badan ayuu taxey qoraagu isaga oo u daliishanaya in aan falkaas ay galeen ciqaab aduun lagu sameyneyn dadkaas ee inta badan ay tahay xisaabtoodu mid Ilaahay u taala Aayaadkaas Quraanka Xakiimka ahina waxa ay iskugu jiraan kuwo Madani ah iyo kuwo Maki ah intaba.
Sidaas si la mid ah qoraagu waxa uu daliishadey tixraaca labaad ee Islaamka oo ah Axaadiista Nabeega Suuban (SCW) kuwaas oo iyagana sida Aayadkan uu u cusdakey in anaay is gaaleysiin iyo diin ka saaird midna dhib yareyn, waana kuwan sida uu qoraagu u daliishadey qaarkood.
“Waxa ugu xoog badan ee ay daliishadaan taageerayaasha xadka riddadu waa labo xadiis oo nebiga (SCW) laga wariyo, waxayna kala yihiin:
Kow: Xadiiska koowaad waa xadiiska mararka qaarkood loogu yeero: “Waxyaabaha dilka waajibiya”, wuxuuna sheegayaa saddex qolo oo ay tahay in la dilo, waxayna kala yihiin: “ Naf naf loo dilo, ruuxa guursaday ee sinaysta iyo ruuxa diinta ka noqda ee jameecadana ka baxa”.
B- Naf naf loo dilo = [Qisaas]: xadiisku wuxuu sheegayaa in qofkii qof dila loo dilo, naftana uma kala soocin gaal iyo Muslim, lab iyo dheddig, xor iyo addoon, caddaan iyo madow, ee wuxuu si cad u sheegay in naftii naf kale disha looga qisaaso. Xadiiskuna qodobkaan wuxuu ku waafaqsan yahay aayadaha quraanka iyo axaadiis kale oo badan. Tusaale ahaan, quraanku wuxuu si qeexan u leeyahay: “Nafta [waxaa loo qisaasi] naf, ishana il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, nabaradana waa la isu qisaasi, …” [Al-Maa’idah: 45). Sidoo kale quraanku wuxuu muslimiinta u sheegay in qisaasku nolol u yahay, mana sheegin dad dhiiggoodu kala qiimo badan yahay.
Mowqifka quraankuna waa mid ka duulaya qiimaha nafta bani’aadamku leedahay, iyo in dadku ka siman yihiin karaamada dadnimo. Waxaana la wariyey in nebiga (SCW) loo sheegay in nin muslim ahi uu dilay nin dimmi ah [gaal muslimiinta kula nool dhulka islaamka], nebiguna wuxuu yiri: “ Ruux ballantiisa oofiya anaa ugu mudan”, wuxuuna amar ku bixiyey in la dilo gacan ku dhiiglihii muslimka ahaa 29 .
Faqihii maalikiga ahaa ee Ibnu Rushdi AL-Qurdhubi-na buuggiisaa “Bidaayat al-Mujtahid” wuxuu ku yiri: muslimiintu waxay isku raaceen in muslimka gacanta laga gooynayo hadduu xado hanti uu leeyahay qof dimmi ahi. Taa awgeedna, haddii xurmada maalkiisu la mid tahay xurmada maalka muslimka, xurmada dhiiggiisuna waxay la mid noqonaysaa xurmada dhiigga muslimka 30 . Run ahaantiina, in qofkii qof dila looga qisaasaa, ma aha wax la oran karo waxaa leh diin hebel iyo deegaan hebel, balse waxaa la oran karaa qisaasku wuxuu ka mid yahay arrimaha lagu ogaan karo caqliga saliimka ah, wuxuuna ka mid noqonayaa waxa loo yaqaan “Qaanuunka Dabiiciga ah/ Natural Law”, ee aan loo baahnayn in loogu abtiriyo diin, dad iyo deegaan go’an midkoodna.”[4].
Sida uu qoraagu ku doodayo waxaa jirta in hadii qof qof dilo sida ay daliilo badan cadeynayaan loo dilayo isna hadii aanu jirin heshiis kale oo laga gaadhey ama aan la cafin danbiilaha, taasian marka aan ka dhinbiil qaadano Naf ayuun bay cabireen daliiladu ee uma kala saarayaan rag iyo dumar taasina waa qaanuun Ilaahi ah oo cadaalad ah mid kale daliiladaasi ma sheegayaan diinta ay naftaasi haystey iyo Muslinimadeeda iyo gaalnimadeeda toona.
