Ballan-qaad Afka….Dib Haddaan U Aammino: Qormadii 16aad Ee (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye) Qalinkii: Boobe Yuusuf

0
31

Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino

(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

 “Wadaamaha la dawdabay,

  Dan-yartay ka maqan tahay,

  Raacdadu ma daallana,

  Dorraad iyo shalay-jire,

  Doorka maanta noo jire,

  Dib-u-jire hadhow-jire,

  Ninba weel u daray baa,

  Deyn loogu leeyahay,

  Diiwaanka qarankiyo,

  Taariikhdu dug ma leh,”

 Kulmiye

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 16aad

11/1/2015ka Hargeysa,

Ayaan-darradu waxay tahay Buug-ku-sheeggan oo aan xambaarsanayn wax murti ah. Waxa kale oo uu ka arradan yahay oo hor Ilaahay ka joogaa: qoraal qurux badan, rasaysan, habaysan, tifaf-tiran oo naf leh. Sidii qashin-qubka ayuun baa sidaa wax aan is-lahayn loogu saydhay. Waxyaabaha gudaha ku jira ee qoran lama tifaf-tirin oo af Soomaaligu waa uu qaldan yahay inta badan, dadkii soo diyaariyayna wax iskuma ay jaan-goyn ee waa ay isku dhex daadiyeen.

Buug-ku-sheeggan yari wuxu ku bilaabmayaa Hordhac weyd iyo caato la muuqan la’ oo aad u gaaban oo aan wax tamar ah la gelin diyaarintiisii, bal se ku salaysnaa: “Iga gee.” Ma beentay iyo wax aan samaystay ayaad moodaysaan. Ballanka Eebbahay waa iga dhab. Oo maxaa igu kellifaya in aan been idin ku maaweeliyo. Ma maqli jirteen: “Durbaanba gamta ayaan ka aqaan.” Si aad u qiimaysaan Hordhacan iyo Buug-ku-sheegga uu hormo-gelinayaba waa kan Hordhicii aan ka dardaar-werinayay. Bal waxaad is-weydiisaan haddii aad xukuumad iyo Xisbi aan ku lammaanayn oo haddana ku sheeggan ahaan lahaydeen oo aad wax-qabadkiinnii sannadlaha ahaa soo bandhigaysaan, sidan oo kale ma u soo qaddimi lahaydeen?

Xukuumaddeenna is-mahadisay ee Isku-filan iyo inta ka hawl-gasha ee indhaha suhubta ah u leh waxa khasnadaha ku jiraa, ma yaqaanniin Hordhac Buug wuxu yahay. Ma og yihiin in aanu Hordhaca Buuggu ahayn wax kale oo aan ahayn Buuggu wuxu ka kooban yahay, u qaybsamo iyo faallooyin aan dhaadheerayn oo mowduucyada buugga ku jira midba gaarkiisa wax yar laga saafayo. Hordhucu waa wax loogu talo-galo in uu qofka akhrisanaya ka ogaado wax-yaabaha uu ku saabsan yahay iyo dulucda ama ujeddooyinka loo qoray.

Aan Hordhacaa aan ka sheekeeyay idiin soo dhigo. Cidina kuma saxeexna. Xafiiska uu ka soo baxay kuma qorna. Taariiklh iyo tix-raac midna ma laha. Baadi-soocda Xafiiska uu ka soo baxay kuma taal. Cid saxeexdayna ma jirto. Wax taariikh ah Buug-ku-sheeggan, waxa ku qoran oo keliya 2013ka, oo jeldiga sare/hore ku yaal. Horaa loo yidhi: “Wax la raajaa rag kuma sama e’,” yaan idin ku raajinne aan Hordhicii soo daayo:

Hordhac:

Tan iyo markii hoggaanka dalka ay qabatay Xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Waxa markhaati ma doon ah in uu Wadanku gaadhay Horumar aad u ballaadhan oo dhan kasta leh. Horumarkaas dhamaan Hay’adaha Dawliga ahi ay ka wada qayb qaateen haba ku kala horeeyaane dhinaca wax-qabadkee. Waxa xusuus mudan inaan la gaadheen horumarkaas ballaadhan gacanta iyo taageerada dadweynaha reer Somaaliland la’aantood.

Hadaba, Muwaadin si aad wax uga ogaatid waxa u qabsoomay Xukuumadii aad dooratay, waxaanu halkan si kooban kuugu soo gudbinaynaa waxqabadkii Xukuumadda ee sanadkii (Jan ilaa Dec). Iyada oo aanu Wasaaradaha isu raacinay Koox-koox, hadba siday shaqadoodu isu dhawdahay.

