AKHRI: Xukuumadda Oo Mawqif Adag Ka Qaadatay Muran Ka Dhashay Seerayaal La Xidhayo

0
18

Deedafayntii Saylici, Beeninta Cabdi Aw Daahir, Ballanqaadka Shukri Baandare iyo Baaqa Xaaji Cabdi-waraabe ee ku wajahan seerayaasha la xidhayo Hargeysa (Hubaal/Jam)- Xukuumadda Somaliland ayaa mowqif adag ka qaadatay muran ka dhashay seerayaal la xidhayo oo qaarkood uu ka dhashay muran qaybo ka mid ah bulshada degta degaannadooda ay ku yaalaan kaga soo horjeedsatay qorshahan. Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Degaanka & Horumarinta reer Miyiga – Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Shukri Xaaji Baandare iyo weliba odayga Somaliland Xaaji Cabdi-waraabe oo ka qaybgalay shir lagu daahfurayey mashaariic dalka laga fulinayo oo seerayaashu qayb ka yihiin shalay, ayaa sheegay in seerayaasha loo xidhayo xoolo dhaqatada ee aanay shaqo ku ahayn shirkado gaar loo leeyahay, isla markaana lagu soo celinayo gacanta dawladda oo aan dan gaar ah looga habranayn. saylici samaroon Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici ayaa hadal uu ka jeediyey shirkaasi waxa uu ku deedafeeyey in ay wax qiil ah haystaa dadka ka soo horjeesta danta guud iyagoo doonaya dan gaar ay u leeyihiin, waxaannu yidhi, “Ummadda u sheegno sanduuqan iyo mashaariicdan laga fulinayaa waa kuwa ummadda reer Somaliland leeyihiin ee maaha kuwa cid kale leedahay ama cid gaar ah lagu naasnuujinayo aanay ahay. Dadka ka qaylinaya mashaariicda la qabanayo waxay tabanayanaa dan gaar ah, laakiin danta guud iyo danta gaarka ahi marnaba isma galaan, waxaannuna ummadda ka codsanaynaa inay danta guud ka horreysiiyaan mar walba danta gaarka ah. “Ninka labaatan sannadood ka faa’iidaysanayey wax ummaddu wada lahayd oo kelidii haystay haddii maanta loogu yimi inuu ku sii dhegannaado laga yeelimaayo, haddii uu ku jiray daar dawladdu leedahay, haddii uu haystay meel la wada leeyahay ama uu seere ummadda ka dhexeeyey haystay mar haddii loo baahday oo la hagaajinayo waa inuu isagoo faraxsan ka baxaa, sababtoo ah xaq isaga gaar u siinayey muu jirin.” “Mucaaradku inuu horumarka geliyo mucaaradad maaha oo la yidhaa Al-jaabiri iyo Indho-deero ayaa meel loo xidhayaa, Qool-caday iyo Aroori iyo seerayaasha la mid ah looma xidhayo cid gaar ah ee danta ummadda ayaa loo xidhayaa,” ayuu hadalkiisa raaciyey Md. Saylici. Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, ayaa isagu beeniyey jiritaanka warar lagu sheegya in shirkado gaar ah loo xidhayo seerayaasha, “Waxaannu halkan ka sheegaynaa seeraha la xidhayo Jaabiri ma leh, Indho-deerana ma leh, ganacsato kale iyo cid gaar ah oo loo xidhayaana ma jirto ee dadka ayaa loo xidhayaa, waxaanna fuliya dawladda ee Cabdi Aw Daahir maaha (wasiirka), markaa haddii aannu sheegno oo gole, guud iyo gaarba ka sheegno waa in dadku qaataan. Meelahan la xidhayo sidii dawladdii hore noqonmaayaan ee waxaynu ka samaynaynaa ballayo, goobo shaybaadho ah iyo kuwii lagu dawaynayey xoolaha, shaqaalo abuur baynu ka samaynaynaa, daaq baa laga samaynayaa, siyaasaddeenu waxa weeye sidii aynu xoolo-raacatadii ugu beddeli lahayn xoolo-dhaqato. Waxa qorshayahagu yahay haddii Alle nala qabto in neefkeennii lagu iibinayey saddex jirka uu ku iibgalo hal sanno, in neefka xoolaha caanihiisu u dhigno toban neef oo maanta jooga,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir. Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxay iyadu xustay in xidhista seerayaashan lagu doonayo si looga faa’iidaysto xilliyada abaaraha, isla markaana ay qayb yihiin sidii gacanta dawladda loogu soo celin lahaa seerayaashii dawladdu hore u lahayd, waxaanay tidhi, “Seerayaashii iyo banankii dalku lahaa waa la soo wada celiyaa oo waa la xidhayaa, si dadka reer miyiga ahi xilliyada abaaraha ugu baxsadaan, iminka waxaannu ku bilaabaynaa lix seere oo kala ah Qoolcaday, Aroori, Banka Tuuyo, Booq iyo Lafa-ruug. Waxaanna daba socda qaar kale oo uu ka mid yahay Qoryaale iyo kuwo kale.” Waxa kale oo ay bulshada ka codsatay in lala shaqeeyo oo ay wasaad ahaan diyaar u yihiin inay xalliyaan wixii cabasho jirta, “Waxa jirta in kolayba laga cabanayo halkee xooluhu daaqayaa haddii bananka la xidho ama ay jiraan dad si sharci-darro ah u xidhay seerayaashii oo beero lagu sheegay, arrintaasi dawladda Somaliland waxay ka leedahay sharci iyo siyaasad ah in cid kasta oo dhul dan guud ah oo ummadda ka dhexeeyey ootay lagu soo celin doono gacanta dawladda. Shacabka waxaan leeyahay haddii ay jiraan wax qawad ama cabasho ah ka dawlad ahaan diyaar baanu idiin nahay in aannu idinla xallinno, iyadoo mashaariicda ka wasaarad ahaan na hoos imanaysa inta badan shacabku gacanta ku hayno doono,” ayey hadalkeeda ku soo ururisay Wasiir Shukhri. Ugu dambayntii, Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ah odayga Somaliland, ayaa ugu baaqay dadka mucaaraday xidhitaanka seerayaasha inay dib uga noqdaan go’aankooda oo aanay ku fashilmin, waxaannu yidhi, “Seeraha shacabka lagama seerayo ee waa loo seerayaa, shaqo ayey ka helaan, abaarka ayaa lagala dagaalamayaa xoolaha nool oo waa kayd meesha loo dhigayo. Maaha inaad waxa caloosha aad ku haysana ku hayso, afkana aad wax uga sheegto. Berigii hore ee la seerayey sidan oo kale ayaa rag u hadlay oo u diiday, markii dambe ayey yidhaahdeen sidaa maanu moodayn. Arrintan ciddii ka soo shaqaysay way mahadsan tahay, cidda caawinaysa ee lacagteeda ku bixinaysaana way mahadsan yihiin. Ragga had-hadlayana waxaannu leenahay ka baxa oo ha ku fashilmina oo nin madax ah oo suldaan ah oo sheekh ahi ayaanu ku fashilmin, ragga hadlaya ee waxaan jirin shacabka u sheegayaa way is garanayaan. Shacabkana waxaan leeyahay hubsada waxa idiin dan ah iyo waxaan idiin dan ahayn. Ninka waxa danta ah wada ilaa Nebiyadii waa horjoogsadaa, ninka fidnada ama qallooca wada degdeg baa loo maqlaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here