Waxaa kale oo qoraalka Cabdi Siciid aad looga dhadhansanayaa xoriyada diinta caqiidada iyo rumeynta oo aad ugu tiiq tiiqsanayo in Islaamku siiyey qofka xoriyad oo isaga oo aan la khasbeyn uu qaato mabda’a uu doono, taasina waxa uu keenay markhaatiyo badan oo quraanka kariimka ah ama Axaadiis ah ama dhacdooyin Taariikheed ah kuwaas oo dhamaan muujinaya in aan qofna lagu khsabi karin wax aanu dooneyn qof u baahda in uu dib e eego qoraalka qoraaga dib ha ugu noqto qaybta uu arintaas kaga hadlayo[5].
Dr. Qardaawi iyo Xukumka Riddada sida uu uga Hadlay:
Dr. Yuusuf Al Al-Qardawi waa caalim ay maanta bulshada Muslimiinta isku raacsan yihiin aqoontiisa iyo kartidiisaba waxaanu leeyahay kutub fara badan oo dhinacyo kala duwan oo Islaamka ah ka hadleysa, hadana waxen rabey in aan ka soo qaato kitaabkiisa (Malaamix Al-mujtamac Muslim Alathi Nanshuduhu), kaasi cutub ka mid ah oo la yidhaahdo: (Bulshada Muslimka ah iyo ka Hortagista Murtadnimada) waxaanu ku yaala cutubkaasi bogaga kitaabkaas ee ka bilaabma 33- 55, cidii faahfahin dheeri ah ugu baahta halkaas ayey u noqoneysaa.
Waxaanu Dr. Al-Qardawi ku bilaabay sheekadiisa waxa ugu daran ee bulshada Muslimka ah maanta hor taagan gaalowga ama diinta oo laga noqdo mulinimo dabadeed taasi oo jiritaanka Ummada iyo iimaankeedaba dhib weyn ku ah.
Aayadaha iyo Axaadiista uu daliishanayo ka sakow waxa uu soo qaatey dhacdooyin taariikh ah oo ay ka mid tahay carabtii diinta ka noqotey ee Abuu Bakar (RC) la dagaalamey ee raacey Nabiyadii been abuur ahaa sida Muleylma, Dulayxa, Sajaax Al-cansi kuwaas oo dagaal ba’an la galey muslimiinta xukunkii Abuu Bakar bilowgiisiiba.
waxaa kale oo Sheekhu Al Qardawi sheegey in culimada Muslimiintu isku raaceen dilka qofka diinta ka noqda, ha yeeshee waxa uu soo guurinyaa odhaahyo iyo qoraalo kala duwan oo aad dareemayso culimada Muslimiinta laftoodu in ay kala duwan yihiin waxaanu sheegey oo uu yidhi: “ inkasta oo ay aqlabiyada Culumada muslimiintu qabaan in la dilo qofka badala diintiisa hadana waxaa Cumar bin Khadaab(RC) laga wariyey taasi oo ay soo tabiyeen Cabdulrasaaq, Bayhaqi, Ibnu Xasam iyo kuwo kale in Tustar= waa magaalo Faasir ku taala= looga yimid Cumar markaas ayuu waydiiyey lixdii nin ee reer Bakr binu Waa’il maxay sameeyeen ee ka baxey diinta ee gaalada u tagey? Amiir Al-mu’muniinow qoladii gaalada u tagtey oo islaamkiina ka baxdey waa la laayey, Cumar ayaa yidhi: Inaa Lilaahi Inaa Ilaahi Raajucuun! Anas binu Maalik oo goobta joogey ayaa yidhi: ma sidaa wax aan ahayn ayey lahaayeen haa buu yidhi Cumar Islaamka ayaan u bandhii lahaa hadii ay diidana waan xidhi lahaa ilaa inta aan tawbadooda rajeynayana sidaas ayey ahaan lahaayeen, Sidaas waxaa qaba culimo ay ka mid yihiin Al Nakhaci iyo Al thawri , sidan ayaan qaadanaynaa ayuuna yidhi Dr. Al Qardawi.[6]
Waxaa uu Dr. Qardawi Meel kale ku sheegey in macnaha hadalkaas Imaam Cumar binu Khadaab yeelan karo macyaal ay ka mid yihiin:
In Cumar qabey sideedaba lama dilayo qofka murtadka ah marnaba.
