Hargysa,(Hubaal)- Iyada oo ay dalka ka jirto cadaalad daro, boob, musuq maasuq iyo maamul xumo, ayaa waxa dhanka kalena ka jirta in cabudhin la saaray warbaahintii xalaasha ahayd ee madaxbanaanayd iyada oo la ugaadhsanaayo saxafiyiinta iyo saxaafada xorta ah, waxana wax lala yaabo ah in xukun cadaalad daro ah lagu rido madaxda wargyska madaxbanaan ee Haatuf oo run ka sheegay waxa dalka ka socda. Hadaba markii shalay sida sharci darada ah xukunka loogu riday madaxda wargyska haatuf ayaa gudoomiyaha wargyska Haatuf waxa hadal ka jeediyay maxkmada horteeda waxana uu hadalkiisu u dhignaa sidan hoos ku qoran
“Waxa aan halkan dadka reer Somaliland iyo caalamkaba ugu sheegayaa in waxa keliya ee aniga iyo Tifaftiraha Haatuf lagu haystaa tahay maxaad runta u sheegteen ee wax uga qorteen musuq-maasuqa uu masuulka ka yahay Wasiirka Macdanta Xuseen Weji-xun . Ta kale ee kaba sii daran ee nalagu haystaa waxay tahay maxaad wax uga qorteen ee dadka u tusteen awoodaha dahsoon ee Baashe Cawil ku yeeshay jaranjaradii maamulka Somaliland halkii u saraysay.
Siillaanyo iyo qoyskiisa ayaa waxay nagu haystaan maxaad musuq-maasuqa, eexaysiga iyo qaraabo kiilka maamulkayagu ku dhaqmo u kashifteen. Sababahaas dartood ayey si fool-xun oo wadiic ah ama wadiicnimo ah naloola dhaqmay muddo hadda saddex bilood ku dhowaad ah. Waxa ay ahayd aargoosi aan geedna loogu soo gaban oo nalagula kacay markii aanu diidnay in aanu wax gorgortan ah ka galno ama in aanu ka tanaasulno madax banaanida wargeysyadayada iyo xoriyatul-qawlka aanu xaqiijintiisa halganka dheer u soo galnay..
Waxay ahayd in Xeerka Saxaafadda Somaliland dacwadayada lagu qaado. Waxa xaaraan iyo distoor-jebin ah in naloo adeegsado xeerka Ciqaabta ee Somalia, iyadoo uu jiro xeer gaar ah oo ay Somaliland u leedahay ka gar-naqa dacwadaha khuseeya saxaafadda.
Madaxtooyada wax u yeedhinaysa maaha sababta keliya ee guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal dhago dhago u doortay inuu nagu qaado xeerka ciqaabta. Waxa jirta aqoon-darro ka haysa culuumta sharciga madaniga ah (civil law). Xeerka Saxaafaddu wuxuu odhanayaa warbaahinta halagu qaado qaanuunka madaniga ah. Faysal dhago dhago-se malaha aqoontii farsamo ee sharci ee uu ku dabaqi lahaa xeerka madaniga ah dacwadaha ka dhanka ah Saxaafadda. Isla markaana u waafajin lahaa xeerka saxaafadda.
Faysal dhago dhago, weli cidi kumay odhan xaq uma lihid inaad kala doorato laba xeer ee waxaad sharciyan ku khasban tahay inaad raacdo xeerka saxaafadda Somaliland. Mushkiladda Aqoon-darrada sharci kuma koobna Faysal dhago dhago oo keliya, laakiin waa mid ay ka siman yihiin garsooreyaasha badankoodu.
Faysal dacwadii Daahir Riyaale nagu soo oogay sannadkii 2007 wuxuu ku qaaday xeerka ciqaabta. Tan maanta siillaanyo nala tiigsadayna wuxuu u adeegsaday xeerkii ciqaabta. Berito haddii mid kale loo keeno sidaas uun buu yeeli doonaa ilaa dalku helayo Garsooreyaal hagaagsan oo mihnadooda suuq-madow kaga ganacsanayn oo sida aanu u ilaashano madax banaanida saxaafadda iyaguna u ilaashada madax banaanida garsoorka.
Intii dacwaddani socotay Ma jirto wax daliil ah oo maxkamadda la hor keenay oo lagu xaqiijinayo in aanu geysanay gefka nalagu soo eedeeyay oo ahaa been-abuur iyo aflagaado aanu u geysanay afar nin oo labana wasiiro yihiin, midna Xildhibaan Golaha Wakiilada ah, ka afraadna yahay wiil uu Madaxweyne Siillaanyo soddog u yahay.
Eedahan oo xeer-ilaaliye aan aqoontiisu badnayn ka dhigay 11 eedood waxay run ahaantii isugu soo ururayaan ereyga “defamation” oo micnihiisu yahay meel-ka-dhac sumcad xumo keenay, taas oo inta badan ka dhalata been qof laga sheegay oo dhaawac u geysatay sumcadii uu qofkaasi ku lahaa mujtamaca ama mihnadda uu ku shaqaysto, ama meheradda uu ka ganacsado, iwm. Qofku iskama odhan karo meel baa laygaga dhacay ee waa inuu caddeeyaa oo prove-gareeyaa in sumcadiisii ay dhab ahaan waxyeelo soo gaadhay oo uu keenay xaqaa’iqii “facts” uu soo daliishanayey. Taasi waa marka uu dhibanuhu yahay qof caadi ah, laakiin marka uu yahay qof dawladda u shaqeeya oo weliba xil sare ka haya (senior public official) ee isla markaana wargeys wax ka qoray ku dacwaynaya meel-ka-dhac inuu ku sameeyay, waabay ka sii culus tahay in la caddeeyo in eedu ay noqon karto defamation iyo in kale, waayo waxay garsooreyaashu markaas oo kale isu miisaamaan danta guud (public interest) iyo tii gaarka ahayd (personal) si loo kala garto ta labadooda miisaan culus ee muddan in la tixgeliyo.
