Baaq – Canbaareyn Xoogan ah oo ku Wajahan Xukuumada Siilaanyo oo Maxkamad Dhuumasho ah ku gaadey Yusuf Abdi Gaboobe iyo Tafatire Ahmed Ali Cige.

0
59

Baaq – Canbaareyn Xoogan ah oo ku Wajahan Xukuumada Siilaanyo oo Maxkamad Dhuumasho ah ku gaadey Yusuf Abdi Gaboobe iyo Tafatire Ahmed Ali Cige
Waxaa taariikhdu markey aheyd 25/06/2014 Xadhig Xaqdarado ah isla Markaana baalmarsan sharciga saxaafada ee wadanka lagu ridey Mulkiilayaashii Haatuf iyo Somaliland time kuwaas oo kala ahaa Mujaahid Yusuf Abdi Gboobe iyo Tafatire Ahmed Ali Cige iyada oo dhawr maalmood ka hor inta maxkamada la keenay dhibanayaashaa uu Xeer ilaaliyahii qaranku maxkamada dhexdeeda uu ugu hanjabey Yusuf Abdi Gaboobe oo uu ku yidhi “waxa aad ku jirtaa cagta hoosteeda” iyada ay wada maqlayaan dhegeystayaashii maxkamada dhegaysanaayey.
Anaga oo ah Qurbe joogta ka soo jeeda Gobolka Saaxil waxaanu caanbaareynaa qaabka uu udhacey xukunkii gaqawarka midi roorka ahaa ee lagu riday Mujaahid Yusuf Abdi Gaboobe iyo Tafatire Ahmed Ali Cige, waxaa uu xukunkani uu kaga duwanaa xukumadii hore wadanka uga dhici jirey, wuxuu ahaa mid lala dhuuntey oo dhacey iyada oo aaney joogin eheladii dhibanayaasha, iyada oo aaney joogin Saxaafadii, iyada oo aaney joogin qareenadii udoodaayey taas oo weliba loo diidey in ay dhegeystaan dadkii yaraa ee goobta yimi si ay udhageystaan dacwadaa qarsoodiga ah, iyada oo sida laga wada dheregsan yahay uu nimaadka maxakamadaha Somaliland uu hore u-ahaan jirey mid shacabka ufuran in ay dhegeystaan oo wax ku qaataan ayaa arintan cusubu ku noqotey dadkii goobta yimi yaab iyo afkala qaad.

 

abdi_sawirkii
Hadaba Maanta Waxaa ay dhamaan shacabweynaha reer Somaliland gudo iyo debedba ay Qabaan In Xadhiga Wariyayaashaa Madaxa Banaan oo hada tiradoodu mareyso 63 Wariye uu yahay mid lid ku ah oo lagu sadqeynaayo xoriyatul qawlkii iyo xuquuqal iinsaankii Qarankani 23-ka Sanadood uu ku soo caano maaley Isla markaana lagu wiiqayo oo lagu wax yeelaynaayo Nabadgelyada, Xasiloonida iyo Nidaamkii Dimuqraadiga ahaa ee aynu Dhab-dhabaneyney mudada dheer.
Anaga oo ah Qurbe joogta reer UK ee ka soo jeeda Degaanada Gobolka Saaxil waxaanu Cod Dheer Ku Canbaareynaynaa Xadhiga Xaqdarada ah Isla markaana arxan darada ah ee lagula kacay suxufi “Yusuf Abdi Gaboobe iyo Tafatire Ahmed Ali Cige” Taas oo lagu riday xukunkaa albaabka loo sooxidhay Laguna gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada madaniga ah ee Madaxa banaan ee Jamhuuriyada S/land,
Xadhigaa Sharci darada ah ee ku soo noq noqonaaya saxaafada Intii Xukuumadani talada haysey,Sidoo kalena ay ka dhigatey Xadhiga Wariyayaasha wax Iska caadiya ayaa waxa ay waxyeeleysey karaamadii ictiraaf raadinta iyo Sumcadii Dimuqraadiyadii Somaliland Caalamku ku majeeran jirey taas oo hada cabsi weyn looga qabo in ay dhaawac weyn ay sii gaadhsiiso Xidhiidhka aynu la leenahay hayadaha inaga caawiya kobcinta Dimuqraadiyada, Deeqbixiyayaasha iyo Bulshada Caalamka ee isha inagu haysa.
Waxaanu Leenahay Xukuumadan xin badan ee xaalad abuurka ku caanka baxdey sida ugu dhakhsaha badan Xoriyadooda ugu soo celi mulkiilayaasha Haatuf iyo Somaliland times.
Alleh Ayaa Mahad Leh,
Waa-Bilaahi-Towfiiq
Gudida Joogtada ah
Qurbe-joogta reer Saaxil ee UK
A/Rahman Fidhinle
A/llahi Sool
Hassan Ahmed
Yusuf Osman
Ali Jaamac
Ali Cisman
Mustafe Yusuf
Mohamed osman
Mohamed Nur
A/Salaan Mahdi
Abdi Samatar
Ahmed Cige
A/rahan A/llaahi
Shugri Diiriye
Zam zam abdi
Amina Ali

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here