In ay tahay arintu go’aan fulineed oo ka mid ah siyaasada sharciga ah oo markaas Rasuulku (SCW) wuxuu ahaa madaxweyne ama hogaamiye ummad waxaana ay noqoneysaa marba sida uu maslaxada u arko hogaamiyuhu[7].
Waxaa kale oo uu Dr.Qardaawi leeyahay qofka Murtadka ah ee aan ku baaqeyn gaalnimo ama ku ugu yeedhayn dadka kale lama dilayo arintiisana waxaa loo dhaafayaa isaga iyo Ilaahiisa, waxaana suurgal ah buu yidhi in ganaax ku haboon lagu xukumo,[8]
Waxaanu daliishadey Aayada Quraanka kariimka ah ee ku jirta suurada taasi oo odhanaysa: “Qofkii ka noqda diinta ee dhinta isaga oo gaal ah waxa uu ka mid yahay kuwa shaqadoodu baaba’dey aakhiro iyo aduunyadaba waana dadka naarta ku waaraya” [9]
Waxaa la ciqaabayaa oo la dilaa ayuu leeyahay Sheekh Qardaawi ninka gaalnimadiisa ku baaqaya ee dadka ugu yeedhaya, maxaa yeelay waa in la ilaaliyaa jiritaanka ummada ayuu leeyahay mana jirto bulsho aduunka ah oo yeelaysa qof ku baaqaya wax ka soo horjeeda mabaadi’deeda iyo jiritaankeeda waxaanay u yaqaanan dabbiyada qaarkood Khaa’inul wadan ama Khiyaano Qaran cid kastaan taasi qaanuun ama xeer ayey ka leedahay oo muwaadin dalkiisa cadow ama cid kale u basaasaya waxaa lagu qaadi dambi weyn taasi ayuun bay u dhigmi kartaa ciqaabta Murtadka ku baaqaya xumaantiisa [10]
Maxey Ku kala Duwan yihiin Dr. Qardaawi Iyo Cabdi Siciid Marka Laga Eego Arintan?
Marka aad arintan Murtadka ka fiirso sida uu Cabdi Siciid uga hadley ama u soo bandhigey iyo sida Dr. Qardaawi u falanqeeyey waxaa u dhaxeeya labadooda amuuro dhawr ah oo ay ku kala duwan yihiin kuwaas oo ah sida mid kasta oo labadooda ka mid ah u fiiriyey arinta murtadka ama uu daliilada u fasirey, waxaanan is leeyahay waxaa u dhaxeeya labdood:
Cabdi siciid waxa uu aad u raadiyey in aan si sahal ah ama in aan la dileyn cida diinta ka baxda, halka uu Dr. Qardaawi meel adag iska taagey mararka qaar, Waxaanu Mudane Cabdi Siciid geed dheer iyo mid gaababa u fuuley in uu inaga dhaadhiciyo in arintaas ciqaabteeda Ilaahay loo dhaafo.
Waxa ay iskaga mid ka yihiin in aaney dhayal iyo si fudud qofka in la gaaleysiiyo aanay suura gal ahayn oo ay tahay arin halis ah oo mustaqbalka qofkaas taabanaysa.
Waxaa kala duwan labada xili ee la kala qorey cabdi siciid waxaad moodaa in uu aad ula fal galayo marxalad ay is gaaleysiinto meel ba’an gaadhey, Dr. Qardaawina waxa uu arintan waxa ka qorey dabayaaqadii sideetameeyadii markaas oo aaney fikradahan khatarta ahi aad u faafsaneyn, markaa deegaankuna qayb ayuu ku leeyahay fikradaha kala duwan.
Mid kasta oo labadooda ka mid ah waxa uu cuskadey daliilo Quraanka kariimka ah ama Sunada Nabiga (NIKH) iyo dhacdooyin taariikh ah, waxaase marar badan kala duwan sida ay u kala fasireen.
Marka ay ka hadlayaan qof in la gaaleysiin karo iyo in kale waxa uu u dhawaanayaa Cabdi Siciid in uu yidhaahdo lamaba gaalysiin karo. Dr. Qardaawina waxa uu u yeelayaa shuruudo cida arintaas ka hadli karta sida Culimo diinta ruug cadaa ku ah oo aqoontooda iyo kartidooda looga danbeeyo iyo garsoor cadaalad Islaam ku dhisan waana laba arimood oo ay maanta ku adag tahay in bulshada Soomaalida laga dhax helo.