Eebaa mahad dhammaanteed leh

Intaasi waa Hordhicii Buug-ku-sheeggan shacbiga tabaalaysan loogu manno-sheeganayo, sidii waxay lacag ay leeyihiin dal iyo dadba geliyeen. Hadda waxay ku manno-sheeganayaan waa cashuurtii ummaddan tabaalaha la asqaysan laga qaaday oo inteedii badnayn la siistay guryaha iyo baabuurtan dambarsada labeenta, daruuraha ransanaya ee daaqadaha loo wada giijiyay.

Waxaan dareenkiinna ku soo jeedinayaa in ereyada iyo weedhaha aanu hoosta ka xarriiqnay ee madoobaynay yihiin, kuwa sida qaladka u qoran. Marka 11 sadar intaas oo qalad ahi ku jirto maxaad u malaynaysaan 115 Bog. Waa su’aal jawaabteeda u baahan.

Waa intaa Hordhaca la sheegayaa horto. Bal weedha ugu dambeysa u fiirsada. Waxay ku soo xidheen: “Eebaa mahad dhammaanteed leh.” Hadda Eebo iyo Eebbe waa kala laba erey. Midi waa waranka iyo wixii la mid ah, midna waa Eebbaha ina uumay. Nimanka kari waayay in ay weedhaas saxaan, bal yaa ka sheekayn karaya waxay ummad tabaalaysan u qaban karaan. Indhahoodu qaladaadkaas ma arkaan, bal se waxyaabo kale oo badan ayay si qumman oo aan qalad ku jirin u arkaan. Ma baloodh baa, ma Bidaar baa, ma dibad loo baxayaa, ma deyn baa, ma dul-saar baa, ma dillaal baa, ma duunyo iyo daar la binaynayaa…..Dee wad uun ma cid baa idinku qabsanaysa ilaa inta aad ka daalaysaan. Miyaanay ku qasbanayn, bal wax kale oo dhammiba ha joogaan e’, in ay saxaan oo ay iska hubsadaan magaca Ilaaha Maxamed samo ku uumay. Hadda aqoontooda gaaban waxay isu haystaan in ay diinta inagu dhaamaan. Waxay weliba dadka intiisa kale dheer yihiin wacadka beenta ah iyo wardiga xeeshu daba-taal, sida laga dheehan karo maansooyinkii Gaarriye ee 1982kii.

Xuxuumaddeennu waxay u taqaannaa dawladnimada wax cusub oo ay iyadu immika sahaminayso isla markaana jitaabo gelinayso. Waayo-aragnimada iyo aqoonta hodanka ah ee beni-aadamku keydinayay qarniyaasha waxba kama taqaan mana doonto in ay wax ka barato. Iyadaa isu haysata in ay wada macallin tahay. Wax walba waxay u haystaa in ay iyadu ugu horreyso oo immika bilaabayso. Halkudheg qalaad ayaa jira oo dadka caynkaas ah loo adeegsado. Waxa inta badan lagu yidhaahdaa: “Cajaladdii ayaad mar labaad ikhtiraacaysaa.” Afka Ingiriisiga waxa lagu yidhaahdaa: “Re-inventing the wheel.”

Odeygeenna Buuniga ah ee ‘Google’-ka marka aad weydiiso taariikhda Laamiyada wuxu qorayaa sida ay Laura Ingalls Wilder ku sheegtay buuggeeda: “Gurigii yaraa ee ku yaallay ‘Prairie’”, in 1894kii ay martay laamidii ugu horreysay ee ay aragto. Wuxu intaa ku sii darayaa odeygu in magaalada taariikhiga ah ee Babylon ee Ciraaq ku taal dhismaha laamida laga adeegsan jiray 625 sannadood ka hor dhalashadii Ciise. Macluumaadka kale ee aanu hellay waxay tilmaamayaan in si socodka baabuurta loo hagaajiyo, astaynta ama calaamadaynta laamiyada la bilaabay 1911kii iyada oo mishiinno la adeegsanayo.

Innaga soo celiya Maraykan, Kanada iyo dalalkaa shisheeyaha oo Hargeysa mug weyn iyo nidaamkan aan curinta iyo halabuurka lahayn aan ku soo noqonno. Waxan inoo faanaya ee inoo manno-sheeganayaa, waa waxaa inagaga fillaan waayay in ay calaamadiyaan laamida ay yidhaahdaan waa ay qurux badan tahay ee Madaxtooyada hor marta. Miyaydaan arag sida foosha xun, qal-qalloocda ee il-fashaqa leh ee loo calaamadiyay ama loo rinjiyeeyay.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here