WAR DEG DEG AH:- HALKAN KA DAAWO WARKA IYO SAWIRADA KULANKA JIIDALI IYO DAALLO:- Kullan Ballaadhan oo Dhex Maray Dhallinyarada Beelaha Subeer Awal ee (Jiiddali) iyo Dhallinyarada Beelaha Garxajis ee (Daallo)

0
50

Hargeysa(Hubaal) Kulan Ballaadhan oo aan noociisa hore loo arag ayaa dhex maray habeen hore dhallinyarada Beelaha subeel Awal ee Jiidali iyo dhallinyarada Beelaha Garxajis ee Daallo.
Kulankaas oo ka dhacay Huteelka KAAH ee Koonfurta magaalada Hargeysa aayaa ahaa mid aan saxaafada loo ogolayn, balse ay dhallinyarada kulanka yeelatay ee Daallo iyo Jiidali ee kasoo kala jeeda Beelaha Habar Awal iyo Beelaha Garxajis oo labadooduba ka mid ah Beel Weynta Habar-Magaado, ayaa la sheegay inay kaga arrinsanayeen arrimo badan oo danahooda khuseeya.
Dhallinyarada kulankan iskugu timid oo tiro ahaan ka koobnaa ilaa konton qof, oo labada dhinac ah oo dhinacba ay ka socdeen shan iyo labaatan xubnood ayaa badankoodu ahaa guddiyada labada dhinac ee Jiidali iyo Daallo.
Kulankan oo saxaafadda ka caaganaa ayaa Wargeyska Hubaal xogoha uu ka helayo kulankaas ayaa la sheegay in dhallinyaradaasi ay ka arrinsanayeen sidii ay iskugu soo dhawaan lahaayeen labadooda dhinac oo ay sheegeen in lookala sheekeeyo tan iyo intii la abuuray Dawladda Somaliland, isla markaana la dhex dhigay gidaal lagu kala qaybinayo oo midba midka kale cadaw looga dhigay, arrimahaasna lagula dagaalamayo sidii aanay awoodoodu iskugu iman lahayn.

 

IMG_0541
Waxa kale oo wararku intaa ku darreen in dhallinyarada labada dhinac ay ku ballameen in ay joogteeyaan kulamada noocan oo kale ah, si ay u gaadhaan ujeedooyinka ay iskugu yimaadeen, isla markaana waxa ay wararku intaa ku darayaan in dhallinyaradaasi ku ballantay hoostana ka xariiqeen haddii awoodooda ay isku geeyaan isla mar ahaantaana ay mideeyaan maskaxdooda iyo muruqooda in ay ka midho dhallin karaan rabitaankooda iyo ujeedooyinka laga wada hadlay ee layskugu yimid.
Kulankan ayaa ahaa kulan jawigiisu si heer sare ah u qabsoomay, dhallinyaradaasina ku ballameen joogtaynta kulamada iyo kawada socodka arrimaha khuseeya, si ay mar kasta uga wada socdaan, waxna iskaga weydiiyaan kolba heerka xaalada dalka iyo dadku marayaan.
Kullamada noocan oo kale ah ee ay isku abaabulayaan dhalliyarooyinka kasoo kala jeeda beelaha Somaliland degan ayaa baryahan dambe soo xoogaysanaya, kadib markii ay fahmi waayeen dhinaca ay u socoto siyaasadda arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibada Somaliland oo dabac badani ku yimid muddooyinkan dambe.

 

daallo iyo jiidali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here