AKHRI: Madaxweyne Obama Oo Amar Ku Bixiyay In La Baadho Caafimaadka Madaxweyneyaal Africa Ah Oo U Safraya Maraykanka

0
31

Washington (Hubaal/Jam)- Madaxweynaha Maraykanka Mr. Brack Obama, ayaa amar ku siisay saraakiisha caafimaadka ee dawladdiisa inay baadhaan caafimaadka wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Nigeria Mr. Goodluck Jonathan iyo madaxweyneyaal kale oo Afrikaan ah oo ku sii jeeda magaalada Washington oo ay kaga qaybgalayaan kulan ay leeyihiin hoggaamiyayaasha qaaradaha Afrika iyo Ameerika, si looga hortago cudurka EBOLA oo ka dillaacay qaar ka mid ah dalalka Afrikaanka.

Obama

Madaxweyne Jonathan iyo dhawr hoggaamiye oo dalalka Afrika ah, ayaa Isniinta berri qaybgeli doona shir gaar ah oo magaalada Washington lagu qabanayo, waxaannu Madaxweynaha Maraykanku ku baaqay in laga cabsi qabo inay cudurkaas soo qadaan, iyadoo heegan loo geliyey saraakiisha caafimaadka Maraykanka inay baadhitaan ku sameeyaan, waxaannu Obama sheegay in tallaadan lagu difaacayo caafimaadka dadka Maraykanka ah in aanay cudurkaas Ebola qaadin.

Nigeria

“Madaxda ka imanaysa waddamadan ee khatarta ugu jira in ay cudurkaas halista qaadaan, waxaannu hubinaynaa in la baadho caafimaadkooda,” ayuu yidhi Obama.

Hore waxay Madaxweynayaasha Liberia iyo Sierra Leone, Ellenn Johnson-Sirleaf iyo Ernest Bai Koroma u sheegeen in aanay awooddin ka qaybgalka shirkaas, kadib markii dalkooda cudurkan aadka u daran ku baahay.

madax

Toddobaadyadii ugu dambeeyey ku dhawaad 1,300 ayaa qaaday fayraska cudurka dilaaga ah ee Ebola ee EVD, kuwaasoo waqtigan ku kala filiqsan galbeedka Afrika, gaar ahaan dalalka Sierra Leone, Guinea iyo Liberia oo noqday goobaha ugu xun ee dadkoodu cudurkan sida ba’an u haleelay, waxana ku dhawaad 800 qof u dhinteen xannuunka, 90% daawada xannuunkan ilaa hadda lama hayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here