AKHRISO: Ururka JIIDALI Oo Ceerigaabo Ku Wajahan Iyo Xukumadda Oo Ka Gaashaamatay

0
28

Ceerigaabo(Hubaal) Xukuumada ayaa si xoogan ugu hawlan sidii ay u horjoogsan lahaayeen Dhalinyarada Beelaha Subeer-Awal ee Ku Bahawday Ururka Jiidali oo la filayo inay 5-Aug safar ku yimaadaan magaalo madaxda Gobolka Sanaag Ceergaabo, halkaaso ay uga sii kicitimi doonaan Bogcada uu ku yaalo Qabriga Sheekh Subeer-Awal ee Tuulada Jiidali.

Dhaqdhaqaaqyo xoogan ayaa ka socda gudaha Ceergaabo kuwaaso xukuumadu ku raadinayso sidii ay beelaha Jiidali degani garab ugu siin lahaayeen in dhalinyaradaa laga hor istaago inay cagta dhigaan halka uu ku aasan yahay Awoowgood Subeer-Awal oo awalba beelweynta subeer awal ay sanad walba soo siyaaran jireen.

ururka jiidali

Waxaana safarka dhalinyarada Ururka Jiidali durba loo rogay mid siyaasadaysan oo waxna u dhimaya qaranimada somaliland, taaso bulshada laga dhaadhicinayo in Ururka la baxay Jiidali uu yahay Urur Siyaasadeed isla markaana uu sharci iyo dastuurka Somaliland gebi ahaanba baalmarsan yahay, sidaasi awgeedna ay tahay ujeedada ururkani u imanayo Tuulada Jiidali mid ay ku duugan tahay mucaaradnimo aan sharciga waafaqsanayn iskana horkeenaysa xukuumada iyo shacbiga.

Xalay ayaa waxaa magaalada Ceergaabo uga boqoolay dhinaca Tuulda Jiidali sagaal Oday oo koofiyad bacleyaal ah kuwaaso xukuumada dhabarka sii taabatay una sii laqintay wax kasta oo ay u arkaysay inay caqabad ku noqon karaan Imaatinka weftiga Ururka Jiidali.

Sikastaba ha ahaate tn iyo intii Dhalinyara Subeer-Awal ay ku dhawaaqeen Ururkan, waxay arintaasi laf dhuun gashay ku noqotay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo xiligan dhankastaba ay ka hareereyeen Dabaylaha Mucaaradka iyo Isbedel doonku.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here