Hargeysa(Hubaal) – Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha wakiiladda iyo Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa safar ugu kicitimay Dalka jabuuti.
Lama Oga u jeedada dhabta ah ee Safarka labada Gudoomiye, hase ahaatee waxaa lagu war helay inay Isniintii Shalay ka dhoofeen Garoonka Diyaaraddaha Hargeysa . safarkan labada Masuul ayaan loo soo bandhigin warbaahinta.
Xoggo Wargeyska Jumhuuriya ka helay Safarka Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi ayaa Iftiiminaya in labada Masuul marti qaad ka heleen Madaxweynaha Dalka Jabuuti, si ay uga qayb galaan Munaasibad balaadhan oo lagu Bixinayo Inan uu dhalay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geel, taasi oo la siinayo Masuul ka tirsan Golihiisa wasiirada.
Waxa sidoo kale la sheegay in Gudoomiye Muuse Biixi ay Martiqaadka Meherka u dheertay, Martiqaad hore oo uu ka helay Dalka Jabuuti oo xidhiidh dhaw uu la leeyahay.
Safarka Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa la filayaa inuu hordhac u noqdo Wufuuf Madaxdhaqameed iyo Masuuliyiin iskugu jirta oo lagu marti qaaday Meherka Inanta uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti oo la filayo inuu qabsoomo dabayaaqada Bishan Jully.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in labada Gudoomiye wadaxaajood kala yeelan doonaan Masuuliyiinta Jabuuti Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti, si loo sii ambaqaado Furitaanka Xuduudka labada dal oo la sheegayo inaan wali Jabuuti ku niyad Samaan furistii Xukumadda Somaliland sheegtay in xuduudku furan yahay.