Ammaanka caasimada Somaliland Oo Hoos u dhac ku yimid Doorkii Ciidanka boliiska + Qaybaha Bulshada Oo Ka Qayliyay Dilal,Dhac Iyo Dhalinyaro Koox-koox U Duulaya Oo Soo Badanaya

0
39

Hargeysa (Hubaal) waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay xaafadaha magaaladda Hargeysa dilal iyo dhac siyaabo kala duwan loogu geystay dadyow kala duwan oo ku dhaqan caasimada,waxaana soo badanaya khasaaraha iyo dhibaatooyinka kooxaha dhalinyarada ah habeenkii ka geystaan xaafadaha Caasimadda, taas oo ammaan-darro ku haysa isu-socodka magaalada Xilliyada habeenkii, waxaanay arrintan si xooggan uga qayliyey qaybaha bulshada iyo masuuliyiinta

Cusbitaalka magaalada Hargeysa, ayaa habeen Saddexaadkii la keenay dhaawacyada laba qof oo toorriyo lala dhacay, kuwaas oo kooxo shufto ahi ka heleen xaafadaha  Oktoober iyo Xawaadle oo kala tirsan degmooyinka Axmed Dhagax iyo 26 June ee magaalada Hargeysa.

Tan iyo intii uu geeriyooday taliyihii hore ee ciidanka boliiska Somaliland general Saqadhi Dubad waxa gebi ahaanba meesha ka baxay roondeyntii uu boliisku ka samayn jiray suuqyada iyo xaafadaha magaaladda Hargeysa,sidoo kale waxa iyana meesha ka baxday kala dambeyntii uu ciidanka boliisku lahaa sida anshaxa (Discipline) oo boliisku lahaa ayaa gebi ahaanba keentay in cabsi dhanka amaanka ah ay la soo deristo dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa.

Hargeysa1Tan iyo markii uu noolaa marxuum Taliye Saqadhi Dubad ayaan habayaraatee ammaan-daro tan wakhtigan ka jirta caasimada oo kale ka dhici jirin waxaana lagu xusuustaa Alle ha u naxariistee Taliye Saqadhi intii uu Taliyaha Ciidanka boliiska Somaliland ahaa roondeyntii boliisku habeenkii xaafadaha magaaladda Hargeysa ku dhex mari jireen iyo heegankii uu ugu jiray ammaanka caasimada oo had iyo jeer la arki jiray Taliye Saqadhi oo habeenkii xaafadaha magaaladda qaar dhex maraya iyo weliba gaadhigiisii Maarki tuuga ahaa ee inta badan bulshada reer Hargeysa ay ku arki jirtay suuqyada iyo weliba xaafadaha,waxaana marka la yidhaa dhalinyaro kooxo ah ayaa xaafad heblaayo isu weeraray,markaaba la arki jiray boliiska oo aan soo gaadhin goobta in isagu (waa Taliye Saqadhi) uga sii horeyn jiray,taas oo runtii cid kasta oo dabadii nool ay ka marag kacayso nidaamkii iyo kala dambeyntii uu boliisku lahaa iyo nabadgelyadii aadka u sareysay ee bulshadu ku naaloon jirtay.

Amaan-darada maanta magaaladda ku soo kordhaysana waxa kow ka ah oo loo aaneynayaa hoos u dhac ku yimid Ciidankii nabadgelyada

Tanina waxay ku tusaysaa taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo marxalado kala duwan iyo shaqooyin kala duwan ka soo qabtay Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ugu dambayntii mansabka taliyenimo ku  helay Geeri naxdin leh oo ku timi Halyeygii xilkan uga horreeyey oo ay isku Beel ka soo wada jeedeen,waxaana  dhibaatooyinka ammani-daro ee ku soo badanaya wakhtiyadan dambe casimada Hargeysa sababay fadhiidnimo baahsan oo ku timid ciidanka boliiska iyo Hannaankiisa Hoggaamineed, maadaama uu  socod-barad ku yahay Talada Ciidanka, isla-markaana aanu wax cilmi ah oo Ballaadhan u lahayn arrimaha Ciidamada iyo Hoggaamintoodaba.

Cabdilaahi Fadal intii uu joogay wax horumar ah oo ka muuqda ciidanka Boolisku ma jiro, waxana hoos u dhacay Hannaankii wax-qabad iyo kii xil gudasho ee ciidanka, taasina waxa ay keentay in suuqa dhexdiisa la isku rasaaseeyo oo xaafadaha iyo meel walba oo magaaladda Hargeysa kamid ah qofka dan u socda lagu baadhanayo hantidiisana lagu dhacayo islamrkaana la arko dilal aan dalka hore uga dhicin sida kuwa muddooyinkan dambe ka dhacaya magaaladda Hargeysa

xigasho: Horweynnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here