Hargeysa(Hubaal)-Baabuur yar oo kamid ah nooca tagaasida yaryar ee ka dhex ka shaqeeya gudaha Caasimada Hargeysa tukhaanka ayaa ku qalibmey agagaarka huteelka safaari meel aan ka dheerayn oo dhinaca waqooyi kaga beegan, iyadoo la sheegay in baabuurkani sababay dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogeyaal ah, oo la kulmay shilkan baabuur ayaa, sheegay in ay baabuurkan yar ee qalibmey ay ku naf waayeen laba qof halka shan kalena ku dhaawacmeen, ilaa iyo hada lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee dadkaasi ku geeriyooday shilkan baabuur haseyeeshee, sida ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen qaar kamid ah tagsiilayaasha ka dhex shaqeeya Caasimada Hargeysa ayaa, iyagu u badinaya in shilkani sababey dhimashada laba qof halka dadkii uu jiidheyna, ay ku dhaawacmeen ilaa shan qof.
Waxa kale oo ay intaa ku dareen dadka ka agdhawaa shilkani in baabuurka yar ee qalbmey kamid ahaa Gaadiidka tagaasida nooca loo yaqaan (Anfac-Tagsi),waxaana dhamaan dadkii dhaawacmey iyo kuwa loo filayo in ay geeriyoodeenba loo qaadey dhinaca Cusbitaalka Hargeysa, iyadoo sababta shilkaasina ay ciidamada Boolisku baadhayaan.