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale waxaanu wax ka sheegnay musuq-maasuq uu geystay oo dhab ah oo la xidhiidha shaqada uu qaranka u hayo. Waxanu soo bandhignay macluumaad badan oo dadweynaha (the public) ka qarsoonaa oo khuseeya heshiisyada shidaal-sahaminta ee magaca dawladda Somaliland uu Wasiir Xuseen kula galo shirkadaha ajnebiga ah. Haddii aanay Haatuf wax ka qorteen dadku may ogaadeen xogaha badan ee ka maqnaa ee la xidhiidha arrimaha shidaal-baadhista ee uu wasiirku caadaystay inuu si qarsoodi ah u maamulo. Inkastoo ay haatuf ahayd wargeyskii ugu badnaa ee wax ka qora, haddana may ahayn kii ugu horeeyay ee ka warama musuq-maasuqa Wasiirka Macdanta.
Warbaahinta iska daayoo Xuseen Cabdi Ducaale muddo dheer masuul muu ahayn markii wasiiro xukuumadda ka tirsani ku eedeeyeen inuu dakhli qaranku leeyahay oo xaqul-qallin ahaan looga qaaday laba shirkadood uu xisaabo uga furtay bankiyo Djibouti ku yaala oo arrintaas darteed ay golaha wasiirada dhexdiisa isaga iyo wasiirkii Maaliyadda ee hore Maxamed Xaashi Cilmi, isku qabsadeen, markii dambena ay noqotay in uu lacagtii qayb ka mid ah oo uu soo sarrifay ku soo shubo wasaaradda Maaliyadda/Baanka dhexe, qaybtii kalena ilaa hadda la la’yahay. Arrimahaasi waxay muujinayaan in aanu jirin wax mawqif ah oo Haatuf ku kelifayey inay iska ishaaqsato XuseenWeji-xun.
Haddaba maxay tahay sumcadda uu wasiir Xuseen lahaa ee ay Haatuf meel kaga dhacday ama ka xumaysay?
Waxyaabaha ay Haatuf ka qortay wasiirkaa miyey ahaayeen wax ka badan musuq-maasuqa uu ku maamulo hawlaha shidaal baadhista, sida aanu uga run sheegin dakhliga musuq-maasuqa kaga maqan khasnadda dawladda iyo weliba dadweynaha uu ka qarinayo xogaha ay xaqa u leeyihiin inay ogaadaan?
Xeer-ilaaliyuhu muxuu u baadhi waayey waxyaabaha ay Haatuf sheegaysay ka hor intaanu dacwad ku soo oogin wargeyskii ummadda u soo waramay, mise Mr. Aadan Seed (Gudhuu jug soo dhacay) ma yaqaano inay taasi ka mid tahay waajibaadka saaran.
Baashe Cawil markay noqoto, haddii aanay dhab ahayn inuu awood muuqata ku yeeshay maamulkii dawladeed ee Somaliland oo uu yahay muwaadin caadi ah, maxaa soo geliyay dacwadan Haatuf loo haystay ee ay xeer-ilaalintii dawladdu ugu doodaysaa? Miyaanu Baashe Cawil la mid ahayn muwaadiniinta Somaliland ee kale ee markay mudici cid kale ku yihiin aanay jirin xeer-ilaalin u doodaa iyo warbaahin dawladeed oo u hadasha balse iyagu qabsadaan qareeno u dooda. Baashe Cawil annagu iskamaanu daba-gelin ee afcaashiisa ayaa horkeentay hawl-wadeenada wargeyska Haatuf, kuwaas oo intay shaqadoodii qabsadeen wax ka qoray awoodaha saameynta leh ee uu ku yeeshay maamulkii dawladda gaar ahaan Madaxtooyadii dalka looga talinayay.
Baashe CAwil, Xuseen Ducaale, iyo Xildhibaan Cali Mareexaan midkoodna meel kagamaanu dhicin ee wax run ah ayaanu ka sheegnay.
Go’aan kasta oo uu Garsoore Asad saaka halkan kaga dhawaaqo wuxuu noqonayaa uun xukun-qarqoosh aan wax sharciyad ah ku fadhiyin. Dadka reer Somaliland waxa la gudboon inay xoriyatul-qawlkii, gaar ahaan xorriyadii Saxaafadda ka difaacaan xasuuqa uu ku hayo regime-ka Siillaanyo.
Xildhibaanada golaha Wakiilada ee garsoorka iyo xukuumadda ugu baaqay in la dabaqo xeerka Saxaafadda Somaliland, way ku ammaanan yihiin mawqifkoodaa oo ku dayasho mudan.
Xeerka Saxaafadda Somaliland ha guulaysto.”