Dhismaha Haykalka Garabka Dhallinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Waddani, Waa Mid Astaan u Ah Wax-wada lahaanshaha Qaranimo Ee Dalka Somaliland.

0
48

“Waxaan ku farxasanahay inaan u huray himiladaydii oo aan u tanaasulay gudoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani Mudane Maxamuud Cabidlaahi Cabdi oo kaasoo jeeda degmada badhan. Wax wada lahaansha iyo dawladnimadu waa isku dheeli tirka awoodaa maamul,, haykalka dawladeed iyo hormuudka asxaabta oo laga muujiyo dhamaan degmooyinka Somaliland. Wadajirku wuxuu ku tisqaadayaa oo uu ku taabo gelayaa hadba halka ay gaadhsiisantahay midnimada iyo meel kasoo wada jeedka qaranimada somaliland.

sadiiiqMarkaan dersay wax wada lahaanshaha soomaliland, markaan garawsaday qiimaha sumacad iyo guusha hogaaminta beelaha darafyada ee dhallinyarada heer qaran usoo jiidi doonan Xisbiga Waddani, markaan la tashaday hogaanka Xisbiga, markaan dhugtay dheeli tirka dhismaha Xisbiga. waxaan go’aansaday anigoo ku farxasan oo aaminsan in guusha Somaliland iyo guusha Xisbiga Waddani ku jirto wax wada lahaanshaha gobolada saami qaysbiga awoodaha, inaan uga tanaasulo tartanka gudoomiye nimo beelaha darafyada, oo aan caleemo saarno gudoomiye kasoo eeda Degmada Badhan.

Go’aanka taariikhiga ah iyo guusha dahabiga ahi waxay iba-fur u tahay dhallinyarada Somaliland kalgcalka kalsoonida iyo wax wada lahaanshaha ka dhexeeya, waxay marag u tahay Somaliland inay waax qudha tahay oo ay ka dhaxayso dareen waddaniyadeed. Waxaan ugu baaqaya dhamaan asxaabat kale iyo xukuumadda talada haysa in midnimadu ka bilaabanto wax wada lahaanshaha bulashada Somaliland, in dawladnimadu tahay talo wadaaga, maamul wadaag iyo awood wadaag isu dheelitiran.

Waxaan hanbalyaynayaa Mudane Maxamed Abiib oo muujiyay geesinimo iyo garsho naadir ku ah qaarada iyo dalkeena, wuxuu si hufnaan iyo hal-adaygu ku ladhanyahay uga tanasuulay musharxnimadii gudoomiyaha dhallinyarada, waxa taariikhiya oo aan la ilaabi Karin maanka iyo maskaxda Xisbigana ka tirmayn Awdal oo u tanaasushay Badhan. Waxay taasi muujinyasa muuqal qurxoon iyo muraayadna u tahay gobolada somiland ee ku bahoobay Xisbiga Waddani midnimada iyo maan fayoobida ku dhisan isu tanaasulka dhextaal, waxaan hubaa oo maanta caddatay inuu soo noleeyay saami qaysbigii reer Somaliland Xisbiga Waddani.Dimuqraadiyada doorshada hogaanka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani waa daaqad furtay rajada guusha iyo dawlad wanaaga uu horseedi doono Xisbiga Waddani haddi alle ydihaa.

Waxaan baarigayaa oo aan boogaadinaya dhamaan dhallinyarada hankooda uga tanaasulay horumarka iyo hirgelinta guusha Xisbiga Waddani. waxa sida Ubaxa ka muuqda hogaanka dhallinyarada heer qaran iyo haykalka dhismaha dhallinyarada Xisbiga Waddani dhamaan degmooyinka dalku ka kooban yahay, waa astaan iyo muunad uu kaga duwan yahay asxaabta kale Xisbiga Waddani.
Dhallinyarada Somaliland ee Xisbiga Waddani waa abaal ay u hayaan inay talada iyo fikirka cudoon ee badbaadada dalka kaga qaybgalaan si xora oo loo simanayahay, in loo sameeyay doorsho xora oo xalala laguna tartamay karrti iyo aqoon, dumuqraadiyad curdinu horseed u yahay Xisbiga Waddani, guusha bilaawgeedi waa geediga maanta la guuray, waxa sahnaka lagu furayaa kob cagaaran rays somailand oo dhan wada gaadha, maamul fidsana oo baalaha ilaa dhexda u wada adeega horumar dhallinyarada mustqabalkooda qorsheeya.

