Bulshada Somaliland Ee Ku Nool Magaaladda Muqdisho Oo Laga Hor Istaagay Inay Hotel Diplomatic Ku Qabsadaan Xaflada Xuska 18 May + Xubno Kamid Ah Abaabulayaasha Oo La Xidhay

0
31

Dadweyne u dhashay dalka Somaliland oo ku sugan magaalada Muqdisho/Xamar ayaa  iyagoo u debbaaldegaya maalina qaranimada Somaliland ee 18 May ay dawladda Muqdisho ka hor istaagtay inay xafladdaas qabsadaan, isla markaana qaarka mid ah dadkii abaabulayay xafladaas xabsiga u taxaabeen maanta duhurkii.

hotel diplomatic

Wararka ku saabsan arrintaas ayaa sheegaya in boqolaal qof oo ka mid ah dadka u dhashay Somaliland ee jooga Xamar oo ku  gudo jiray inay meel Hudheel ah oo  ku yaalla Muqdisho ku qabsadaan xaflad ay ugu debbaaldegayaan maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May  ay ciidamada ammaanka dawladda Somaliya ka joojisay inay munaasibadaas ku qabsadaan Diplomatic Hotel. Wararku waxay intaas ku darayaan in  ciidanka nabadsugidda ee Muqdisho ay ku xidheen muwaadiniintaas reer Somaliland  ee xafladda la abaabulayay JEELKA JINACAW, waxana ka mid ah dhalinayrada la xidhay Cabdicasiis Colow Maxamed oo ah Guddoomiyaha  ururka Horumarinta Ururka Horumarinta Dhalinyarada Salaxley oo ka tirsan dallada SONYO, dhawaanna halkaas arrimo shakhsi ah u tegay, isla markaana hormood ka ahaa abaabulka xuska 18 May ee ay doonayeen in lagu qabto Muqdisho sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Maxamuud Xasan Ismaaciil oo ahaa guddoomiyaha gudida qabanqaabada ee xafladdaas la joojiyay.

Maxamuud Xasan Ismaaciil oo ka hadlaya arrintan ayaa yidhi, “Walaal xafladda oo maalmahanba ku gudo jirray abaabulkeeda ayaannu maanta is lahayn ku qabta hudheelka la yidhaaho Diplomatic oo ku yaalla Muqdisho. Waxannu ku martiqaadnay dadweyne dhawr boqol ah oo aannu kaadhadhka u qaybinnay oo isugu jira dadweyne reer Somaliland ah iyo dad reer Muqdisho ah oo qaybaha bulshada oo dhan ah kuwaasoo jeclaa inay nagala soo qaybgalaan debbaaldegga xuska 18 May. Annagoo markaas wadna calamadii oo aannu ku  xidhaynay hudheelka aannu kiraysannay iyo qalabkii hadalka maanta labadii duhurnimo, xafladuna ay noogu qorshaysnayd inay bilaabanto illaa sedexda ama afarta ayaa ciidanka ammaanka dawladda Federal-ku goobta yimaadeen. Markaas anigu waxan soo qaadayay calamado laakiin waxay ciidanku xidheen Cabdicasiis Colow Maxamed iyo Xasan Cabdilqaadir oo immika ku xidhan jeelka la yidhaaho GOODKA JINACAW ee ku yaal Muqdisho”.  Maxamuud waxa uu intaas ku daray inay yaro badan ku abaabulayeen xuskan oo uu ka  xusay Cabdicasiis Maxamed Colow, xasan Cabdilqaadir iyo Cabdiraxmaan Cali Talyaani, waxanu intaas ku daray inaanu xog ogaal u ahayn immika in la xidhay inka badan labadaas xubnood iyo in kale balse uu ku dadaalayo inuu warkooda raadiyo.

Si kastaba ha noqotee, waxa xusid mudan sida ay dadka reer Somaliland ugu weyntahay inay  maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May  oo meel laga ogolyahay iyo in meel aan laga ogolaynba ay u badheeyaan inay ku qabtaan oo la debbaaldegaan shacabkooda, kuna martiqaadaan dadweynaha kale ee jecel inay la wadaagaan farxadda balse waxa tacadi ah oo dhan ka ah shuruucda iyo qawaaniinta beesha caalamka in dadweyne si nabadgelyo ah u qabsanaya xafladooda ay dawladda Muqdisho xabsiga dhigto. Tallaabada ay ku kacday dawladda Somaliya ee lagu xidhay dhalinyaradaas, laguna diiday xafladooda waa mid liddi ku ah isu socodka iyo is dhexgalka labada bulsho iyo sidoo kale heshiisyadii ay horeba u jabiyeen ee la wada galay.

Waxa lagu qabanayaa xafladaha debbaaldegyada xuska 18 May  wadamo tiro badan iyo magaalooyin kala duwan qaaradaha dunida oo dhan iyo daafaha dunida ku kala yaalla Afrika, Eeshiya, Yurub, Ameerika iyo Ustaraaliyaba.

“Somaliland Doodi Kama Furna”

Axmed Cumar Sanyare

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here