“Kuwa kuugu soo horreeyaa waa kuwa ugu xun bulshada.” Cabdoo Aayir Badhasaabkii hore
“Haddii dagaal ka dhaco soohdinta labada dal waxa soo geli doona xoogag Daacish oo kale ah” Wasiir Cali Xaamud
‘Reer awdaloow Isaaq Daahir Rayaaley codkoodii siiyeen, idinkuna…” Wasiir Abgaal
Boorama (Hubaal) – Badhasaabkii Hore ee Gobolka Awdal, Cabdoo Axmed Aayir ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugu wareejiyey badhasaabka cusub ee dhawaan Madaxweyne Siillaanyo u magacaabay gobolka Awdal.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, Xaflad xilwareejin ah oo lagu qabtay magaalada Boorama ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, oo uu ka mid yahay wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Maxamed Jaamac Abgaal, wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Xasan Daahir Dhimbiil, Agaasimayaal Guud, Badhasaabkii hore iyo kan cusub ee gobolka Awdal iyo dhallinyarada heer Qaran iyo heer gobol, iyo marti-sharaf kale.
Maayarka Boorama oo furay xafladda ayaa waxa uu ka hadlay waxyaalihii uu degmada Boorama u soo qabtay Badhasaabkii hore iyo hawlaha horyaalla badhasaabka cusub Saleebaan Cali (Ramaax) isagoo maayarku halkaa ka sheegay inay isaga iyo golaha uu guddoomiyaha u yahayba la shaqayn doonaan badhasaabka cusub.
Suldaan Dhawal oo ku hadlay magaca salaadiinta gobolka Awdal ayaa isna hadal uu halkaas ka jeediyey ku xusay dedaalka badhasaabkii hore Cabdoo Aayir ku mideeyey salaadiinta gobolka, iyo xidhiidhkii ka dhexeeyey iyaga iyo Cabdoo Aayir, waxayna ku ammaaneen dulqaadkii uu arrimaha qaarkood ka muujiyey intii uu xilka hayey, waxaanu badhasaabka cusub ugu duceeyey in Illaahay xilka loo soo magacaabay uu ku guuleeyo.
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil oo khudbad ka jeediyey munaasibadda xilwareejinta ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay sida loogu baahan yahay haddii la doonayo horumar inay gaadhaan reer Awdal, isagoo yidhi: “Waxaanu soo dhaweyneynaa badhasaabka cusub ee Ramaax ahna nin dhallinyaro ah oo waayo arag ah, anigoo filaya inuu sii wadi doono, dhammaystirina doono horumarkii iyo nabadgelyadii uu badhasaab Cabdoo kula shaqayn jiray gobolka. Waxa beryahan la hadal hayaa arrimo nabadgelyo darro ah oo ka taagan gobolka, cidina horumar gaadhi mayso haddii nabadgelyo la’aani jirto, kuwa dhiirrigelinayaana caano ka maali maayaan. Haddii waxa laga sheegeyo xadka inoo dhexeeya innaga (Somaliland) iyo Itoobiya ama dagaal ka dhaco waxa soo geli doona xoogag kale oo aan imika la ogeyn, waxa soo geli karta Daacish iyo wax la mid ah, sidaa darteedna waa in laga hortagaa wax kasta oo dalkeenna iyo dadkeenaba waxyeelo ku ah nabadgelyadiisa iyo horumarkiisaba.”
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Maxamed Jaamac Abgaal oo isna munaasibaddan ka hadlay ayaa khudbadiisa ku xusay sida reer Somaliland uga ilbaxeen qabyaaladda iyo siyaasadda ku salaysan beeleysiga, isagoo wasiirku yidhi: “Waxaan inta badan maqmaqlaa reer hebel baa wax naga haysta, reer hebelbaa dalka haysta, waar saw maydaan ogeyn in wakhtigii Madaxweyne Siillaanyo iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali xisbiga Kulmiye ugu sharraxnaayeen hoggaaminta dalka, lana tartamayeen xisbiga Udub oo ay ka sharraxnaayeen Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin in Isaaq ama beelaha dhexe codkooda siiyeen Daahir Rayaale, dhammaantiin haddaad siisaanna aydaan soo saari karteen, sidaa darteed waxa halkaa ka cad in beelaha dhexe tixgeliyaan reer Awdal, idinkana la idiinka baahan yahay inaad tixgelisaan beelaha kale ee reer Somaliland, mana ahayn in maanta la hadalhayo Qulujeed iyo waxyaalaha ka dhacay, yeynaan ku dawikhin wax aan soconayn, rasaasta aynu Qulujeed ka bilaabnaa goor ay bariga Burco gaadhi yaa garanaya.”
Badhasaabkii hore ee gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir oo isna halkaa ka jeediyey hadallo aad loogu qoslay ayaa isagu qodob qodob u sheegay wixii uu gobolka ka qabtay ee la xidhiidha dhinaca amniga iyo horumarka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: “Waxaad ogtihiin hawlihii dhinaca amniga ee markaan imid ka dhacayey Xariirad ee aan gacmaha isku saaray beelihii dhulkaa ku colloobay. Waxa kale oo aad ogtihiin in maalintaan imi Boorama lahayd hal jid oo ah kaa mara badhtamaha magaalada, maantana waxa la ogyahay inta jid ee ay ledahay. Waxaan ka qayb qaatay mideynta odayaashiinna oo maanta gole samaystay, waxaan kor u qaaday tirada shaqaalaha xarunta gobolka, waxaan qalabeeyey xafiiska badhasaabka oo aan ugu imid hal teeb oo… iyo hal miis, maanta waxa yaaala lix kombiyuuter, iyo wax kastoo hawl xafiis lagu qaban karo. Badhasaab Ramaax waa nin aanu saaxiib nahay oo aanu gobollo kale ka soo wada shaqaynay, halkaa inuu ka sii wado in Illaahay u fududeeyo ayaan ugu duceynayaa, waxanse kula dardaarmayaa in dadka ugu soo horreeya qaabiladiisu ama ku soo degdega xafiiskiisu yihiin kuwa ugu xun bulshada, sidaa darteedna feejignaanteeda lahaado.”
Dardaaranka Cabdoo Aayir oo aan caddayn, ayaa dood badan kala dhex dhigtay dadweynaha iyo ka qaybgeleyaasha xafladda, kuwaas oo siyaalo kala duwan u fasirtay dadka badhasaabku sheegay.
Badhasaabka cusub ee gobolka Awdal, Saleebaan Ramaax oo isna halkaa ka hadlay ayaa badhasaabkii hore iyo dadweynaha gobolkaba uga mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey Boorama, waxana uu sheegay inuu intii karaankiisa ah ku dedaali doono inuu ka shaqeeyo amniga iyo horumarka gobolka, isagoo dhinaca kalena dadweynaha iyo laamaha dawladda ee Gobolkaba ka codsaday inay la shaqeeyaan maadaama sida uu yidhi reer Boorama iyo reer Berbera leeyihiin xidhiidh gaar ah.
Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isagu soo xidhay khudbadiihii laga jeediyay xafladdan xilwareejinta ah ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey reer Boorama ama reer Awdal kula dardaarmay inay la shaqeeyaan badhasaab Ramaax, isla markaana muujiyaan aqoonta, nabad-jacaylka iyo soo dhaweyntii reer Somaliland ku barteen.
Munaasibaddan oo aad looga hadlay, ayaa waxa kale oo khudbado ka jeediyey xildhibaan ka soo jeeda degaanka Berbera, ururada haweenka, dhallinyarada iyo marti-sharaf kale.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI