AKHRISO: Diyaarad Lagu Soo Riday Bariga Ukraine Oo Ay Ku Dhinteen Ku Dhawaad 300 Oo Ruux Oo Saarnaa

0
31

Donetsk (Hubaal/w.wararka)- Diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha Malaysia, ayaa lagu soo riday bariga dalka Ukraine ee uu ka socdo dagaalka u dhexeeya ciidammada dawladda iyo kooxaha gooni-u-goosadka Ruushka taageersan, taas oo ay ku dhinteen dhammaan guud ahaan 295 qof oo saarnaa.

plane crushed

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 777 oo ka duushay magaalada Amsterdam ee dalka Holland, una socotay caasimadda Maleesiya ee Kuala Lumpur Khamiistii, ayaa la sheegay inay ku soo dhacday meel u dhaw magaalada Donetsk ee bariga Ukraine oo ay haystaan kooxaha gooni-u-goosadka taageersan Ruushka, iyadoo loo adeegsaday hubka lidka diyaaradaha oo awoodda badan.

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa sheegay in diyaaradda soo rideen wax uu ugu yeedhay argagixiso uu ula jeedo kooxaha mucaaradka ka soo horjeeda, isagoo ku eedeeyey dawladda Ruushku inay siisay hubka loo adeegsaday diyaarada oo lagu tilmaamay inuu yahay hubka lidka diyaaradaha ee SA-11 oo ah kii cahdigii midowgii Soviet-ka Ruushka.

Haseyeeshee, masuuliyiinta mucaaradka Ukraine ayaa iska fogeeyey inay ku lug leeyihiin soo ridada diyaaradan, iyagoo sheegay in aanay iyagu haysan hub lid diyaaradeed ah oo gaadhi kara diyaarad ku socota joog 10KM ah, waxaanay ku eedeeyeen in ciidammada dawladda Ukraine ka dambeeyaan falkan.

Burburka diyaaraddaasi oo dad badbaadadu u gurmadeen, ayaa laga arkayey meydad badan halkaasi laga helay, waxaannay wararka hordhaca ah ee ku saabsan dhalashadan rakaabka saarnaa, ayaa sheegaya in 76 qof u dhasheen dalka Holland, 23 kale ayaa la sheegay inay Maraykan yihiin, halka badanka inta kale ay u dhasheen dalalka Aasiya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here