Waxaan caad saarayn cidna aanay dafiri Kerin in xisbiga waddani horseed u yahay wax wada lahaansho, sinaan caddaalad, eex la’aan iyo midnimo bulsheed, waxaa markhaati ka ah dhismaha dimqraadiga ah ee dhallinyarada heer qaran dhamaan gobolada dalku ka muuqdaan, waxaan rajaynana in xukuumadda iyo hogaaminta dalka ee xisbiga waddani noqon doonto sida maanta ay tahay hogaaminta dhallinyarada heer qaran oo laga guuri doono xukun qarqooshka dhana ka raran ee maanta qiimo dilay qaranimadeena haddi alle yidhaa.

Shirweynaha qiimaha badan ee 15 March 2015 qabsomay wuxuu ku yimi dadaalki iyo hawlqabadkii garabkii dhallinyarada heer qaran ee ku meel gaadhka ahaa, waxa la soo gaadhay maanta in dhallinyarada heer qaran ee xisbigu doortaan hogaan rasmiya oo lagu doortay shirweyne halkaana lagag guuro ku meel gaadhkii. shirweynahan oo ah shirkii u horeeyay ee uu qabto xisbi ka mida asxaabta qaranka Somaliland, waxa amaantiisa, abaalkiisa, ogaalkiisa iyo boogaadintiisa leh Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Shirkani wuxuu markhaati ka yahay doorka dhallinyarada Somaliland kaga jiraan Xisbiga Waddani, wuxuu iftiin u yahay rajada iyo himilada mustqaballka dhallinyarada Somaliland waana guul aanu ku faanayno, waa sumcad iyo astaan aanu kaga duwanahay asxaabta kale. Kalsoonida hal-adayga iyo kartida xisbiga waddani ku hirshagsy shirka laysaga yimi dhamaan deeganada Somaliland, shirweynaha ergooyinka kasoo qayb galay ay metelaan dhallinyarada Somaliland waa guul taariikhiya oo geli doonta diwaanka iyo taariikhda Somaliland.

Hogaaminta talada dalka haddi laga qaybgeliyo oo ay udub dhexaad u noqdaan dhallinyarada Somaliland waxay samayn karaan isbedel iyo horumar la mahadsho dhallinyarada waxa ku kaydsan awood, aqoon iyo aragti u baahan in laga faa’ideeyo. Dalkasta wuxu dal kale dheeryahay inta uu danneeyo dhallinyaradiisa ahmiyada uu siiyo horumarka dhallinyaradiisa, maanta waxa la gaadhay waqtigii talada dalka ay qayb libaax ka qaadan lahaayen dhallinyarada Somaliland. waxaan boogaadinayaa dhallinyaradii sida milgaha maamuuska leh noola shaqaysay, waxaan si kal iyo laaba u boogadinayaa Saraakiishi dhallinyarada gobollada dalka ee Xisbiga Waddani sida hawlkarnimada naf hurnimada iyo daacadnimada leh ee ay u barbar taagnaayeen dhisamaha dhallinyarada heer qaran. Dadaalka qabsoomida shirweynaha dhallinyarada heer qaran oo soo maray maraxalado kala duwan, waxaan u mahadcelinyaa anoo ku hadlaya afka dhllinyarada heer qaran guud ahaan dhallinyarada gobolada dalka, hogaanka xissbiga Waddani gudida fulinta golaha dhexe garbka haweenka iyo laamaha debeda”

Wuxuu ahaa shirweyne turxaan li ku dhamaaday, shirweyne milge iyo maamuus bada. Waxaan u mahadcelinyaa gudidi qabanqaabada ee ka shaqaysay qabsoomida shirweynaha Mudane iyo Marwo.

Guushu maaha wax bilaabid ee waa dhmaystirka hawsha aynu bilawnay, geedigu wuu dheeryahay, waxaan rajaynayaa in maanta Hogaanka shirweynahani u kaba tolay ay xilka dhallinyarada Somaliland ee Xisbiga Waddani kasoo bixi doonan alle haw fudaydiyo masuuliyada iyo xilka culus ee loo doortay hogaanka dhallinyarada heer qaran.

Afhayeenka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani

Maxamed Sadiiq Dhamme

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here