Waxaa kale oo la heli karaa waxyaabo badan oo u dhaxeeya labada qoraal oo ay ku kala duwan yihiin cidii si hufan u fiirisa.
Dilka Murtadka Ma Soo Gali Karaa Arin Siyaasadeed Mise Waa Garsoor Kaliya?
Waa su’aal la isweydiin karo oo hadii ay dhacdo arintani ama qof lagu soo oogo in uu galey danbi ah in uu gaaloobey marka ma arin ay madaxada dawlada ugu sareysaa soo fara galin kartaa gaar ahaan madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha oo kale mise waa arin loo dhaafayo garsoorka kaligii oo aaney cid kale shaqo ku lahayn?
marka aad eegto daliilo fara badan sida kii Cumar Binu Khadaab ee aan soo marey ee uu ka hadlaayey Lixdii nin ee reer bani Bakar binu Waa’il ee gaaloobey iyo maalintii Nabigu (SCW) Makkah furanaayey waxaa kuu soo baxaaya in go’aan siyaasadeed laga qaadan karo, bal waxaad ila fiirisaan arintan uu Nabigeenu (SCW) sameeyey maalin kaas.
Maalintii Makkah la furanaayey waxa uu Nabigu(SCW) baneeyey dhiiga sagaal rag ah iyo lix haween ah ama sideed rag ah iyo afar dumar ah kuwaas oo uu sheegey hadii la arko iyaga oo Kacbada tiirkeeda haysta in la dilo, waxaa ka mid ahaa dadkaas sida kutub badan oo siirada Nabiga(SCW) ay soo tabineyso.
1. Cabdul Cuza binu Khandal
2. C/laahi binu Abii Sarax
3. Cikrama binu Abii Jahal
4. Xaarith binu Noofal
5. Muqiis binu Sabaabah
6. Hubeer binu Al Aswad
7. Xaarith binu Dalaal
8. Kacab binu Suheyr
9. Waxshi binu Xarbi
Dumarka dilka maalinkaas ku xukunkaana waxaa ka mid ahaa
1. Hinda bintu Cutba Xaaskii Abu Sufyaan
2. Laba Gabdhood oo u heesi jirey Cabdul Cuza binu Khandal
3. iyo haweeney lagu sheegey magaceeda Saara.
Sida ay taariikhda ama siirada nabigeenu cadeynayso waxaa dadkaas laga diley kaliya afar qof oo qudha intii kale waa la saamxay nabigeenu (SCW) dad la diley waxaa ka mid ahaa Cabdul Cuzaa ibinu Khandal, Muqiis, Labadii gabdhood midood tii kale waa loo ergeeyey waana la saamaxey iyo Xaarith binu Dalaal, dhamaan intii kale waa la cafiyey siyaabo kale duwan ayuuna Nabigu(SCW) ku cafiyey dadka qaarkood qaraabooda ayaa u ergeysey qaarna isagaaba iska dhaafey[11] waliba ninka Cabdulaahi binu Abii Sarax la dhaho waa gaaloobey oo kolka hore waxa uu ka mid ahaa dadkii qori jirey waxyiga waxaanu marar badan daba rogey wixii uu Nabigu (SCW) u yeedhiyey, waxaana u ergeeyey maalinkaas Cusmaan binu Cafaan (RC) oo ay qaraabo ahaayeen waana la cafiyey.
Waxaa kuu soo baxeysa in go’aamada siyaasadeed ee dawalada iyo sida ay maslaxada u aragto madaxda dawladu ay saameyn ku yeelan karaan go’aamada dadkaas laga gaadhayo.
Xaqiiqada jirta ayaa ah in aanan buugaas Cabdi Siciid qorey wada taageersanayn kana soo wada horjeedin laakiin waxaan halkan kaliya idiinku soo gudbinayaa is gaalaysiin iyo is canbaareyn bulshadeena meela uma wado oo aan ka ahayn in halaag ama masaakiin dhiigooda la xalaashado waxaase quman in Cilmiga iyo Caqliga la adeegsado oo wixii dood ah doodiisa aan la dhaafin wixii qoraal ahna qoraal looga jawaabo, sidaas waxen leeyahay hadii waxgaradku yeelo in ay soo baxayso faa’iido badan oo cilmi ku dhisan oo meel wacan wacyiga bulshadeena gaadhsiisa.
Xasan Ciise Raage
Qoraal Madax Bannaan