Hargeysa(Hubaal) bakhaarada Kaydka ee Jaamacadda Hargeysa ayaa lagu waramayaa in habeen dhaweyd ay jabsadeen Tuug, kuwaas oo kala baxay sida warku sheegayo qalab yaalay oo ahaa kuwa ay Jaamacaddu Isticmaasho.
Wararka ku saabsan jabsashad kaydka Jaamacadda ayaa sheegaya in goor habeen ah la jabsaday isla markaana lagala baxay qalab aan illaa hada tirsadiisa la haynin, kuwaas oo u badnaa qalab ay hore jaamacaddu u isticmaashay.
Laba ka mid ah dadka loo tirinayo inay ka mid yihiin tuugtii jabsatay Kaydka Jamacadda ayaa la sheegayaa in la qabtay oo Booliiska gacanta ku dhigeen, waxaana lagu wadaa baadhitaan halka ay geeyeen hantida Jaamacadda.