“Dawladda Turkiga Oo Mucaawimadii Somaalida Inoo Kala Eexatay Wada Hadalna Inoo Xaqsoori Mayse Waa Inaynu Ka Tashanaa.” Waraysi Gaara Xildhibaan Cali Mareexaan.

0
30

Hargeysa (Hubaal) – Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in aan lagu kalsoonaan karin Caddaaladda siyaasadeed ee dawladda Turkiga.

Xildhibaan Cali Mareexaan oo waraysi siiyey Wargeyska Somalilandtoday, ayaa ugu horeyn aanu waydiinay siduu u arko wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo dhexdhexaadnimada lagu qabi karo dawladda Turkiga, ayaa ku jawaabay “Runtii dawladda Turkigu waa dal weyn oo taariikh dheerna leh, sanadihii u danbeeyayna awooddiisa dhaqaale ay soo noqonaysay. Waxaase muuqata ama u baahan inaynu fahano siyaasadda Turkigu mid cad weeye maaha dal dhex ka ah qadiyadda Somaliland, wuxuu dhex ka noqon waayay takulada iyo dib-u-dhiska uu wado. Isagoo og xog dhamaystirana ka haya wixii ina gaadhay iyo inaynu laba dal kala nahay Soomaaliya, waad u jeeddaa Boqollaal Milyan oo dollar ayuu Muqdisho galiyay. Marka anigu waxaan qabaa inaynu ka tashano ninka Dhex ka ahaan waayay deeqdi uu bixinayay ilama aha inuu dhex ka noqonayo wada hadallada. “

cali mareexaanXildhibaan Cali Mareexaan oo mar kale aanu waydiinay inay Somaliland ka gaabisay sidii ay Turkiga ugu qancin lahayd inay qaybtooda ka helaan mashaariicdaas tirada badan, ayaa sheegay “Midnimada uu ku dhagan yahay Madaxweynaha Turkigu waxay ka soo jeeda laba qodob. Marka hore waxay dhibaato ka haysataa dhinaca Kurdiyiinta oo raba inay ka go’aan, iyo ta labaad oo ah inuu rabo Turkigu inuu modeeyo oo isu keeno dhammaan dawladaha Islaamka, isagoo markaa xal u arkaa wax la yidhaahdo MIDNIMO Soomaaliyeed.  Inaguse Somaliland ahaan waxaynu wax ku qaadanaynaa qaabku deeqda u qaybiyay. Markaa waxaan soo jeedinayaa aynu ka tashano halkaas (Turkiga) waxba inoo ma yaalaane…”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here