“…Waxaan iska dhowrayaa ‘Microphone Diplomacy’ ama dawladdo Mayk-rafoon ka wada hadla, ma ku wanaagsana shaqada dawladeed in Mayk-rafoon lagu wada hadlo ee in waraaqo iyo hadal hoos-hoose oo sir ah lagu wado hadlo ayay ku fiican tahay”- Marxuum Cigaal
“Waxaan Maalmahanba Warbaahinta Kala socday Madaxweynaha Soomaaliya, waxaan leeyahay Waa nasiib daro haddii uu sheegto waraaqdii tahniyada madaxtinimada ahayd Ee aan ugu diray” Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa (Hubaal)- Bahda Hubaal waxa ay akhyaarta ku xidhan boggoodan Hubaalmedia.net u soo gudbinaysaa hadal dhaxal gal iyo xikmad ah oo laga reebay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal kaasi oo uu kaga hadlayay Nidaamka dawladeed ee loo baahan yahay in loola dhaqmo wadamada ay cilaaqaadka leeyihiin Somaliland.
“Marka Ugu Horeysa waxaan idiin sheegayaa, waxaa jira, wixii walba ee la maamulayaaba hab bay leeyihiin, habkoodii haddii laga duwana way xumaadaan, fool xumo iyo ceeb bay keenaan, markaa waxaan iska dhowrayaa wax la yidhaahdo ‘Microphone Diplomacy’ ama dawladdo Mayk-rafoon ka wada hadla, ma ku wanaagsana shaqada dawladeed in Mayk-rafoon lagu wada hadlo ee in waraaqo iyo hadal hoos-hoose oo sir ah lagu wado hadlo ayay ku fiican tahay” sidaa ayuu yidhi Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Maalintaasi Kheyriyada kala hadlayay boqolaal dadweyne ah oo khudbadiisa dhegeysanayey.
Muuqaalkan kooban ee Khudbadda Hogo-tuska ah ee Madaxweyne Cigaal ummaddiisa u sheegayay waxa aynu maanta u soo xulanay bal inaan barbar dhigno si aynu u fahano nuxurka ujeedada hadalkaa Marxuum Cigaal, Khudbad sanadeedkii dhowr maalmood kahor uu Madaxweynaha Hadda ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u jeediyey gole waynaha Baarlamaanka Somaliland, taasi oo qayb ka mid ah uu ku durayay Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya.
Khudbaddaas Md. Siilaanyo waxa uu ku yidhi sidan: “Waxaan maalmahan iyo maalin horeba warbaahinta kala socday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo sheeganaya xidhiidh noo dhexeeya iyo waraaqo aanu is waydaarsanay, waxaan leeyahay Madaxweynuhu wuxuu ku cusubyahay saaxada siyaasadda waana dhalinyaro, waa nasiib daro haddii uu sheegto oo wax-qabad ka dhigto waraaqdii tahniyada madaxtinimada aan ugu diray.
Ma jirto wax aan ka waydiinayo Xasan Sheekh dalkayga iyo xuduudihiisa-toona, waxaa noo dhexeeya wada hadal dunidu inoo golaysay ee si nabadgelyo ah ma u kala boqoolaa ayaan leeyahaya. Qaranimada Somaliland waa mid ku timi codka shacabka waanu difaacaynaa, waa u dagaalamaynaa, waana u dhimanaynaa.